Araweelo News Network
Al-shababone

Mandheera – Kenya (ANN)- Maamulka degmada Mandheera, xarunta Gobolka Woqooyi-bari ee dalka Kenya, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar xoogag ka tirsan Al-shabaab ku burburiyeen xarun isgaadhsiineed oo ku taal magaalada Ceelwaaq ee dalkooda oo ay gudaha u galeen habeennimadii Isniinta.
Guddoomiyaha Degmada Mandheera Mr. Fredrick Shisia oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa xaqiijiyey in dagaalyahannada kooxda Al-shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen magaalada Ceelwaaq, isla markaana geysteen khasaare hantiyeed kala duwan.
Mr. Fredrick waxa uu sheegay in Al-shabaab burburiyeen xaruntii shirkadda isgaadhsiinta ee Safaricom oo laga isticmaalo Gobolka Woqooyi-bari ee Kenya, isagoo ku dooday in aannu jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka soo gaadhay ciidammada dawladdiisa oo ilaalo u ahaa shirkadda telefoonnada ee la gubay.
maaha markii u horaysay ee Al-shabaab weeraraan xarunta Isgaadhiisnta ee Safaricom iyo meelo kale oo isgaadhsiinta ka hawlgala gudaha Kenya, gaar ahaa Gobolka Woqooyi Bari, balse badhtamihii sanadkan inta la la ogyahay waa weerarkiis sadexaad ee ay halkaa ka fuliyaan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsado isgaadhsiinta.

Xoogagga Al-shabaab ayaa weerarro kala duwan oo sababa khasaare naf iyo maalba ah ka fuliya inta badan degaannada Gobolka Woqooyi-bari ee Kenya oo dhaca xuduudka dalkaasi la wadaago waddanka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.