Araweelo News Network
lacagtadolarka

Hargeysa (ANN)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe), oo dhawaan loo magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya.
Munaasibad ballaadhan oo labada wasiir xilka kula wareegayeen oo ka qabsoontay Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargaysa shalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Wasiirka Caafimaadka, Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta, Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada, Cali Maxamed Warancadde oo ah La-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, salaadiin, masuuliyiin iyo shaqaalaha wasaaraddaas iyo dadweyne kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Md. Xasan Cumar Hoorri, ayaa xafladdaas ka jeediyay warbixin la xidhiidha waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu joogay wasiirka hore, waxaannu sheegay in ay sannadkan waxbarasho dibadeed oo heerarkeedu kala sarreeyaan u direen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.
“Muddadii uu nala joogay Wasiir Cali-shoombe, waxa waxbarasho dibadadeed ka soo noqday afar qof oo master soo qaatay. Waxa kaloo noo maqan 9 qof oo degree iyo master diyaarinaya, waxa kaloo aqoonta heerka jaamacadeed ee master-ka soo diyaarinaya dad shaqaale ah, halka 39 qof oo kalena u baxeen waxbarasho dibadeed oo gaaban ay ku tageen Jabuuti, Nairobi, Addis Ababa, Kampala (Uganda) iyo Darasalam (Tanzania),” ayuu yidhi Mr. Hoorri.
Waxa uu intaas ku daray, “Waxa kaloo wasiirkii hore xadhigga ka jaray dhisme saddex dabaq ka kooban oo ku soo kordhay wasaaradda, mashruuca biyo ballaadhinta ee Hagaysa ee Horo-haadley oo lacagta ku baxaysaa ay tahay toban milyan shan boqol iyo afar iyo lixdan kun oo dollar ($1,564,000). Mashruuca biyo ballaadhinta ee magaalada Hagaysa lacagta ku baxaysaa waa shan milyan, lix iyo kontan kun oo dolar.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, ayaa sidoo kale ka hadlay mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, waxaannu yidhi; “Waxaan inyar kor ka xaadinayaa mashaariicda SDF intii Wasiir Cali-na hoggaaminayay waxa ka mid ahaa mashruuca biyaha ee hora-haadley oo lacagta ku baxaysay waxay ahayd toban milyan, shan boqol iyo afar iyo lixdan kun oo doolar ($1,564,000), Mashruuca biyaha ee Maroodi-jeex oo lacagta ku baxaysay tahay shan milyan iyo lixdan kun oo doolar. Mashruuca degaanka ee lagu ilaalinayo xaalufka degaanka, isagana waxa lacagtiisu tahay laba milyan iyo saddex boqol oo kun oo dolar ($2,300,000), mashruuca horumarinta kalluumaysiga oo loo qorsheeyey saddex milyan iyo siddeed boqol oo kun oo doolar ($3,800,000), halka mashruuca xanaannada xooluhuna uu ku kacaya afar milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar ($4,600,000). Mashruuca horumarinta biyaha ee Wasaaradda Biyuhu ay qaadatay isaguna waxa uu ku baxaysa 7 milyan iyo boqol iyo afartan kun oo dolar.”
Wasiirkii hore ee Qorshaynta, haatan ah Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), ayaa tilmaamay in Wasaaradda Qorshayntu ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, taas oo hagta qorshaha horumarineed ee dalka Somaliland.
“Maadaama oo aynu nahay dal aan la aqoonsanayn oo Wasaaradda Arrimaha Dibadu aanay xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayn dawlado badan, xidhiidhka aynu caalamka la leenahay waxa ugu xoog weyn xidhiidhka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo hay’adaha horumarinta iyo wadammada qaadhaan-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah la leh xidhiidh. Wasaaradda Qorshayntu kuma koobna uun xidhiidhka aynu la leenahay caalamka ee shirarka badanna way ka qayb-gashaa, xidhiidhka aynu la leenahay caalamkana waxa laga xoojin karaa Wasaaradda Qorshaynta.”.
“Wasaaraddu waxay ka kooban tahay shan waaxood oo kala ah waaxda qorshaynta, waaxda isku duboridka iyo diiwaangalinta ururrada iyo hay’adaha, waaxda horumarinta iyo gobollada, waaxda xog-koobista iyo tirokoobka iyo waaxda maamulka iyo lacagta.
Gobollada dalkana way ka furan yihiin waaxihii wasaaraddu, waxana ka hawlgala guud ahaan shaqaale ay tiradoodu dhan tahay 169 shaqaale ah. Waxaan ka codsanayaa shaqaalaha wasaarada in ay ula shaqeeyaan wasiirka cusub sidii ay iila shaqayn jireen ee hufneyd ee soo dhaweynta lahayd,” ayuu yidhi Shoombe
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa ballanqaaday in uu si wanaagsan ula shaqayn doono hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee xidhiidhka wada shaqayneed la leh, isagoo geesta kalena ka rajeeyey shaqaalaha wasaaradda in ay sidii wasiirradii hore ula shaqayn doonaan.
“Waxaan rejaynayaa in aan wax badan ka beddeli doono shaqadii wasaaradda, cid kastoo innala shaqaysana waan soo dhawayn doonaa. Si wanaagsan oo kal iyo laab ah ayaanan ula shaqayn doonaa, cid kastoo innala shaqaysa. Waxaan shaqaalaha wasaaradda uga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay u soo agaasimeen xafladdan iyo sida ay ii soo dhaweeyeen,” ayuu yidhi Wasiirka cusub.
“Waxa laga dhawaajiyay in Wasaaradda Qorshayntu ay tahay wasaarad ballaadhan oo malaayiin doolarna maamusha, haddana shaqaaluhu way cabanayaan. Markaa waxaan is idhi wasaaraddu malaha lacagta uun bay kala dudaa, oo wasaaradaha u qaybisaa, waxaas oo miisaaniyad ah, laakiin waxaan filayaa in aan wax badan ka beddeli doono shaqaalahan ka cabanaya gunada iyo mushaharka.”
Geesta kale, waxa iyaguna munaasibaddaasi ka hadlay Guddoomiyaha UCID, wasiirro, salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno kale, kuwaasoo dhammaantood si isku mid ah u caddeeyeen waxqabadkii uu muujiyay wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta, iyagoo dhinaca kalena qiray doorkii horumarineed iyo adkaynta nabadgeliyadda iyo sidii uu u mideeyay bulshada reer Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco muddadii Wasiirka cusub Badhasaabka gobolka ahaa.