Araweelo News Network

Guddida Doorashooyinka ee Xaliimo Yareey iyo xeerkii Doorashadda ee Baarlamaanku hore u ansxiyay meelna lagagama xusin Heshiiska la meel mariyay.

 

Muqdisho(ANN)-Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa  cod aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiskii doorashada ee ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaadheen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

Fadhigaa oo maanta ka qabsoomay dhismaha Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho,, waxa kasoo xaadiray 255 xildhibaan, waxayna  252 ka mid ah oo madasha fadhiyay u coddeeyeen meelmarinta heshiiska doorashadda.

Balse laba xildhibaan ayaa diiday, halka uu hal xildhibaanna ka aamusay. heshiiskaa la ansixiyay oo 17-kii September ay si wada jir ah u  gaadheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, kaddib kulamo ay ku yeesheen Muqdisho oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil iyo dublamaasiyiin ka socday beesha Caalamka.

Heshiiska la ansixiyay, ayaa dhigaya in doorashada oo ah mid dadban ay waqtigeeda ku dhacdo, kaas oo meesha ka saaraya qorshihii beesha caalamka ee ahaa in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod (One person One Vote) iyo xeerkii Baarlamaanku horre u ansixiyay.

Sidoo kale, heshiiska, ayaan meela lagaga xusin doorka Guddidii Doorashada Qaran, iyo waxa laga yeelayo xeerkii doorashada ee uu Baarlamanka Soomaaliya hore u ansixiyay, kaas oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo saxeexay, isla markaana dhigayay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah (One person One Vote).

Garyaqaan Ibraahim Iidle ayaa difaacay heshiiska la ansixiyay, wuxuuna ku doodaya in haddii sharci la hayo aan looga guuri karin sharc la’aan, oo sharci kale oo kaliya ayaa meesha looga saari karaa sharcigaas jiray. sida uu sheegay.

Wuxuu ku dooday in heshiiska maanta labada gole ansxiyeen  inay tahay in lagu dhiso dastuurka iyo shuruucda dalka, isagoo daliishanaya qodobka afraad ee dastuurka.

 “dastuurku, wuxuu hagayaa  hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dowladda oo dhan.” “Taas ayaa waxa ay ka dhigaysaa in heshiiskaas uu noqonayo mid dastuurka hareermarsan haddaanan meel uuun laga soo galian.” ayuu yidhi Iidle.

Geba-gebadii, garyaqaan Ibraahim waxa uu sheegay in xeerkaas uu sii jiri doono, haddii heshiiskan la meelmariyana aannu  burinayn xeerkii doorashada ee Baarlamaanku ansixiyay, isla markaana Madaxweynuhu saxeexay.

Dhinaca kale,  khilaaf u dhaxeeya guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, oo salka ku hayay hannaanka doorashada dalka ay u dhici doonto, ayaa meesha laga saaray.

Waxayna Shir todobaadkii hore ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya  oo ay ka qaybgaleen guddoonka labada aqal, madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada, muujiyeen in ay heshiis ka gaadheen khilaafkii hoggaanka labada gole ee federaalka oo ay isla meel dhigeen khilaafka, walaw aannay si waadax ah warbaahinta ugu sheegeen labada dhinac.

Qodobada lagu Heshiiska Muqdisho ee Baarlamaaku ansixiyay ayaa ahaa kuwan:-

  • In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah, kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
  • In deegaan doorashooyinka Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
  • In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 Ergo oo mateteysa beesha wadaagta kursigaa.
  • In xulista Ergada ay iska kaashanayaan Odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
  • In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
  • In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
  • In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan Ergo matasha oo wada jir ah.
  • In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
  • Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
  • In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’ddaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
  • Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.
  • Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.
  • Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.
  • Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
  • Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysanayso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.