Diyaaraddaha Dagaalka Ee NATO Oo Dabagalay Diyaaraddaha Ruushka Warshaddaha Oo Shaqada In Ay Joojiyaan U Dhow

Araweelo News Network.

Ky iv (ANN)-Diyaaraddaha dagaalka ee xulufada NATO ee fadhigoodu yahay labada gobol ee Baltic iyo Black Sea ayaa isku dayay in ay  laba jeer afartii maalmood ee la soo dhaafay  dabagal ku sameeyaan oo ay ka hortagaan diyaaraddaha Ruushka ee u dhow hawada isbahaysiga, sida lagu sheegay bayaan uu soo dhigay taliska ciidamada isbahaysiga ee NATO.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Burburiyay Warshada Gantaalaha Artem Ee Ukraine

Hase yeeshee kuma ay guulaysan in ay tallaabo ah ka qaadan, amma ay cabsi geliyaan, waxayna xaaladda dagaalka Ukraine u muuqataa mid aan kasoo raynayn, isla markaana dedaalada dublamaasiyadeed ee xoghayaha qaramada midoobay ayaan waxba ka beddelin.

Laxidhiidha: Duqaymaha Kyiv Oo Haleelay Duleedka Goob Xoghayaha Qaramada Midoobay Warbaahinta Kula Hadlayay

Qarmada Midoobay, ayaa ka hadashay xaaladda dalka Ukraine, kaddib booqashiid Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Antonio Guterres ee Kyiv Jimcihii iyo waxyaabihii uu kala kulamy.

 Ruushka ayaa Jimcihii sheegay in ay ciidamadoodu ay burburiyeen qalabkii wax soo saarka ee warshad gantaallada hawadda sare oo ku taalay caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxayna canbaaraysay qaramada midoobay duqaymaha sii socda.

Laxidhiidha: Putin Oo Ku Hanjabay In Hubka Casriga Ee Aannay Cid Kale Haysan Aannay Ku Faannayn Ee Isticmaalayaan

Duqaynta Ruushku la beegsaday Kyiv, ayaa kusoo beegnatay Khamiistii, iyadoo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta lala beegsaday gantaallada Ruushka ee ku dhacay badhtamaha Kyiv.

Booqashada kaddib Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres kormeer booqasho ah ku tegey  xaafadaha Kyiv ee Borodianka, Bucha iyo Irpin intii ku guda jiray socdaalka nabad raadinta ee Ukraine iyo Moscow isaga dab qaadayay.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Ka Joojiyay Gaasta

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa sagaal toddobaad tan kaddib  iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka. Mr. Guterres ayaa ku booriyay Ruushka “inuu aqbalo in uu la shaqeeyo” baadhitaanka socda ee ay bilowday Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, ICC.

Sidoo kale, Madaxweyne Putin ayaa ka aqbalay in dadka ku go’doonsan warshada Birta ee Mariupol loo oggolaado in laga samata bixyo halkaa oo ay Ruushku aqbalaan in laga soo daabulo.

Dhinaca kale, tan iyo markii Ruushku ku hanjabay inuu goynayo tuubooyinka gaaska haddii Yurub aannay bilaabin inay ku bixiso tamarteeda lavga Rubles, waxay arrintaasi noqotay mdi qaaradda Yurub ee dalalka galbeedka neefta ku dhejisa.

Laxidhiidha: Ukraine: Saraal U Hadlay NATO Oo Sheegay In Ukraine Iyo Xullufadu Aannay Marnaba Iska Baacin Karin Ruushka

 Joojinta gaasta ee Ruushka ayaa wer wer iyo walaac hor leh ku abuurtay mandaqada, waxayna gaaska Ruushku uga dhigan yahay warshadaha kiimikada iyo dhammaan warshaddaha kale ee ku tiirsan ee reer galbeedka masiibo soo food saartay oo xaaladda nollosha aminga mandaqada saamayn xun ku yeelanay.

In kasta oo shirkaddaha reer Yurub qaarkood ay isu diyaarinayaan inay u hoggaansamaan dalabaadka Moscow ee ah inay ku bixiyaan gaaska Ruushka Rubles, balse waxa soo baxaya in madaxda Midowga Yurub ay tahay inay xaqiijiyaan in shirkadduhu u hoggaansamaan mawqifka ururka oo ahaa in la aqbalo dalabka Moscow iyo in ay diidaan.

Laxidhiidha: Mariupol: Magaaladii Wadnaha Ukriane Oo Gacanta U Gashay Ruushka

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa uga sii daray dhibaatada sugnaanta cunnada ee dalal badan oo Afrikaan ah iyo qaarada Yurub, waxayna guud ahaan Afrika dalalku inta baddan ku tiirsan yihiin Ruushka iyo Ukraine, gaar ahaan saliida cuntada iyo in baddan oo ka mid ah oo sarreenka, bacriminta, ama saliidda khudradda, laakiin dagaalku wuxuu carqaladeeyaa suuqyada badeecadaha iyo ganacsiga ee qaaraddaha oo dhan, waxaana uu sababay kor u kaca qiimaha cuntada iyo shidaalka oo saamayn ku yeeshay badeecaddaha oo dhan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP, ayaa ka digay cunta yari soo waajahda dunida oo dhan, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqday wadamo badan oo Afrika ku yaala, kuwaas oo sida ay sheegtay WFP dagaalka Ukraine ka hor cunta yaraani ay ka jirtay, isla markaana laga cabsi qabo in malaayiin qof ay durba xilligan hadda la joogo halis ugu jiranaan inay la kulmaan gaajo iyo macaluul.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com