Duqaymaha Kyiv Oo Haleelay Duleedka Goob Xoghayaha Qaramada Midoobay Warbaahinta Kula Hadlayay

Araweelo News Network.

Moscow (ANN)-Xukuumadda Dalka ee uu hoggaamiyo Vlladimir Putin, ayaa duqaymo ay la beegsatay Kyiv oo ah caasimadda Ukraine ku burburisay warshad lagu farsameeyo gantaalaha hawadda sare.

Alt: Araweelo News Network
X oghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqasahdiisa Kyiv la kulmay gantaalo duqayn lala beegsaday, 28 April, 2022, Image Araweelo News Network.

 Ruushka ayaa Jimcihii sheegay in ciidamadoodu ay burburiyeen qalabkii wax soo saarka ee warshad gantaallada hawadda sare oo ku taalay caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Laxidhiidha: Putin Oo Ku Hanjabay In Hubka Casriga Ee Aannay Cid Kale Haysan Aannay Ku Faannayn Ee Isticmaalayaan

Moscow waxay sheegtay in iyadoo lagu rakibay gantaallada riddada dheer ee saxda ah la burburiyay warshadaa, “Hubka riddada dheer ee saxda ah ee hawada ku salaysan ayaa burburiyay tansiilaadka wax soo saarka ee gantaallada Artem ( Artem ukraine missile ) iyo warshadaha hawada sare ee magaalada Kyiv,” sidaa waxa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Alt: Araweelo News Network.
X oghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqasahdiisa Kyiv la kulmay gantaalo duqayn lala beegsaday, 28 April, 2022, Image Araweelo News Network.

Duqaynta Ruushku la beegsaday Kyiv, ayaa kusoo beegnatay Khamiistii, iyadoo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta lala beegsaday gantaallada Ruushka eek u dhacay badhtamaha Kyiv.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Ka Joojiyay Gaasta

Mid ka mid ah gantaalada ayaa ku dhacay guri dabaq ah, sida ay sheegeen maamulka Kyiv, ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waxa kasoo gaadhay dhaawacyo, balse burbur xooggan ayaa ka dhashay.

Qaraxyada ayaa dhacay wax yar kadib markii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqasho xal loogu raadinayo dagaalka ku isaga dabqadayay Moscow iyo Kyiv, wuxuuna xillaga ganaatalada Ruushku ku dhacayeen ku sugnaa Kyiv.

Laxidhiidha: Ukraine: Saraal U Hadlay NATO Oo Sheegay In Ukraine Iyo Xullufadu Aannay Marnaba Iska Baacin Karin Ruushka

Gantaalada ayaa ku dhacay xaafad ku taal Kyiv qadar saacad kaddib markii Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ay si wada jir ah shir jaraa’id ugu wada qabteen Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, waxayna haleeleen meel qiyaastii 3.5 kilomitir u jirta.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy wuxuu ku sheegay muuqaalkiisa maalinlaha ah in duqaymaha Ruushka ee Khamiistii ay ahaayeen, wuxuu ku macneeyay isku day lagu cabsigelinayo ururka caalamiga ah.

 “Maanta, isla markiiba kaddib markii uu dhammaaday wadahadalka Kyiv, gantaalaha Ruushka ayaa u duulay magaalada. Shan gantaal,” ayuu yidhi Zelensky.

“Tani waxay wax badan ka sheegaysaa dadaallada hoggaanka Ruushku ku doonayo in lagu bahdilo Qaramada Midoobay iyo wax kasta oo uu ururku matalo.” Ayuu yidhi, Zelenskyy, sidaa awgeed sheegay  inay u baahan tahay “falcelin awood leh oo u dhiganta.”

Duqaymaha ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay tan iyo badhtamihii April 2022, wallow ay jireen duqaymo ka danbeeyay balse aan sidaa u baaxad weynayn.

 Labo maalmood ka hor, Guterres ayaa wadahadal kula yeeshay Moscow madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, wuxuuna iclaamiyay sida uu warnaahinta u sheegay inuu weli ku rajo weyn yahay in wada xaajoodka lagu dhameeyo khilaafka si dagaalka loo soo afjaro.

Dhinaca kale, Madaxtooyadda Ukraine ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in jimcihii maanta in la qorshaynayo howlgal dadka rayidka ah lagaaga saarayo warshadda Birta ee Azovstal ee ku taal Koonfurta magaalada Mariupol ee ciidamadda Ruushku la wareegeen laba toddobaad ka hor.

 Ku dhawaaqista daadguraynta dadkaa, ayaa ku soo beegantay maalin uun kaddib markii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu sheegay in hay’adda adduunku ay samaynayso wax walba oo suurtagal ah si dadka rayidka ah looga soo badbaadiyo warshada Mariupol.

Warshada birta ah oo ku taal magaaladda Dekedda caalmiga ah ee Mariupol, waxaa laga soo dheegayaa in ay si joogto ah duqaymo ugala kulmayaan ciidamada Ruushka oo isku dayaya in ay meesha ka saaraan dagaalyahanadii ugu dambeeyay ee difaacayay magaalada oo ku burburtay gebi ahaanba dagaalka, wallow Madaxweyne Putin ku amray ciidamaddiisa in aannay marnaba xoog u adeegsan warshada, balse aannay oggolaan inuu duqsi ka baxo magaaladda.

Laxidhiidha: Mariupol: Magaaladii Wadnaha Ukriane Oo Gacanta U Gashay Ruushka

Dad badan oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku go’doonsan yihiin xarunta warshada, kuwaas oo ay la socdaan dagaalyahanada gaboodka ka dhigtay halkaa oo toddobaadyo ku sugan, iyadoo ay gebi ahaanba burburtay Mariupol, waxaana lagu qiyaasay dagaalka iyo duqaymaha ka dhacay Magaaladdaa ay mataaneeyeen muuqaal ahaan Magaaladda sideeda laysku hirday ee Alleppo ee dalka Syria oo sanando ka hor Ciiidamadda Ruushka oo taageeraya xukuumadda Bashar Al-assad iyo xulufada ay hoggaaminayeen Maraykanka,Britain iyo France oo taageeya jabhadaha ay ka abuureen halkaa isku haleeleen, balse ugu danbayntii xulufada maraykanka Ruushku ugu awood sheegtay, taas oo ku khasabtay in ay kala baxaan ciidamadooda.

 Gollaha deegaanka ee Mariupol ayaa sheegay in ilaa 100,000 oo qof oo magaalada degan ay halis ugu jiraan noloshooda duqeymaha Ruushka iyo sababo la xidhiidha nadaafad darro iyo biyo oo gabaabsi ah iyo cunto yari.

Salaasadii, wadahadal uu la yeeshay Guterres, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu kula heshiiyey mabda ahaan ku lug lahaanshaha Qaramada Midoobay iyo Guddida Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ee daadguraynta dadka rayidka ah warshadda Azovstal.

Dhinaca kale, Ruushka ayaa sii wada in uu diiradda saaro gebi ahaan inuu la wareego gobolka Donbas ee bariga Ukraine isaga oo ujeedkiisu yahay in uu gacanta ku dhigo  deegaamada gobollada Donetsk iyo Luhansk, kuwaas oo inta baddan ay gacanta ku dhigeen ciidamadiisu, balse ay ka jiraan meelaha qaar dagaalo googoos ah, iyadoo ciidamadda Ukraine isticmaalayaan weerraro jidgoyn ah iyo duqaymo meelaha qaar magaalooyinka ah.

Dagaalo culus, ayaa ka dhacay agagaarka magaalooyinka Lysychansk iyo Severodonetsk waxaana ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay Koonfurta uga soo dhaqaaqaan Izium, iyagoo usii jeeda dhinaca Slovyansk, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhiga Britain oo soo xignay warbixin ay soo ururiyeen sirdoonka UK.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com