Araweelo News Network

abaarta
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in dawladaha Kuwait iyo Somaliland iska kaashanayaan sidii ceelal biyood looga qodi lahaa degaannada kala duwan ee abaartu saamaynta ku yeelatay.
Marwo Samsam Cabdi Aadan oo wefti ay hoggaaminayso, xubnana ka yihiin qaar ka mid ah guddida heer qaran ee gurmadka abaaruhu kormeer ku tageen degaannada Gabilay iyo Awdal shalay, waxa ay tilmaantay in abaartu wada gaadhay degaannada Somaliland oo dhan.
Wasiirka Maaliyadda oo markii ay gaadheen degaanka magaalo-cad oo ka tirsan gobolka Awdal warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in xaaladda abaartu meel xun ka marayso guud ahaan Somaliland, waxayna tidhi; “Immika annagu guddida Taakulaynta Abaaraha ayaanu la soconaa, waxaanu u yeedhanay guddidii heer gobol ee Awdal iyo Gabiley oo aanu shir wadagalaynaa, ceelal baa la qodayaa ay dawladaha Kuwait iyo Somaliland iska kaashanayaan, markaa wixii Ilaahay inoo hawlyareeyo ee lagu badbaadin karo dadka waxaannu diyaar u nahay inaanu ku dhaqaaqno, haddii ay tahay meelo qarbadyo la dhigo, haddii ay tahay raashinka oo meelo loo dhigo, haddii ay tahay ceelal degdeg ah oo la qodo, waxaynu isku dayeynaa inaga oo iskaashanayna in aynu gacmaha is qabsano, haddii Ilaahay yidhaah.”
Waxayna intaas ku dartay; “Qofka bani’aadamka ah ee wax idiin keenana horta Ilaahay baa u soo dhiibay, Ilaahay wuxuu inoo keeno ayuunbaynu halkaa ku sugaynaa. Waxa weeyi meel Somaliland ah oo xaaladda abaaraha ka fayow ma jirto, runtii abaartu meel walba way gaadhay, waydinkaa ka sheekaynaya dadkii aydun ugu timaadeen sida ay idiin soo dhaweeyeen oo wixii ay haysteen aad ula wadaagteen, runtii abaarta waxa loo bixiyey ‘Walaaleeya’, waxay walaalaysay ummaddii reer Somaliland oo way isku damqadeen, iskuna naxariisteen, oo way isku damqadeen, Ilaahayna sidaas ayuu inoogu naxariisanayaa.”
Weftiga ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyaddu oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Maayirka Gabilay Md. Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Guddoomiyaha Degmada Wajaale, Badhasaabada labada gobol ee Awdal iyo Gabilay, waxa ay kormeer ku mareen degaannada galbeedka ee la dejiyey dadka ka soo baro-kacay abaaraha ka taagan bariga Somaliland.
Waxa ay xubnaha weftigu xog-waraysi la yeesheen dadka ka soo barkaacay abaaraha gobollada Bariga Somaliland, kuwaasoo sheegay in si fiican loogu soo dhaweeyey deegaamada ay ku soo barakaceen ee Gobollada Gabilay iyo Awdal, isla markaana wax alaale iyo wixii biyo iyo baad ah ee ay ugu yimaadeen dhulkan ay ku soo barakeen in aan waxba laga hagran oo ay la wadaageen dadka.
Waftigan ayaa sidoo kalena kormeer ku soo maray Cusbitaalka guud ee magaalada Wajaale, dhismaha xarunta maaliyadda ee magaalada Wajaale iyo riigga degmada Ceel-ballaadh iyo ceel cusub oo laga qodayo waddada Waalid-xoor.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), waxaannu yidhi; “Runtii waxa jirtay Gobol ahaan iyo guddidayaduba aananu ka qoob-qaadin oo aanu la shaqaynaynay wixii aanu u helo iyo wixii aanu soo gaadhsiin karnoba, laakiin mar kastaba tamarta ay ka badan tahay oo dadkani ay ka badan yihiin waxa la helayo oo runtii ay yihiin dad ay maanta duruuftu bilaw u tahayba oo saddexdii bilood ee jiilaalka tahay sida ay sheegayaan.
Runtii xaaladda bani’aadam weeyaan, xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland heegan ayay mar kasta ugu jirtaa, dadka meeshan joogana waxa lagu qiyaasay ilaa 4,000 (afar kun) oo qof, balse guddidu ilaa gobolka Awdal marka la qiyaasay waxa ay noqonayaan ilaa 8,000 (sideed kun) oo qof.”