Araweelo News Network
dr-sacad-cali-shire
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii u horreysay xaqiijiyey inuu jiro wadahadal laga yeeshay saldhig Millatari oo dawladda Imaaraadku doonayso inay ka samaysato magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Wasiir Sacad oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa , waxa uu sheegay in go’aan ka gaadhista bixinta saldhigga millatari ay leeyihiin Madaxweynaha iyo labada gole Baarlamaan, waxase uu xusay in lamaga maarmaan ay tahay Somaliland inay ilaashato saaxiibadadeeda Imaaraadka iyo Itoobiya oo iyada la sheegay inay walaac ka muujisay saldhiggan millatari.
Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waa run oo ay jirtaa in dawladda Imaaraadku ay inna waydiisatay saldhig Millatari, warkaasi waa mid caan ah oo la wada ogyahay, dhawr jeer oo horena laga wadahadlay. Waddanka Imaaraadka Carabtu waa dal aynu saaxiib nahay, saaxiibaduna way is waydiistaan saldhigyo.
Saldhigga go’aankiisa waxa iska leh Madaxweynaha iyo labada gole Baarlamaan, markaa Madaxweynuhu kolba go’aanka uu ka gaadho waxa uu la qaybsan doonaa xildhibaannada labada gole oo iyaguna ka gudan doona waajibaadkooda.”
Dr. Sacad waxa uu ka hadlay inuu jiro khilaaf wasiirrada xukuumadda u dhexeeya oo ku saabsan saldhigga Millatari ee Imaaraadku doonayo, waxaannu yidhi, “Dawladdu markay arrin ka arrinsanayso haddii cid loogu yeedho afkaar badan baa laga jeediyaa, dadkuna isku ra’yi maaha, laakiin wuxuun baan ogahay oo aan hubaa inay dawladdu wax kastoo ay samaysay uu yahay waxay u aragto danta ummadda.”
Waxa kaloo Wasiirku iftiimiyey inuu jiro walaac Itoobiya ka qabto saldhig millatiri oo dal kale oo wayni ku yeesho jaarkeeda, balse wax faahfaahin ah kamuu bixin in arrintan ay ka wadahadleen Somaliland iyo Itoobiya, “Labada waddan (Imaaraadka iyo Itoobiya) waa waddamo aynu saaxiib nahay, saldhigyo millatarina sidooba werwerkoodana way leeyihiin, manfacoodana way leeyihiin, innaga waxa inoo yaala Somaliland ahaan waxa weeye sidii aynu saaxiibadeenna labadaba u ilaashan lahayn.
Itoobiya waa waddan ka xidhan badda, iminka waxay isticmaalaan dekedda Jabuuti oo keliya, qorshuhu waxa weeye inay dekedda Berbera-na isticmaalaan, markaa wax kastoo saamaynaya marinnada ay la leeyihiin badaha kolay warwarkeeday leedahay,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.