Araweelo News Network
dhulkaHargeysa (ANN)Guddida Horumarinta ee AFGARAD ee degmada Axmed-dhagax, ayaa dawladda hoose ee Hargeysa ku eedeeyay inay nin ganacsade ah ka iibisay dhul dan guud ahaa oo uu maayarkii hore ee Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir siiyay hay’adda Qarammada Midoobay ee WFP, dhulkaas oo ku yaal Masallaha galbeed, cabbirkiisuna yahay afar baloog.
Guddiga iyo dadweyne kale oo ay ku jireen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo shir-jaraa’id qabtay, sheegay in dhul hay’adda WFP leedahay laga iibiyey nin ganacsade ah, waxayna Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqeen inuu soo kala gaadho Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo shacabka degmada Axmed-dhagax.
Guddoomiyaha Guddiga Afgarad Dr. Maxamed Warsame Ducaale yayaa sheegay in Hay’adda WFP tahay mid si weyn looga tixgeliyo adduunka, isla markaana la saaxiib tahay Somaliland.
“Meesha la siiyey waa goobta ay ka dhisayso xaruntooda gobalka Geeska Afrika, si ay u noqoto xarun ay mucaawinada Itoobiya marto. Waxa haddaba la yaab leh arrintan oo mid qaran ah in la iibiyo oo laga iibiyo nin muwaadin ah oo la yaqaan. Waxaannu soo ogaanay in aan hay’adda waxba la weydiin, iyadoo hay’adda ay lacag ka gashay dhulkan, maadaama oo ay gidaar weyn ka dhisatay. Waxa ceeb innagu ah intaan wax bixino weliba hay’ado Qarammada Midoobay siino inaynu haddana iibino, dhaqan iyo caadana inooma aha. Haddii sharcigii uu maayarkii ka gudbay oo uu ku tuntay annagu wadnahaannu farta ku haynaa. Dawladdii Hoose ee Hargeysa waxaannu leenahay qalwadii mas baa galay,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Warsame, isagoo ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu wax ka qabto arrintan, soona farogeliyo.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Maxamed Cali Madoobe oo isna ka tirsan guddiga Afgarad, waxaannu yidhi; “Waa arrin aad iyo aad loola yaabo, wax loogu dulqaadan karo maaha. Maanta waxay maraysaa WFP halkii la siiyay ee ay xarunta ka samaysan lahayd in laga iibiyo nin ganacsade ah si yar oo sahlan wax caqliga geli karaya maaha, wax aanu qaadan karnana maaha. Arrintaasi waxay keenaysaa isku dhac, markaa waxaannu xukuumadda dhexe ka codsanaynaa inay arrintan sida ugu dhaqsaha badan u soo farogeliso.”
Maareeye-xigeenka Telefishanka Qaranka Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Qodax, ayaa sheegay in dhulka danta guud yahay wax qaranku wada leeyahay oo aan cid gaar ah ku tagri-fali karin.
“Waxay dadku ka damqadeen ee aannu isugu nimi waxa weeye dadkii danta guud laga jaray markii beerta la qorshayeynayey, waxay ku qanceen markii la yidhi dhulkan dan guud baa laga dhigayaa oo wax dadku wada leeyahay baa laga dhigaya, laakiin haddii la iibsanayo qofka beerta leh ee meesha bixiyey ayaa lacagta u baahnaa oo iibsan lahaa,” ayuu yidhi Mr. Qodax.

“Waddooynkii ha xidhina, talo ayaanu idin siinaynaa, waano ayaanu idin siinaynaa qof waliba in buu hayaa xilka waad ka tagaysaan, sumcad kaga taga intaad joogtaan, waxyaabo badan oo ceeb ah ayaad sameeyseen haddii aad Golaha Deegaanka tihiin runtaan idiin sheegaynaaye, halkana tii ayey qayb ka tahay, ma cuntamayso; ma soconayso, cid lagama iibin karo, qof ma dhisan karo amma WFP baa qaadanaysa oo Hay’addii la siiyey ayaa qaadanaysa.”
Maareeye-ku-xigeenka Telefishanka Qaranka, ayaa ugu baaqay dawladda hoose ee Hargeysa inay ka noqoto go’aanka ay cid gaar ah kaga iibisay dhul dan guud ah oo hore loo siiyey hay’adda Qarammada Midoobay ee WFP.