Araweelo News Network.

“Sacad iyo Saajin waa in ay Is Casilaan oo kuraasta banneeyaan, Lacagta Macaashku waxay ku dhacdaa madaxtooyadda

Sannadkan ayay markii u horaysay taariikhda Dekedda Berbera xidhnayd 15 maalmood iyo 10 Maalmood, waa wax aan hore u dhicin, ganacsataduna waxay ku khasban yihiin in ay aqbalaa lacagta lagu Kordhiyay.” Xisbiga WADDANI.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag u naqdiyay mushkilada sababtay in taariikhda markii u horaysay dekedda Berbera oo ah isha dhaqaalaha dalku xidhnaato tobban maalmood, iyadoo isla sannadkan 15 maalmood sidaa oo kale u xidhnayd.

Sidaa waxa sheegay Xoghayaha Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Xisbiga Mucaraadka ee WADDANi, Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuuna arrimahaa ku tilmaamay kuwo ka dhashay fashilka xukuumadda Madaxweyne Biixi.

“Arrintan hore ayaanu uga dignay xisbi ahaan December 2021, laakiin xukuumaddu way ka gaabisay, waxaana keenay fadhiidhnimadeeda, in Dekeddu xidhanto taariikhda markii u horaysay muddo 10 maalmood iyo 15 maalmood oo ay hore u xidhantay sannadkan, maalin walba oo dekeddu xidhantahay waxay khasaare ku tahay dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dawladda” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Xamse Khayre, wuxuu sheegay in aannay xukuumaddu waxba ka qaban arrintii cabashada, isla markaana heshiiska xukuumaddu sheegtay in laga gaadhay khilaafka uu yahay mdi lagu khasbay ganacsatada in ay aqbalaan korordhka lacagta ee DP World, taas oo sida uu sheegay ay khasban yihiin, maadaama ay baddeecadahoodii ka daadsan yihiin dekedda.

“Waxa dhaxcday nasiibdaro oo waxa laysla qaatay oo la kordhiyay korodhka maceeshada, Koonteerada 50% waxa la kordhiyay Koonteenarada 20ft, halka 32%, la kordhiyay Koonteenarada 40ft, alaabta aan ku jirin koonteenarada la kordhiyay boqolkiiba dhawr iyo afartan.”

Xoghaye Xamse Khayre, wuxuu sheegay in wasiirka maaliyaddu miisaaniyadda uu gollaha horgeeyay ku sheegay in sicir-bararka la dagaalamayo, laakiin wuxuu sheegay in aannay taasi muuqan, isagoo tusaale usoo qaatay qiimaha kharashka soo raacaya baddeecaddaha kasoo deggaya dekedda Berbera.

Laxidhiidha: Berbera: Xiisadda Todobaadka Ka Taagnayd Marsada Ee Laysku Mariwaayay Iyo Xalka Hordhaca Ah

“Xukuumaddu waxay qayb ka ahayd korodhka lagu kordhiyay ganacsatada, haddii la leeyahay shirkadda DP World xaq ayay u leedahay kordhinta sida ku cad heshiiska, laakiin macaashka qaybteenu kuma muuqato miisaaniyadda waxay lacagtaasi ku xerootaa madaxtooyadd, gollaha wakiiladda ayaan marti uga nahay in ay arrintaa wax ka qabtaan.” ayuu yidhi, Xamse Khayre.

Sidoo kale, wuxuu su’aal geliyay cidda Somaliland ugu jirta guddida maamulka Dekedda ee sida heshiisku ahaa ay lix xubnood dhanka DP World ka imanayeen dhinaca Somaliland saddex qof, balse wuxuu sheegay in aannay jirin cid caddayn karta in la magcaabay saddexdaa qof iyo kuwa ay yihiin, wuxuuna usoo jeediyay xukuumadda in ay caddayso oo bulshada usoo bandhigto haddii la magcaabay saddexdaa qof.

Dhinaca kale, wuxuu ugu baaqay wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Saajin Wasiirka ganacsiga in ay is casilaan maadaama sida uu sheegay ay ku fashilmeen in ay hantida ummadda ilaaliyaan.

“Wasiirka maaliyadda ayaa la weydiiyay macaashka shirkadda runta kama sheegin, waxan leenahay ummmadda ka xishood, Waxaan haynaa caddaymo cad in shirkaddu macaashtay $13milyan ayay macaashtay qaybteenii waa in la helaa, wasiir Sacad iyo Saajin waxaan leeyahay iska casila xilalka oo kuraasta u baneeyo dad ummmadda u shaqeeya oo hantidooda u ilaaliya ha yiamadeene.” ayuu yidhi, Xoghaye Xamse Khayre.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com