Maxkamaddu sharcidaray Faraha La gashay, Muusena waxan u sheegayaa,,,,,Murrshaxa Madaxweynaha Ee WADDANi, Cabdiraxmaan Cirro

Araweelo News Network.

Burco(ANN)-Murrashaxa Maadxweynaha doorashada Madaxtoouadda u taagan ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo khudbado xidhiidha ka jeediyay kulamo lagu casuumay oo Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa ka dhawaajiyay weedho ka turjumaya mawqifkooda murranka Siyaasada.

Murrashaxa Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ay safarka magaalada Burco ku weheliyaan Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ah, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Burco todobaadkii hore , waxayna kumanaan qof oo taageerayaasha Xsibiga ah kala hadleen meel fagaare ah.

Wefdiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddoomiye Xirsi oo weli ku sugan magaalada Burco, waxay kulamo gooni-gooni ah oo qaarkood aannay warbaahintu ka qaybgelin la yeesheen Madax-dhaqameedka, Salaadiinta, Waxgaradka, Aqoonyahanka , Odayaasha dhalinyarada iyo haweenka gobolka Togdheer.

Murrashaxa doorashada Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Cirro oo ah Diblamaasi lagu tilmaamo Af-gaabni iyo ereyo kooban, isla markaana inta baddan lagu yaqaan marka uu jeedinayo dhaliilaha xukuumadda, ama ilmaamamayo khaladaad aan is dhibin ee isagoo muujinaya dhoola-cadayn bulshada u gudbiya mawqifkiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed, isagoo isku deyaya inuu xakameeyo shucuurtiisa iyo dareenkiisa, laakiin khudbadaha uu ka jeediyay Magaalada Burco wallow ay dhammaantood ahaayeen kuwo wada xidhiidhsan, waxay wateen dareen gaar ah iyo shucuur ka duwan khudabadihii hore oo bartillmaameedkoodu u muuqday kuwo hal ujeeddo oo leliya lahaa.

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu dhammaan hadalada uu ka jeediyay kualmada gooni goonida ah kaga hadlay xaaladda xilligan ee dalka baahida loo qabo qabsoomida doorashadda madaxtooyadda Somaliland in ay ku qabsoonto 13 November 2022, sidoo kale wuxuu tilmaamay in aannay marnaba kasoo horjeedin xeerka furista ururrada Siyaasada ee Xeer L/R 14, kaas oo xiisadda ka dhalatay isaga gudubtay Madaxtooyadda, gollaha waakiillada ilaa Maxkamadda Sarre.

Laxihdhiidha: Maxaa Kiciyay Mawjaddo Dad Ah Oo Magaalada Burco U Beddelay Midabka Liinta

Sidaa awgeed, murrashax Cabdiraxmaan, wuxuu dhammaan kulamadaa kaga hadlay mawqifkooda ku waajahan haddii Xukuumadda Madaxweyne Biixi doorashada ku qabanweydo xilligeeda, isagoo carabka ku dhiftay in Madaxweyne Biixi ay heshiis ku ahaayeen doorashada in xilligeeda lagu qabto, balse wuxuu tilmaamay in markii Xirsi laga dhigay Guddoomiyaha WADDANI, ay arrintaasi si weyn wax uga beddeshay mawqifkii doorashada Madaxtooyadda ee ay ku wada socdeen Madaxweyne Biixi labada Xisbi mucaraad.

“Madaxweynuhu dariiqii doorashada wuu ka baydhay, waxaynu isku deyaynaa in aynu kusoo leexino, Madaxweynuhu sharciga kama sareeyo, waa muwaadin, haddii uu dastuurka ku gefana ciqaab ayuu leeyahay, maamuus ka xayuubin ayaa lagu samayn karaa, ma rabno in ay halkaas gaadho, hadayse gaadho waa la yeelaaya, ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

Shacbiga Somaliland, wuxuu usoo jeediyay in ay ilaashadaan nabadgelyadooda iyo midnimadooda, iyagoo aan daawadayaal ka noqon waxa soconaya, wuxuuna ugu baaqay in ay doorkooda qaataan, “Shacbigu maaha in ay daawadayaal ka noqdaan waxa socda, waa in ay sharci-darada diidaan oo wixii dimuqraadiyadooda iyo nidaamka dalkooda diidaan oo ka hadlaan.”

Khudbadaha uu jeediyay, waxay kaga duwanaayen weedhihii hore loogu bartay ee uu huwin jiray dahaadhka diblamaasiyadeed, wuxuu xilligan isagoo aan muujinayn shucuurtiisa, isla markaana isku deyaya inuu farriimo u diro Maadxweyne Biixi in aannay intaa ka baddan sii dulqaadanayn, “Waynu dulqaadanaynaa, laakiin dulqaadku xad ayuu leeyahay, haddii uu xadkaa dhaafo dulqaadku wixii ka xumaadda cidda xumasyay ayaa leh.” ayuu yidhi, isagoo muujinaya in aannu dulqaadku hadda wixii ka danbeeya soconayn, balse taageerayaashi ku boorinaya in aan laga tegin dulqaadka.

Laxidhiidha: Cabdiraxmaan Cirro Dalabkii Mawjadaha Taageerayaasha WADDANI Iyo Cuddudii Ay Muujiyeen

Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayuu ku eeddeeyay in ay nidaamkii dimuqraadiyda albaabada u xidhay, “Madaxweynuhu, isagoo aan dastuur iyo xeerna cuskan ayuu iska yidhi, “Ururrudu way furan yihiin, Madaxweynuhu isagaa qaranka Madaxweyne u ah, isagaa looga baahan yahay inuu ilaaliyo xeerarka iyo dastuurka, maalintii aan madaarka Hargeysa kasoo degay, waxan idhi, “Haddii Ururradu sidaa hawsha yar u furan yihiin” Madaxweyneyaashuna way furan yihiin, “

Haseyeeshee Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi dhibsaday hadalkaa,”Madaxweynuhu maalinta saddex jeer ayuu hadlay, saddexda jeer hadalkiisu isku mid ma ahayn ee marba si ayuu ahaa, ayuu yidhi, isagoo dhoolacadayna. Madaxweynaha looga baahan yahay hoggaamintii dalka, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu si debecsan uga dhawaajiyay weedho hanjabaad ah oo ku waajahan Madaxweyne Biixi, isagoo sheegay in khiyaamo qaran Dastuur jebin lagu eeddeeyay Madaxweynayaashii dalka soo maray qaarkood, isagoo tusaale usoo qaatay Madaxweyne Cigaal oo sida uu dacwadda gollaha wakiiladdu ku qaadeen kaga badbaaday hal cod iyo Madaxweyne Daahir Rayaale oo laga joojiyay in lagu ooggo dastuur jebin, kaddib markii Beesha Caalamku soo dhexgashay, sidaa awgeed wuxuu sheegay in Madaxweybe Biixi aannu waxba ka duwayan labadaa Madaxweyne.

“Madaxweyne Cigaal iyo Rayaale oo Dastuur jebin lagu ooggay kama duwana Muuse, haddii uu sharciga jebiyo waa la maxakamddaynaaya, Madaxweyne laga maslaxayo sharciga ha ku tuman, Madaxweyne laga maslaxayo dastuurka ha ku tuman, Xeerkii uu soo celiyay ayuu leeyahay waa dhaqan gal, wuxuu ku tuntay madaxbanaanidii xeer-dejinta, Madaxweynuhu haddii uu rumaysan yahay in Maxkamaddi jirto, wuxuu kusii dhawaaqay go’aankeedii.”

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Maxkamaddu arrin aannay awood u lahayn faraha ku hayso, weli maxkmaddu kama garniqin xeer laysku haysto, balse waxa uu sheegay in badiyaa laysku qabsado arrin maamul, wuxuuna tusaa;e usoo qaatay markii uu ahaa guddoomiyaha gollaha oo sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenkiisu tegey Maxakamadda Sarre, kaddib markii ay xeer hoosaadka gollaha oo ay wax ka beddeleen khilaaf ka dhashay.

“Markii guddoomiye ku xigeenkaygii Maxakamadda Sarre tegey, waxay noo soo qortay warqad ay leedahay “xeer hoosaadka gollaha sidii hore ku celiya” waxaan u qoray waraaq jawaab ah oo aan leeyahay maaha Baloodho gollaha wakiilladu ee waa sharcidejin. Arrintaa waxan u arkaa gef warqad aan guddoomiyuhu soo saxeexin in ay Maxakamadda tagtaa waa qayral sharci. haddii ay arrintaasi hirgasho ku xigeen kastaa waraqad hayska qoro. dalka in aynu fawdo gelino maaha, haddii la gelinayona in aynu idhaha ka qarsano maaha.”ayuu yidhi.

Murrshaxa WADDANI, wuxuu shaciga usoo jeediyay in ay si dhab ah ugu dhugyeeshaan waxyaabaha uu ka bixiyay sharaxaada ee qaanuunka dalka iyo sharciga la xidhiidha, isla markaana marka ay baadhaan haddii aannay run ahayn iska tuuraan.

Mar kale ayuu ku celiyay weedhii sababtay sida uu sheegay in Madaxweyne Biixi saddex jeer meelin keliya u wada jawaabo, isagoo ku takiidiyay in aannay ka ahayn kaftan ee ay dhab ka tahay. “Muuse waxaan u sheegayaa Haddii sharciga la laabo oo sidaa lagu socdo kaftan igama aha ee Maadxweynayaashu way furnaanayaan.” ayuu yidhi, isagoo ku ladhay dhoolacadaynta inta baddan gollayaasha uu ku muujiyo, balse hadda wuxuu afeef uga dhigtay goboda weedhiisa in aannay markan arrintu ahayn kaftan ee Maadxweyne Biixi sidaa ula socdo.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com