Araweelo News Network.

“Madaxweynhu Madaxa ayuu isu geliyay Hay’addii Qaranka Kamana Yeelanyo in Maalin Loo Kordhiyo.” Murrshax Cabdiraxmaan Cirro

Burco(ANN)-Murrashaxa xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa ku eeddeeyay in aannay Madaxweye Muuse ka yeelimayn inuu hay’addaha qaranka maddaxa isu geliyo, isla markaana wuxuu ku hanjabay in aannay maalin haday dhaafto 13 November oo aannu doorashada qaban Madaxweyne u aqoonsanayn.

ALT: Araweelo News Network

Murrshaxa Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro),wuxuu sidaa ka sheegay Khamiistii mar uu fagaare ay kumanaan qof oo taageeyaasha xisbiga ah oo kusoo dhoweeyay Magaalada Burco isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan.kala hadleen dadweynaha.

Cabdirxmaan, wuxuu sheegay in aannay xisbi ahaan diidanayn in la furo Ururrada Siyaasada iyo Xeer L/14, balse wuxuu sheegay in sababta Madaxweyne Biixi usoo celiyay Xeerka ay tahay ujeeddo uu ku doonayo wuxuu ku tilmaamay camaalaq iyo mudda korodhsi.

“Ma aqbalayno maalin iyo saacad in lagu daro, madaxweynaha waxaan u ogolahay muddadiisa sharciga ah, 13 Nomber haddii uu doorashada qaban waayo uma aqoonsanayno Madaxweyne.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay dhacdadii Guddoomiyaha WADDANI, Arbacadii loogaga yeedhay xarunta CID, taas oo uu ku tilamamay caga-juglayn sharci-daro ah oo aannay weligood aqbalayn.

Muuqaalka Oo Dhammaystiran Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com