Araweelo News Network.

Burco(ANN)-Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa mar keliya isu bedeshay midabka Liinta (Orange) ee uu caanka ku yahay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, kaddib markii maanta barqadii ay hafiyeen mawjado dad ah oo xamaasadaysan shaaracyada wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Kumanaan dadweynaha Magaalada Burco ah, ayaa ku waaberiistay wadooyinka Magaalada, isla markaana wadada Laamiga ah ee dhinaca Magaalada Berbera uga soo baxda iyo shaaracyada badhtamaha magaalada is qabsaday, iyagoo u muuqda mawjado iyo hirar xidhiidhsan oo midabkoodu yahay Liinta, kaas oo ah midabka astaanta calanka Xisbiga WADDANI ee mucaraadka ugu weyn caanka ku yahay.

Kummanaan qof oo taageerayaasha WADDANI oo isgu soo baxay Burco, 6 Jan 2022., Image Araweelo News Network.

Dadweynaha Magaalada Burco ee isu soo baxoodu sameeyay muuqaalka cajiibka ah, ayaa isugu soo baxay si ay usoo dhoweeyaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murrashaxa Madaxweynaha ee doorashada Madaxtooyadda Somaliland u taagan, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo weheliyaan masuuliyiin kale oo Xisbiga ka tirsan.

Gudoomiyaha WADDANI, Xirsi iyo Murrshax Cabdiraxmaan Cirro oo Kummanaan qof oo taageerayaasha WADDANI oo isgu soo baxay Burco, la hadlaya 6 Jan 2022., Image Araweelo News Network.

Soo dhowaynta loo sameeyay wefdiga Xisbiga WADDANI, ayaa u muuqatay mid xamaasadaysan oo jawiga magaalada Burco iyo muuqaalkeedaba si weyn u bedeshay, isla markaana dad baddan xusuusinay xilligii kaanbaynka doorashadii Madaxtooyadda ee 2017, oo xisbiga WADDANi lagaga guulaystay, iyadoo wixii xilligaa ka danbeeyay aan la arag taageerayaasha WADDANI oo sidan oo kale usoo baxa, iyagoo weliba u muuqday in ay ka baaxad weyn yihiin marka la eego xilligii doorashada Madaxtooyadda ee tartanka adagi dhexmaray WADDANI iyo KULMIYE.

Qaar baddan oo ka mid ah taageeyaasha, ayaa sitay hal-kudhegyo ay ku muujinayaan rabitaankooda in doorashada Madaxtooyadda xilligeeda lagu qabto, waxayna ku muujinayeen sida aan loogu baahnayn in jiha kale bulshada loo jiheeyo.

Sidoo kale, waxay soo dhowaynta wefdigooda ka sokow hal-kudhegyada ku muujiyeen weedho ay ku dhaliilayaan xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ay ugu baaqayaan in aannay ku gefin sharciga, Dastuurka iyo qaanuunka dalka, isla markaana ay joojiso waxay ku tilmaameen cabudhinta ku tagri-falka awooddda.

Gudoomiyaha WADDANI, Xirsi iyo Murrshax Cabdiraxmaan Cirro oo Kummanaan qof oo taageerayaasha WADDANI soo dhowaynayaan 6 Jan 2022., Image Araweelo News Network.

Maaha markii u horraysay ee Guddoomiyiihii hore ee Xisbiga iyo Hoggaamiyihii hore ee xisbiga ay booqdaan Magaalada Burco tan iyo wixii ka danbeeyay doorashadii Madaxtooyadda Afar sannadood ka hor, balse Guddoomihii hore eeXisbiga oo ahaa Murrashaxii u taagnaa doorashadii 2017, xilligan waxay reer Burco ku qabileen murrashaxa Xisbiga ee doorashada Madaxtooyadda, halka hoggaaniyihii xisbigana ay ku qaabileen Guddoomiyaha Xisbiga, waana mid si weyn qayb uga qadatay soo dhowaynta cajiibka ah la kowsatay sannadka cusub 2022, iyadoo ay taageerayaasha waddani oo u muuqda kuwo ka cuddud ballaadhan Afar sannadodo ka hor marka dib loo jaleeco dareemayaan is bedel dhanka dimuqraadiyada ah oo xisbigoodu samayeeyay doorasahdii shirweynaha xisbiga ee November 2021.

ALT: Araweelo News Network
Mawjadaha Kummanaan qof oo taageerayaasha WADDANI oo isgu soo baxay Burco, 6 Jan 2022., Image Araweelo News Network.

Booqashada wefdiga ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), waa tii ugu horaysay ee ay ku tagaan Magaalada Burco tan iyo markii uu Xisbigu qabsaday Shirweynihii November 2021, iyadoo Cabdiraxmaan oo ah aasaasihii bud-dhiga u ahaa Xisbiga tobban sannadood ka hor uu guddoomiyaha Xisbiga ku wareejiyay shirweynaha si hoggaan cusub loogu doorto isaguna uu ahaanayo oo keliya murrashax u taagan doorashada Madaxtooyadda.

Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo cuddud ballaadhan ku leh xarunta gobolka Togdheer ee Magaalada Burco, ayaa labadii caanamaal ee u danbeeyay u diyaar garoobayay soo dhowaynta wefdiga Guddoomiyaha iyo Murrashaxa, waxayna xammaasadoodu kor usii kacday, kaddib makii Xukuumadda Madaxweyne Biixi maalintii shalay xilli ay diyaarinayeen safarkooda wefdiga WADDANI ku wargeliyay Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan in looga baahanyahay xarunta CID ee baadhista Denbiyada (Criminal Investigated Department), iyadoo guddoomiye Xirsi oo ay weheliyaan murrashaxa Xisbiga iyo saraakiil kale shalay subax iska xaadiriyeen halkaa, isla markaana guddoomiyaha la weydiiyay su’aalo la xidhiidha dhaliilo uu Madaxweyne Biixi u jeediyay iyo eeddaymo uu sheegay inuu ku gefay dastuurka iyo xeerarka dalka.

Arrintaa ayaa si weyn usii hurisay xiisad siyaasadeed iyo xanaf isa soo taraysay oo soo hulaaqmaysay tan iyo doorashooyinkii guuldarada loogu xanbaariyay Xisbul xaakimka KULMIYE ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada , isla markaana sababtay in loogu awood loolankii shirgudoonka gollaha wakiillada ee cusub, iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Bixii iyo xisbigeeda oo la tiicaya guuldarooyinka doorashooyinka November markii shirweynaha Xisbiga WADDANI Guddoomiyaha Xisbiga loogu doortay Hoggaamiyihii Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan ugu muuqatay xukuumadda waran iyo dhirbaaxo siyaasadeed oo Cabdiraxmaan Cirro si diblamaasiyad ah ugu raaciyay guuldaradii hore oo aannay kasoo waaqsan xukuumadda iyo Xisbeeda KULMIYE .

Madaxweyne Biixi ayaa Xeer L/R 14, oo ay si hoose saddexda xisbi heshiis ugu ahaayeen in aan la furin Ururada sida uu Guddoomiyaha UCID, Fasyal Cali Waraabe tibaaxay jawaab uga dhigay guuldarooyinka soo taxnaa tan iyo doorashooyinkii isku lamaanaa iyo doorashadii shirgudoonka loogu awood dheegtay, wuxuuna Madaxweyne Biixi doorashada xisbiga WADDANI loogu doortay Guddoomiyaha jawaab uga dhigay in Xeerka Furista Ururrada iyo Axsaabta siyaasada oo si weyn loogu camaalaqay gollihii hore ee wakiilllada kusoo dhextuuray gollaha cusub ee Wakiillada, kaas oo khilaaf weyn ka dhex aloosay, isla markaana kala qaybiyay, kaddib markii galka seefta laysaga saaray ee muddanayaasha qaarkood isku fara-saareen.

Muddanayaasha qaarkood, ayaa dacwad la xidhiidha xeerkaa u gudbiyay Maxkamadda Sarre, waxayna arrintaasi mar keliya caynwareejisay jawiga iyo xasiloonida siyaasada Somaliland, iyadoo axsaabta mucaaradku si cad ugu eeddeeyeen in Madaxweyne Biixi ujeeddada uu ka leeyahay arrintaa ay tahay in qiil u samaysto muddo kordhin si uu murran iyo buuq u samaysto, balse waxay ku hanjabeen oo dhawaaqyada ay weli ku cel-celinayaan ku sheegayaan in aannay aqoonsayan wixii ka danbeeya November haddii aannu Madaxweynuhu qaban doorashada madaxtooyadda ee hore loogu qorsheeyay November 2022.

Dahcdooyinkaa iyo dhaqdhaaqyada siyaasadeed ee soo jiitamayay wixii ka danbeeyay doorashadooyinkii isku lamaanaa, ayaa abuuray jawi siyaasadeed oo kacsan, iyadoo Madaxweyne Biixi xukuumaddiisa, xisbigeeda iyo labada Xisbi mucaarad warbaahinta isu mariyaan weedho canbaarayn iyo eeddaymo ay ku ladhan yihiin hanjabaado, balse tallaabooyinka xukuumadda ee ay ugu danbaysay xeerka laga soo waariday Madaxtooyadda iyo tallaabadii u danbaysay ee guddoomiye Xirsi looga yedhay xarunta CID, oo ahayd dhacdo ugub ku ah nidaamka geedi-socodka dimuqraadiyada ee Somaliland kusoo waday kacaa-kufka labaatankii sannadood ee u danbeeyay marar baddan ayay dhacday in Siyaasi ama shaqsiyaad kale oo bulshada magac ku leh looga yeedho xarunta CID, iyadoo laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed iyo cabsi gelin, balse Guddoomiye Xisbi oo looga yeedho xarunta Baadhista denbiyada ee CID, ayaa noqotay dhaqan aan hore loogu arag Somaliland, waxayna tallaabooyinkaa iyo kuwo kale oo la raaciyaa noqonayaan kuwo taageerayaasha mucaraadka sii xoojinaya, isla markaana waxa suurtagal ah in ay Somaliland ka leexiyaan jidkii tartanka doorashooyinka xasiloonida iyo horumarka ku dhisnaa oo ay waajahdo dhabbo kale oo aan natiijadeeda la saadaalin karin.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com