Araweelo News Network.

 Berbera(ANN)-Xiisaad Muddo todobaad ka baddan ku taagnayad dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo baddeecaddaha kasoo dega dekedda caalamiga ah ee Berbera, ayaa hakad ku jiray, kaddib markii ay soo baxeen cabashooyin iyo saluug ay gebi ahaanba muujiyeen ganacsatada baddeecaddaha kala soo dega, xoogsatada iyo dadka ka hawlaga ee nolol maalmeedkooda ka raadsada.

Dadka gaancsatada ee baddeecaddaha kala soo dega Dekedda iyo qaar ka mid ah kuwa hawlagala oo shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network la xidhiidheen si ay wax uga weydiiyaan arrintaa, waxayna xaqiijiyeen in arrintan oo hakad gelisay dhaq-dhaqaaqa dekedda muddo ka baddan laba toddobaad ka dhalatay lacago lagu kordhiyay addeega ay dekeddu qabato iyo xataa dadka caadiga ah oo qof walba oo Albaabka ka gala Marsada oo lagu soo roggay inuu bixiyo lacag $ 2 dollar ah.

Sidoo kale, lacagta lagu kordhiyay addeega ay qabato Shirkadda Dp World ee maamusha Dekedda ayay sheegeen in ay sababtay in Koonteenarka 20 fiit ah laga qaadi jiray lacag dhan $320 dollar ay ku korodhay lacag dhan boqol iyo dheeraad.

Waxa sidoo kale Koonteenarka 40 fiit, lagu kordhiyay lacag ka baddan $200 dollar, iyadoo halkii markii hore uu ka  $650 dollar, laga dhigay $859 dollar.

Ganacsatada iyo dadka kale ee ay saamaynta ku yeelatay arrintan, ayaa sheegay in aannay arrintu intaas oo keliya ahayn, balse ay jireen qorshayaal kale oo ay xukuumadda Somaliland sannadkii hore usoo bandhigtay ganacsatada, iyadoo laga dalbaday in aan loo cashuurayn baddeecadda haddii aannay keenin warqada caddaynta u ah qiimaha lagu soo iibiyay baddeecadda.

Ganacsatada, ayaa dalabka Wasaaradda Maaliyadda ganafka ku dhuftaan, balse xiisad ay ganacsatadu sannadkii hore arrintan ka abuureen ayaa sababtay in wasaaradda Maaliyaddu xilligaa hakiso qorshaha noocaa ah, iyadoo mar kale sannadka cusub 2022, lagu soo roggay.

Hase yeeshee arrintaa oo aannay ganacsatadu ku niyad samayn, ayaa qayb ka noqotay mushkiladaha sababay in dhammaan ay istaagaan dhaq-dhaqaaqa dekedda oo ay Baddeecadduhu harqiyeen.

Sidoo kale, qorshe murran hore u dhaliyay oo la xidhiidhay Caymis lagu soo roggay gaadiidka, isla markaana si gaar ah loogu qoondeeyay shirkad Caymis oo khaas ah, ayaa qayb ka noqday arrimaha hakiyay hawlaha ganacsiga iyo addeega baddeecaddaha dekedda laga baxo maalin walba ee hakadka ku jiray maalmahan.

Qorshaha caymiska, ayaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah xafiisyada bixiya addeegyada macaamilka Dekedda xukuumaddu u qoondaysay in sannadka cusub 2022, si toos ah loogu bilaabo gaadiidka cusub ee kasoo degaya Dekedda kuwa gelaya, balse arrimahaa oo sawaxan iyo buuq si weyn u saameeyay dhaq-dhaqaaqa suuqyada ganacsiga Somaliland maalmihii u danbeeyay, isla markaana ganacsatada iyo muwaadiniinta kale ee daruuriga u raadsada dekedda Berbera ay ka qayliyeen, ayaa qaar kood laga gaadhay xal, waxaana meesha laga saaray in qof walba oo dekedda soo gala laga qaado lacag $2 dollar ah.

“Lacagta labada Dollar waxa laga dhigay in laga qaado dadka socotada ah oo keliya oo aannay ku jirin kuwa maalin walba hawl-maalmeedkoodu ku xidhan yahay Dekedda.” Sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah dadka ay la xidhiidhay Araweelo News Network.

Wuxuuna intaa ku daray in lacagaha kale ee murranka iyo xiisadda dhaliyay qaarkood aan si cad loo ogayn in dib loo dhigay iyo in la bilaabayo, marka laga reebo lacagta addeega baddeecaddaha ee Koonteenarada lagu kordhiyay oo ay khasab noqotay in ay ganacsatada iyo dadka ay baddeecadduhu ka yaalaan dekedda shubaan, laga bilaabo maalinta Salaasada si hawlaha dekeddu si toos ah ugu bilaabmaan.

“warku wuxuu caddaan doonaa maalinta Beri marka guddaha laysla galo ee xafiisyadu shaqada bilaabaan, markaa ayaa la kala ogaanayaa waxa is bedelay,waxaase hadda aannu haynaa keliya waa in ganacsatadii beri shubay lacagta lagu kordhiyay iyo in labadii dollar sidaa loo qorsheeyay.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah dadka ay la xidhiidhay Araweelo News Network oo ka codsaday in la xuso magaciisa.

“Marka qofkii xamaalka ahaa ee u xamaal tegey dekedda lagu soo roggo $2 dollar, isagoo aan baddeecadna sidan, waxay u muuqataa in naftiisa la cashuurayo, ma fahmin sababta mana aha wax macquul ah.” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah dadka u foofa dhanka dekedda marka waagu beriyo darruuriga u raadsada oo qadaa madhergaan ah.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaarraddaha Maaliyadda iyo gaancsiga ayaan wax war ah kasoo saarin tan iyo markii ay xiisadda ka dhalatay arrimahaa taagnaayeen muddo ka baddab toddobaad, sidoo kale maamulka DP. World ayaan ka hadlin arrimaha cabashooyinka ka dhashay addeegyada Dekedda ee la kordhiyay qiimaha hore looga qaadi jiray.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com