Muddanayaashu Waxay Soo Bandhigeen Qorshayaal Mustaqbalka Wax Beddelaya iyo Xalka Mushkilladdaha Waxbarashadda Dalka

“Dadka Miyiga Carruurtoodu Ma Helaan Waxbarasho Xildhibaan Dirir

“Waxaan U Baqayaa Caafimaadka Iyo Waxbarashadda” Xildhibaan Indho

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa dood ay ka yeesheen xaaladda waxbarashadda dalka kusoo bandhigay dhibaatooyinka dhanka waxbarashadda ee haysta dadka aan awooddin in ay curruutoodu helaan waxbarashadda aasaasiga ah

Sidoo kale, waxay muujiyeen dhibaatada haysta qoysas baddan oo haddiiba ay ku guulaysteen in ay la dabaashaan waxbarashadda carruurta ee aasaasig ah aan fursad u helin in ay carruurtoodu helaan waxbarasho ilaa heer jaamacadeed.

Doodda xildhibaanada oo lagu faaqiday sida aannay waxbarashadda dalku u wada socon iyo duruufaha ku gedaaman, waxa ka qaybqaatay xildhibaano kusoo bandhigay dhammaantood carqaladaha dhanka waxbarashadda iyo sida looga dabaalan karo dhibaatada.

Fadhiga oo uu guddoominayay Guddoomiyaha gollaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay muddanayaasha qaarkood soo bandhigeen qorshayaal iyo tallooyin ay ay rakaan in masiibada lagaga dabaalan karo mustaqbalka.

Xildhibaan Axmed Dirir, ayaa sheegay in dadka miyiga jooga aannay helin waxbarasho caruurtoodu, sidaa awgeed wuxuu soo jjeediyay qaabkii caruurta Miyiga wax loo bari lahaa ee aannay aqoonta uga qadeen.

Dhinaca Dugsiyada Magaalooyinka iyo Jaamacaddaha dalka ayuu sheegay inuu jiro faraq weyn oo u baahan in xal loo helo, isagoo tilmaamay in qaabka Manhajka Somaliland wax-ka-bedel lagu sameeyo.

“Dusgiyada Sare waa inay takhasusaad gaar ah yeeshaan Beeraha, Farsamada gacanta, Bartooliyamka, Macdanta, si ardaygu isagoo dhisan oo takhasus leh u tago Jaamacad” ayuu yidhi, Xildhibaan Axmed Dirir.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-Indho), ayaa ka dayriyay tacliinta iyo sida aannay dadka saboolka ah, ama kuwa mushaharkoodu aannu ka badnayn $ 100 boqol dollar u awooddin in ay carriirtooda jaamac geeyaan, haddiiba ay lasoo dabaashaan waxbarashsda aasaasiga ah.

“Maanta waxa keliya oo aan ka werweraa ninka qaata Boqol dollar siduu waxbarasho ugu helayo carruurtiisa, Wasaaradda Waxbarashadda iyo Caafimaadka waan u baqayaa” ayuu yiidhi, Xildhibaan Cabduqaadir Indho.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com