Araweelo News Network.

Gollaha Wadatashiga Qaran Oo Bayaan Kasoo Saaray Qaabka Dhammaystirka Doorashada

Muqdisho(ANN)-Gollaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3 – 9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeeddadiisu ahayd, in lagu dhammeystiro qodobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021.

 Sidanaa waxa lagu sheegay Bayaan kasoo baxay gollaha wadatashiga qaran, shirkaa oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble, waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed.

Bayaanka oo warbaahinta loo soo mariyay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Gollaha Wadatashiga Qaranka kulamo wadatashi ku marti–qaadeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Bulshada Caalamka.

 “Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxa lagaga hadlay hagaajinta hufnaanta doorashada, dhamaystirka doorashada Gollaha Shacabka, waqtiyaynta dhameystirka doorashada Golloha Shacabka, xaqiijinta amniga doorashada iyo warbixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha.

Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, Heshiiskii 27-May 2021 iyo Habraacyadii Doorashooyinka ee 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021,Golaha Wadatashiga Qaranku iyagoo tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaadhay, sidaa awgeed waxay guddoomiyeen qodobada oo socda, ayaa lagu yidhi, bayaanka.

1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta oo Gollaha Shacabka waa in la caddeeyo, la diiwaan–galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddida Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga;

2- Guddida Doorashooyinka ee Heer Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) waa in ay la wadaagaan Guddida Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddida Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddida soo xulista Ergada;

3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war–murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;

4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;

5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddida Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay;

6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara–galin karo;

7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;

8- Waa in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;

9- Waa in doorashada kursi kasta ay goob–joogayaal ka yihiin, Guddida soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar–qaati looga noqdo hufnaanta iyo daah–furnaanta Doorashada kursi kasta;

10- Gollaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab–tamayaa;

11- Si loo ilaaliyo wada–shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Gollaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan, in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;

12- Gollaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaanGuddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Gollaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka;

13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho;

14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;

15- Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;

16- Ciidamadda waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka;

17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyadda

18- Doorashada Gollaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Feberaayo.

–DHAMMAAD—-

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com