Araweelo News Network

Boobe iyo CuroHargeysa(ANN)Xoghayihii Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Mr. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay shalay inuu iska casilay xilkii iyo xubinnimadii uu ka hayey xisbigaas.

Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal iscasilaad ah oo uu saxaafadda u kala diray shalay, isagoo tilmaamay inuu xisbiga WADDANI ugu tegay xilal madhan, xafiisyo madhan iyo xurmo madhan, sidaas darteedna uu xilka iyo xubinnimadiiba isaga casilay.
Qoraalka Boobe oo ay ku jiraan hal-ku-dhegyo uu ka soo xigtay abwaanno iyo mujaahidiin, waxa uu u qornaa sidan
: “Danab Aadan Sheekh Maxamed, Aadan-shiine oo shahiiday 31kii May, 1987kii, wuxuu ka mid ahaa hoggaankii halgankii hubeysnaa ee dib-u-xoreynta qaran ee y SNM horseedka ka ahayd. Bishii Maarj, 1987kii maalmihii aannu ku jirnay Shirweynihii 5aad ee Caadiga ahaa ee SNM oo ku qabsoomay magaalada Adari (Harar) ee Itoobiya ayuu ka oogsaday meel ku beegnayd badhtamihii waabkii shirweynaha oo koonfur xigtay, waxana milaygaa laga guntay murti ahayd:
“….Waxaan soo jeedinayaa in aynaan khaldamin. Waa dagaal waxaynnu ku jirnaa. Iskuma raalli-gelin karno waxa dhiig ku daadanayo. Halkan in aynu isku raalli-gelinno uma aynu iman.”
Aniguna maanta halkaa halkeedii ayaan taaganahay oo xisbiga WADDANI uma aan gelin ugumana jirin, uguna jiri maayo in aan cid ku raalli-geliyo. Ilaahay ayaa hor-dhaca raalli-gelinta iga mudan. Hanbada raalli-gelintana shacbigaa tabaalaysan ee hashoodii lagu hor maalayo iyaga oo gaajaysan ayaa iga mudan.
Waa sidii uu Hadraawi u yidhi oo: “Derejiyo xil laygu taxo, uma korin darmaanta.” Hore ayaan Wasiir u soo noqday, shan bilood ka dibna aniga ayaa Madaxweynaha ka codsaday in uu xilka iga qaado, wuu iga oggolaaday waannu ku mahadsanaa.
Xisbiga WADDANI waxaan u galay in aan ka qayb-qaato sixitaanka waxyaabo aan is-lahaa waa ay khaldameen, waxaana noo qorshaysnaa in aannu gudihiisa ka suurto-gelinno is-beddel togan oo ka dhaca qaybo ka mid ah wejiyada nololeed ee dalka. Waayo-aragnimadaydii gaabnayd waxan ku ogaaday in aannu xalku ku jirin xukuumadda oo wax laga beddelo, bal se xalku ku jiro xisbiyada xukuumadaha dhala ama soo dhisa oo wax laga beddelo.
Is-ma aan lahayn xisbiga WADDANI waxaad ugu tegaysaa xarun madhan, xafiisyo madhan, xurmo madhan iyo xilal madhan; sidii aanan isu lahayn saluug badan ayaad Xukuumadda ugu tegaysaa markii aan ka hawl-gelayey, taasina waa ta salowga iyo saluuggaba beertay, saqaafahana keentay. Sarriigashada iyo bir-ma-geydada siyaasadeed waa sunne aan kursiga loo sadqayn karin.
Waayo-aragnimada taban ee aan xukuumad iyo xisbiba kala kulmay waxa ugu mudan sida ay hawl-galladoodu u yihiin qosol-ku-jabka iyo hugunka. Hadba waxa igu soo dhaca beyd uu lahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo uu suugaanta ugu ab-tirinayay, waxaanu yidhi:
“Haddii anay luulidu kuu taxnayn, labacu waa been.”
Aan ku soo gunaanado, tuduc aan ka soo qaatay maansadiisii Dir-sooc ee 6dii Abriil 1990kii uu Ibraahin Sheekh Saleebaan (Gadhle) ka tiriyay Shirweynihii 6aad ee SNM ee caadiga ahaa ee ku qabsoomay Balli-gubadle intii u dhexeysay 31kii Maarj-28kii Abriil, 1990kii; waxaannu yidhi maalintaas:
“Shaxda kama il-duufine,
Sidaan damacsanaa iyo,
Sida Dooddi yeelaa,
Kala-durugsanaadee,
Haddaan duubi wada jira,
Dedaalkaygi lagu helin,
Dar Allee abaalkay,
Waxa dumay ku suureeUgu dambaynna, maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 5ta bisha Maarj, 2016ka waxaan iska casilay xilkii Xoghayaha Waaxda Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI iyo xubinnimadii, labadaba.
Kama xumi in aan xaruntii iyo xilalkii madhnaa ka tago, waxaan se aad uga xumahay in aan ka tago tobannaan kun oo xisbigaa xubno ka ah ama taageera oo gude iyo dibadba jooga oo iyaga oo niyad-san doonayay in is-beddel kheyr qaba togan dhaliyaan,” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo la hadlay telefiishanka STAR TV shalay, ayaa dareenkiisa ku muujiyey sida uu u arko iscasilaadda Boobe Yuusuf Ducaale.
“Waxa aan u arkaa arrin caadi ah. Mujaahid Boobe oo ahaa Xoghayihii Warfaafinta in muddo ah ayaan wada shaqaynaynay oo si wanaagsan ayaan u wada shaqaynay, wax dhibaato ahna ma jirin, iyadoo aannu Xoghayuhu igu soo wargelin inuu is casilayo oo qoraal iyo telefoon midnaba iguma wargelin. Markii hore Boobe isaga ayaa yimmi xisbiga, haddana inuu ka tago wax dhib ah uma arko, waana wax caadi ah oo maalin walba ka dhacda axsaabta iyo siyaasiyiintaba,” ayuu yidhi Cirro.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347