Araweelo News Network

kulankadublamaasiyiintaiyogudomiyahakulmiyeHargeysa (ANN)-Diblomaasiyiin ka socda Dawladda Ingiriiska oo safar shaqo ku yimmi Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Sare ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, kaasoo lagaga wadahadlay arrimo khuseeya doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda degaannada Gobolka Sool.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), diblomaasiyiinta ka socday dawladda Ingiriiska oo kala ah; safiirka arrimaha Soomaalida u qaabilsan UK Ambassador Harriet Mathews iyo sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya marwo Lizzie Lovett, waxa ay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) kulan kula yeesheen hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa gelinkii dambe ee shalay.
Waxaannu warsaxaafadeedku u qornaa sidan; “Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu la kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews iyo wefti ay hoggaaminayo oo booqasho ku yimi dalka Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxay weftiga Safiirka la yeesheen kulan saacado qaatay oo ka dhacay huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa galinkii dambe ee shalay, kaas oo ay kaga wadahadleen arrimo ku saabsan danaha labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo waxyaabaha ay ka wadashaqeeyaan.
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay iska waraysteen xaaladdaha guud ee Mandaqada, qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhinacyada dawladda Ingiriiska iyo guud ahaan beesha caalamku kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa.
Labada dhinac waxay si xoogga ah uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo u diyaargarowga qabsoomidooda.
Guddoomiyaha KULMIYE Mudane Muuse Biixi waxa uu u sheegay in hawlaha loogu diyaaragaroobayo doorashooyinku gabogabo yihiin, maadaama diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinku dhammaad ku dhawdahay oo uu socdo gobolkii u dambeeyey oo ah Sool. Waxa kaloo uu u caddeeyey weftiga Ingiriiska mowqifka xisbiga iyo xukuumaddiisu inuu yahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda bisha March 2017, isl markaana ay horeba u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn doorashada Madaxtooyada, balse caqabadda keliya ee jirtaa ay ku kooban tahay doorashada Golaha Wakiillada oo xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaannadu aannu weli diyaar ahayn.

Qodobada kale ee masuuliyiinta KULMIYE iyo Safiirku ka wadahadleen waxa ka mid ahaa wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo horumarin laga sameeyo gobollada bari ee Somaliland, iyadoo la qiimaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka hirgashay iyo shirarka wadahadallada wax-wada-lahaanshaha iyo nabadda ah ee u socda shacabka deegaanadaasi iyo dawladoodda.
Dhankeeda Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews oo ay wehelinaysay sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaradda UK ee Itoobiya Lizzie Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo dhawaynta iyo kulanka ay la yeesheen hoggaanka xisbiga KULMIYE.
Ambassador Harriet Mathews waxay soo dhawaysay dedaallada xisbal-xaakimka Somaliland iyo xukuumaddiisu wadaan iyo mowqifka cad ee rabitaankooda khuseeya doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda.
Waxa kaloo Safiirku xustay in dawladeeda Ingiriiska ay ka go’antahay sii wadida taageerada hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha horumarinta adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).