Araweelo News Network

burburkadiyaaradaDubai(ANN)Diyaarad ay lahaydh shirkadda Diyaaraddaha ee Emirates airline ayaa ku dhacday garoonka caalamiga ah ee Dubia xili doonaysay inay ku degto halkaa, diyaaradaa ayaa dab weyn ka kacay ka hor intii aanay fadhiisan dhabaha diyaaraddaha ee Dubai.
Hase yeeshee Dhamaan dadkii saarnaa oo tiradooda lagu sheegay 300 qof, ayaa laga badbaadiyay shilka diyaaraddaa oo noocedu ahaa Boeing 777, isla markaana kasoo duuashay koonfurta Hindiya ee gobolka Kerala.

Muuqaalada laga duubay Diyaaradda ayaa u eg inay ku soo degtay caloosheeda, sawirrada ayaa laga arkay qiiq madow oo ka soo baxaya diyaaradda gudeheeda.

Af-hayeen u hadlay Dowladda Dubai ayaa sheegay in dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda laga soo dajiyay si nabad ah, balse ma sheegin wax khasaare nafeed ah oo shilkaa ka dhashay.

Shilka ayaa hakad geliyay duulimaadyada Diyaaradaha imanaya iyo kuwa duulaya oo la joojiyay dhowr saacadood, laakiin saacado kaddib ayay dib u bilaabmeen duulimaadyada iyo inay dhabaha diyaaraddaha ee Dubai soo caga dhigtaan.

” Markii aanu diyaaradda qorshaynay inaan diyaarada ka degno, ayaan aragnay Qiiq madaw oo ka imanaya gudaha Diyaaradda, Dadka way qaylinayeen si aad u adag ayaan u degnay, waxaan degnay anagoo is ticmaalayna meelaha sida degdega looga dego, markaan ka baxaynay jidka garoonka waxaan arkaynay holac qabsaday diyaaradda oo dhan” sidaa waxa u sheegay Reuters Sharon Maryam Sharji oo kamid ah Dadkii saarnaa diyaaradda ee ka badbaaday shilkaa.

Dhinaca kale Emarites airline ayaa sheegtay inay saarnaayeen diyaarada 282 oo rakaab, 18 shaqaale oo ka kala yimi 20 waddan. Dadka intooda badan waxay ahaayeen Hindi, 24 British ah iyo 11 qof oo ka yimi UAE, balse Emarites airline ma shaacin sababta shilka diyaaradda.