Araweelo News Network.

 

Djibouti Maxay ka tidhi Qalalaasaha iyo Rabshadaha Ka socda Muqdisho

 

Djibouti (ANN)- Xukuumadda Dalka Djibouti, ayaa jawaab cadho ah ka bixisay dhawaaq canbaarayn ah oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya kasoo yeedhay habeen hore. Sidoo kalena cadaysay mawqifkeeda xilligan qalalaasaha iyo rabshadaha ka socda Soomaaliya.

Djibouti, waxay sheegtay in ay si qoto dheer uga walaacsan tahay nuxurka hadallada wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya ee ujeedkiisu ahayd in lagu jaleeco dal taariikh ahaan muujiyay taageero walaaltinimo oo joogto u ah Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo war isgaadhsiinta dalka Djibouti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, ayaa war saxaafadeed uu warbaahinta ka akhriyay xalay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ku sheegay in Eedeymaha loo soo jeediyay dalkiisa Djibouti aannay ahayn kuwo loo arko inay yihiin qaar ay ogolaan karaan Soomaalidu, isagoo sabab uga dhigay in ay ogyihiin in waqti ballaadhan iyo naf huridba Djibouti ay ku bixisay dadaalkeeda ku aaddan soo celinta nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida.

 

“ Waxa ka mid ah dadaalladeeda ugu waaweyn natiijada kasoo baxday shirkii nabadda ee Carta, kaas oo u fududeeyay Soomaaliya inay dib u soo ceshato kursi ay ku lahayd Qaramada Midoobay kadib tobannaan sannadood oo ay ka maqnayd saaxada siyaasada Aduunka. “

 

Bahdoon, wuxuu ku tilmaamay Eedeymaha noocan oo kale ah in ay yihiin dano siyaasadeed. Runtii waa wax cajiiba ah in olole noocan oo kale ah dowladda soomaaliya ay u arakto mid lama huraan ah, xilli mihiimada dareenka hoggaamiyeyaasha siyaasadeed u ahaan laha mid dhinac u wada jeeda, ayuu yidhi.

 

Xukuumadda Djibouti, waxay ku sheegtay qoraalka ay arrintaa kaga fal celisay in ay ku baaqay in si deg deg ah loogu heshiiyo qaab doorasho oo horseedi kara doorasho lagu kalsoonaan karo oo waqtigeeda ku dhacda,  si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo kobcinta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

 

wuxuu sheegay in halkii laga shaqanlahaa u gogol xaadhka wadahadal muhiim ah oo wax ku ool u ah dalka iyo ummadda oo lala yeesho dhammaan dhinacyada danaynaya siyaasadda Soomaaliya iyo in la sameeyo tanaasul badan.

Balse taas bedelkeeda Djibouti waxay sheegtay in Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya u sawirayo  mowqifyada ay qaateen xubnaha Gollaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay yihiin shirqol loo maleegay Soomaaliya.

 

Wasiir bahdoon, wuxuu sheegay in Golayaasha Midawga Afrika iyo gollaha amniga ee qarmada midoobay ay labaduba wadaagaan fikir guud oo ku saabsan halista ka dhalatay ismariwaaga siyaasadeed ee sii socda ee Soomaaliya.

 

“Xaqiiqdii, waa ariin kicin kara qalalaase cagta mariya sannado badan oo horumar siyaasadeed iyo dhaqaale ah oo lagu soo tabcay, arrinkan waxa horseed u ah tallaabadii guracnayd ee Golaha Shacabku ku dhaqaqay April 21, 2021,”ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo war isgaadhsiinta dalka Djibouti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, wuxuu yidhi, Djibouti, waxay ugu baaqaysaa dhammaan qaybaha Soomaalida inay noqdaan kuwo daacad ah, oo ka waantooba hadalada rabshadaha abuuri kara iyo dabeecadaha iska horimaadka ah. Waxaan ugu baaqaynaa inay muujiyaan tanasuul iyo isu dulqaadasho,  isla markaana soo bandhigaan aragtidooda iyo dareenkoda iyaga oo wadatashiga mihiimada siinaya.

 

“Waxay u baahantahay geesinimo si loogu hoggaamiyo ummadda iyo wadada toosan, si loo hirgaliyo wadahadal loo dhan yahay oo laga fadilo wax walba danaha Soomaalida,  taas oo ah wadada kaliya ee lagu gaadhi karo libinta, ama guusha, waligeed Jabbuuti waxay ahayd welina ay kusi dadaali donta inay si daacad ah ugu adeegato Soomaaliya. “ ayuu yidhi, Bahdoon.

 

Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo war isgaadhsiinta dalka Djibouti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, wuxuu war saxaafadeedkaa ugu jawaabayay dawladda Federaalka Soomaaliya ku yidhi, Djibouti, waxay xaqiijinayaa go’aankeeda iyo rabitaankeeda ah inay taageerto hannaan siyaasadeed oo gaar u ah Soomaaliya oo loogu talagalay in lagaga talabsado ismariwaaga, iyadoo la taageerayo qaraarki Midowga Afrika iyo beesha caalamka.” ayuu qoraal saxaafaeedkiisa ku gebagebeeyay.

Ataweelo News Network.

info@araweelonews.com.