Maxaa Ka Dhacay Safaaradda Faransiiska Ee Djibouti?

Araweelo News Network.

Djibouti(ANN)-Taliyihii Ciidanka Booliska Djibouti, General Cabdullaahi Cabdi Faarax oo ka mid ah ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda baddan xukuumadda yar ee dalka Djibouti ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu sameeyay xil ka qaadis iyo xabsi.

Warka la xidhiidha xadhiga Taliyaha markii uu soo baxay, waxa jiray sheekooyin laylsa dhexmarayo oo lagu faafiyay barraha Bulshada, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa in arrinta General Cabdullaahi Cabdi Faarax la xidhiidho isku day inqilaab oo la fashilayay.

Hase yeeshee shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network, ayaa xaqiijiyay in aannu jirin isku day inqilaab, balse xadhiga Taliyihii Booliska Djibouti uu la xidhiidhp arrimo kale oo ka cadhaysiisay dawladda faransiiska.

Ila wareedyo kala duwan oo ku sugan guddaha dalka Djibouti iyo kuwo dalka dibeddisa ku sugan ayaa shebekaddaha wararka u xaqiijiyay in Taliyuhu maalmihii lasoo dhaafay si awood sheegasho ah u galay Safaaradda Dalka Faransiiska ee ku taal Djibouti, isla markaana ilaaladiisu garaaceen qaar ka mid ah askarta ilaalinaysay dhismaha Safaaradda, kuwaas oo Taliyaha u sheegay in uu ka dhaqaajiyo gaadhigiisa iyo ilaalada la socota afaafka hore ee dhismaha safaaradda.

Sida ay sheegayaan ila wareedyada shebekaddaha wararka ee Ataweelo News Network heleen, Taliyaha ayaa dalabka si cad u diiday, wuxuuna ku amray ilaalada la socotay in ay garaacaan askarta ilaalinaysay safaaradda ee ay wada hadleen, wuxuuna markaa kaddib guddaha u galay dhismaha Safaaradda, isagoo Dublamaasiyiinta ku sugnaa dhismaha xafiisyada si cadho ah ugu sheegay in ay joojiyaan fiisayaasha dal ku galka oo faransiisku u debciyay dhalinyarada u dhalatay Djibouti, kuwaas oo muddooyinkan dalka aad uga baxay.

Safiirka iyo Taliyaha ayaa weedho kulul is weydaarsaday, iyadoo safiirku ka cadhooday qaabka uu Taliyaha Booliska Djibouti sida amar la’aanta ah ugu soo galay dhismaha safaaradda, isagoo weliba hubaysan oo wata ilaaladiisa iyo su’aalaha uu weydiiyay, wuxuuna safiirku u sheegay in uu ku kacay fal ka baxsan diblamaasiyada iyo qaanuunka caalamaiga ah iyo Axdiga Vienna ee Xidhiidhka Diblomaasiyadeed
(Vienna Convention18kii Abriil 1961), sidaa awgeed uu deg-deg uga baxo dhismaha safaaradda, balse Taliyaha oo hanjabaad iyo caga-juglayn kula kacay Safiirka Faransiiska, isagoo aan dheg u dhigin qaanuunka iyo sharciga ka yaala xafiisyadda diblamaasiyiinta iyo dhismayaasha safaaraddaha, balse taas bedelkeeda ku andacoonaya in ay safaaradu joojiso fiisayaasha dhalinyarada, isla markaana ku doodaya in ay sababta loo bixinayaa tahay in mucaarad loo sameeyo dalka oo dhalinyaradu ka baxaan.

Arrinta ayaa sababtay in wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti ay safaaraddu gaashsiiso dacwad ka dhan ah Taliyaha Booliska General Cabdullaahi Cabdi Faarax, taas oo ugu danbayntii markii ay dawladda Faransiisku soo hordhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibbeda Djobouti iyo Madaxtooyadda caddaymihii muuqaalka Kamaraddaha iyo codkii Taliyaha wixii ka dhacay guddaha dhismaha Safaaradda xukuumaddu si deg-deg ah tallaabo uga qaaday Taliyaha, iyadoo xabsi guri laga dhigay inta aan maxkamad la horgeyn, isla markaana xilkii laga qaaday.

ila wareedyada, ayaa intaa ku daray in General Cabdullaahi Cabdi Faarax, maalamaha soo socda maxkamad ka horgeynayo, taas oo sababi karta in xabsi dheer lagu xukumo, sarkaalkan ayaa muddo ka baddan shan iyo tobban sanandood ahaa Taliyaha Booliska Djibouti, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u noqday seeffaha dadka lagu cabudhiyo ee ugu awoodda baddan.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com