Marxaladihii Kulamadu soo mareen iyo cidda bud-dhiga u ahayd

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddo ku dhow laba sannadood fiintu dhexmiranaysay, ayaa kulankii u horeeyay oo fool-ka-fool ah yeeshay.

Kulanka oo ahaa mid jilbaha lays dhigay,ayaa daba socday kulamo muddo laysaga dab qaadayay labada Oday ee Siyaasada ku kala foggaaday ku dhowaad laba sannadood, sidoo kale kulanka maanta gondaha lays daray, ayaa suuratag noqday, kaddib kulan habeenkii xalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo siyaasiin ka soo jeeda Deegaamada Bariga ee ay kasoo jeedaan.

Alt:Araweelo News Network

Ma jiro war rasmi ah oo kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay, isla markaana ka qabsoomay Guriga uu Magaalada Hargeysa ka degan yahay, Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, isla markaana ah aasaasaha xisbiga KULMIYE,  iyo Maxamuud Xaashi, wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.

Kulankaa kaddib, waxa markii u horaysay isa soo horfadhiistay  Madaxweyne  iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi, waxaana kulankaa ku weheliyay labadooda saddex  xubnood oo mid yahay Ambassador Baashe Cawil.

Ma cadda waxyaabaha lagaga hadlay kulankaa Madaxweyne Biixi iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo aan si dhab ah loo oggayn, balse waxa jira tibaaxo ay shebekaddaha Araweelo News Network, ka heshay ila ku dhow-dhow oo tibaaxay in kulanka oo qaatay saacado baddan uu ahaa mid muddo laga soo shaqaynayay oo ay Madaxweyne Biixi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi isku laab xaadhanayeen.

Siyaasiyiin Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, waxay Saaxiib dhow ay ahaayeen Madaxweyne Biixi, wuxuuna si weyn ugu suntanaa guushii doorashadii madaxtooyadda ee sannadkii 2017, isagoo si cad ugu halgamay sidii Madaxweyne ugu guulaysan lahaa doorashada, isla markaana Xisbiga KULMIYE usii haysan lahaa tallada dalka.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hore u qoondaystay inuu u tartamayo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, marka uu  Madaxweyne Muuse Biixi ku hubsado kursiga, taas oo ay ka muuqatay doorkii uu ku lahaa doorashadii ee xilligaa oo si cad uu ugu muujiyay taageerada iyo halganka kursiga ula galay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Balse muddo kaddib markii laga soo gudbay guushii Madaxweyne Biixi ku hantiyay kursiga, waxa uu siyaasiaga Maxamuud Xaashi si badheedh ah u shaaciyay hankiisa uu ku doonayo guddoomiyaha Xisbiga, waxayse arrintaasi sababtay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi geeska la geliyo, kaddib markii uu Madaxweyne Biixi ka dalbay in uu guddoomiyaha Xisbiga iska wareejiyo si loo raaco sunnihii dimuqraadiaydda ee uu xisbiga u jeexay aasaasihii xisbiga Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

Laxidhiidha: Muuse waxaan Leeyahay Waan Arkaa inaad Tashatay oo Tunka Taagayso Ee  Markay Talladaada Xumi Urto Cidna Ha Eersan ee Adkayso” Maxamuud Xaashi

Madaxweyne Biixi, ayaa dheggaha ka furaysay dalabka siyaasi Maxamuud Xaashi, waxayna arrintaasi sababtay in qaadaco ka qaybgalka shirweynihii 4aad ee xisbiga Kulmiye ee Bishii October sannadkii 2020-kii ku qabsoomay Hargeysa, kaas oo hoggaanka Xisbiga mar kale loogu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha oo guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay.

Maxamuud Xaashi ayaa xilligaa ku sababeeyay ka maqnaanshaha Shirweynaha in uu yahay mid u af-duuban Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna markaa kaddib dhaleecayn warbaahinta u mariyay Madaxweyne Biixi, isagoo ku macneeyay nin la anbaday qaranka iyo hoggaanka dalka.

Marar baddan oo kale ayuu siyaasiga Maxamuud Xaashi warbaahinta u mariyay weedho dhaleecayn, dhaliil, garnaqsi iyo hoggatusaalayn isugu jiray, waxaana caan noqday weedho uu xilligaa jeediyay oo maah-maah ku noqday Madaxweyne Biixi, kuwaas oo ay Bulshadu ka xusaasan tahay, “Muuse waxanan leeyahay waa tashatee, talladaadu yay kuusoo urin” iyo weedho kale, kuwaas oo ay dad baddan dib u xusuusteen markii xisbiga Kulmiye lagaga adkaaday doorashooyinkii gollayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Oct 2021, kuwaas oo siyaasiga Maxamuud Xaashi taageero ugu muujiyay axsaabta mucaaradka, isla markaana sababtay in xisbiga KULMIYE guuldaro kasoo waajahdo oo xataa loolankii ay ugu jireen shirgudoonka lagaga guulaysto.

Laxidhiidha: “Maxamuud Xaashi Go’aanka Xisbiga Lagaga Saaray Wuxuu Madaxweyne Biixi Ku Noqonayaa Waran” Siyaasi Cali Gurey

Muuse Biixi Cabdi, oo si weyn uga cadhooday guuldarada kasoo waajahday doorashooyinka iyo dagaalka shirgudoonka wakiillada ee lagaga adkaaday, ayaa markaa kaddib go’aansaday in xisbiga laga saaro Siyaasiga Maxamuud Xaashi, iyadoo laga saaray Xisbiga Kulmiye bishii October 2021-kii kaddib markii lagu eedeeyey inuu u ololeeyey xisbiyada Mucaaradka doorashadii gollayaasha deegaanka iyo wakiillada, waxayna arrintaasi muujisay saamaynta shaqsiyadeed ee uu leeyahay siyaasiga Maxamuud Xaashi, taas oo sidoo kale markhaati u noqotay inuu ahaa siyaasiga ku suntanaa guusha doorashadii Madaxweyne Biixi Cabdi 2017, xilligana noqday siyaasiga hormoodka u ahaa guul-darradii xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashooyinka.

Laxidhiidha: Siyaasi Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Loollankii Doorashada Shirguddoonka, Guusha Iyo Guuldara

Laxidhiidha: Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANi Oo Ka Hadlay Natiijadda Ka Dhalanay In Siyaasiga Maxamuud Xaashi Laga Saaro KULMIYE

Dhinaca kale, waxay jihada siyaasadeed ee uu qaaday ahayd mid uu ku muujinayo awoodda siyaasadeed ee uu leeyahay, isagoo ka dhigayay dhoolatus saamayntiisa laga dareemay saaxada siyaasada fagaarayaasha laga kulmo iyo warbaahinta oo qaadaa dhigtay saamaynta siyaasiga Maxamuud Xaashi oo xilligaa muujiyay shaxdii guusha labada xisbi mucaraad oo uu daaha dabadiisa ka hagayay, balse markii la gaadhay doorashada shirgudoonka wakiillada warbaahinta iyo Baraha bulshada loogu muujiyay magaciisa iyo sawiradiisa, iyadoo xilligaa lagu tilmaamay xisbi Afraad oo labada xisbi mucaarad ku noqday xisbi saddexaad oo dalka kusoo kordhay.

Laxidhiidha: Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Faaqiday Mawaadiic Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Kuwo Collaadeed

Dhowaan markii Madaxweyne Biixi shaaciyay in la furayo ururada siyaasada, waxay dad baddan u arkayeen siyaasiga Maxamuud Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo ay isku mawqif yihiin in ay ka faa’idaysanayaan fursadaa, wallow aannu siyaasiga Maxamuud Xaashi marka laga reebo inuu taageersanayahay furista ururada siyaasada aannu shaacin in ay qorshaha ugu jirto inuu yagleelo urur siyaasadeed oo ay isaga kooxdiisu hogaamiyaan.

Laxidhiidha: Maxamuud Xaashi Oo Shaaciyay Mawqifkiisa Muranka Furista Ururrada Iyo Doorashada Madaxtooyadda

Lxidhiidha: Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Mawqifka Isaga Iyo Saaxiibadii Ee Siyaasada Kaddib Go’aanka KULMIYE

Hase yeeshee kulamadan oo muddo soo jiitamayay, isla markaana ujeedadoodu ahayd in lays hor fadhiisyo Madaxweyne Biixi iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa lagu guulaystay, iyadoo uu suurta gelintooda ugu tun weynaa Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, isla marakaana ahaa aasaasihii Xisbiga KULMIYE, oo ay weheliyaan siyaasiyiin, ganacsato, culmi iyo shaqsiyaad kooban oo kale, balse ma cadda weli go’aanka iyo biya-shubka kulamadaa, marka laga reebo geba-gebada kulanka ay isku laab xaadhanayeen labada Oday oo lagag hadlay mustaqbalka xisbiga Kulmiye iyo qaabka loo waajahayo siyaasada iyo mustaqbalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com