Araweelo News Network.

Hargeysa(AMM)-Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ah siyaasi si weyn magaciisa iyo hadal hayntiisu saaxada siyaasada u qabsatay muddooyinkii u danbeeyay, isla markaana saamayntiisa iyo miisaankiisu kor u kaceen tartankii iyo loollankii doorashada gollaha wakiillada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021, ayaa ka hadlay gebagebada uu kusoo dhammaaday loollanka adage ee lagu kala calaf-qaaday Salaasadii shirguddoonka gollaha wakiillada ee axsaabta mucaaradku ku hanteen guusha.

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo doorashadii 2017, ee Madaxweyne Muuse Biixi ku hantay kursiga kaddib loollan adag oo dhexmaray Cabdiraxmaan Cirro oo ka sharaxna xisbiga mucaaradka ee WADDANI, wuxuu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar  ku tilmaamay xilligaa  Maxamuud Xaashi siyaasigii sababta u ahaa guusha Madaxweyne Biixi ku hantay kursiga hoggaaminta dalka.

 

Hase yeeshee doorashada xilligan ee gollayaasha deegaanka iyo wakiillada ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021, waxa xisbiga Kulmiye soo waajahay raadad guuldaro oo dhaliyay su’aalo iyo doodo, iyadoo Siyaasi Maxamuud Xaashi garab taagnaa axsaabta mucaaradka kaddib markii ay Madaxweyne Biixi si weyn isugu maandhaafeen siyaasada, wallow aanu meelna ku shaacin inuu ka baxay xisbiga oo aasaaskii bud-dhigiisa doorka weyn ku lahaa .

Dad badan oo siyaasada odorasa ayaa ku tilmaamay sababta guuldarada xilligan ee doorashadii ugu danbaysay ee xukuumadda iyo xisbageeda kulmiye in ay ahayd kasoo horjeedka siyaasigaa oo garabka saaray isbahaysiga axsaabta mucaaradka, taasina ay noqotay sababta guusha mucaaradka ee ugu danbayntii ay ku hanteen shirguddoonka gollaha wakliillada.

Maxamuud Xaashi, wuxuu sharaax ka bixiyay aragtidiisa loolankii loogu jiray Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo xukuumaddu geed dheer iyo gaabanba u fuushay sidii ay ugu guulaysan lahayd, balse ay ku guuldaraysatay kaddib markii mucaaradka oo garab ka helaya siyaasi Xaashi ku guulaysteen.

Dhammaadka maalmihii doorashada iyo loollankii adkaa wuxuu Maxamuud Xaashi sheegay in Dalku ka gudbay oo aannu hada jirin loolankii siyaasadeed ee xisbiyada ka dhexeeyay, sidaa darteed lagu abshiro natiijadii ka soo baxday doorashada.

Qoraalka uu kaga hadlay loollankaa iyo waxyaabihii kasoo baxay, ayuu ku bilaabay sidan:-

“Saddexdii bilood ee u danbeeyay waxaa dhexdeena ka socday loollan iyo laacdan siyaasadeed, taas oo salka ku haysay tartankii doorashada gollaha wakiillada iyo degaanka ee dalka ka qabsoontay. Eebe mahaddii shalay (Doraad) ayaynu soo gunaanadnay xamaasaddii, xanaftii, iyo xafiiltankii olollaha ee u dhexeeyay qoodha iyo qamaamuurta siyaasadeed ee Qaranka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa doqontu haddii la ficiltamayo, waxay mooddaa in la kala tegayo. Sidaa darteed, maanta laga bilaabo waa inaynu xalay-dhalay ka noqonaa xamaasaddii iyo xagtimihii doorashada.

Maanta mar haddii uu Qarankeenu guulaystay waxaa dhaba in aynu Dhamaanteen guulaysanay. Waxaynu muujinay in aynu nahay ummad bisil, oo leh aragti iyo ujeeddo fog, taas oo aanay kala irdhayn karin olole siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan midina. Waxaynu tusnay adduun-weynaha intiisa kale iyo asaageenba in aynu nahay dad leh dal, diin, dhaqan, kala danbayn, nidaam dawladnimo, dastuur ay ku kala baxaan, duqay iyo waxgarad dhexdhexaadin kara xilliyada aynu noqono laba dhinac oo midba meel ku dhago.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u soo jeedinayaa dhammaan shacbiga Somaliland, Madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Maxkamadda sare mudane Aadan Xaaji Cali, Xubnaha gudida doorashooyinka Qaranka, Madaxda saddexda Xisbi Qaran, guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax, mudanayaasha cusub ee golaha wakiillada iyo dhamaan shaqaalihii golaha wakiillada ee shalay (Dorraad) xilka u gutay sida hufan.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa xubnaha shir-guddoonka cusub ee la doortay

Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed (guddoomiye)

Mudane Siciid Mire Faarax (gudoomiye ku-xigeenka koowaad)

Mudane Cali Xaamud Jibriil (guddoomiye ku-xigeenka labaad).

Waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa saddexdii murashax ee aan guulaysan

Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Mudane Cumar Jaamac Faarax

Mudane Cabdinasir Yuusuf Cismaan (Qodax)

Sidii geesinimada, gobanimada, iyo guurtinimada lahayd ee ay u garwaaqsadeen natiijadii doorashada.

Ugu dambayn siyaasadda ceeb iyo cay kuma aha in aad guuldaraysato. Hasayeeshee waxaa ceeb ku ah in aad garwaaqsan weydo in lagaa guulaystay, ama aad garan weydo sababta keentay guuldaradaada. Guul iyo gobanimo Somaliland”. Ayuu siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ku yidhi, qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shebekadda Facebook.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com