Araweelo News Network.

Djibouti (ANN)- Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah aqoonyahan siyaasi ah oo khabiir  ku ah arrimaha dhaqaalaha , isla markaana Agaasime ka ah Machadka Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Bulshada ee geeska  (Horn Economic and Social Policy (HESPI), ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhinaca amniga iyo qalalaasaha gobolka geeska Afrika iyo saamaynta xidhiidhka ka dhexeeya arrimahaa.

Dr. Cali Cisie oo kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aasaasay Kooxdii Khaatumo ee kasoo horjeeday siyaasada Somaliland ee doonayay in ay samaystaan maamul gaar ah.

Sidoo kale, Dr. Cali Ciise, ayaa xilligan ah guddoomiyaha arrimaha dhaqaalaha ee gollaha qaranka Soomaaliya, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Madasha Aragti Wadaagga ee  uu qabanqaabiyay machadka Heritage oo Isniintii ilaa Khamiistii ka socday dalka Djibouti oo iyagu martigelilay, iyadoo ay ka qaybgaleen boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka gobolka geeska Afrika ee qalalaasuhu naafeeyay.

Laxidhiidha: Wasiirka Arrimaha Dibbeda Djibouti Oo Xaaladda Dalalka Gobolka Ku Tilmaamay Mid Bukaan Jiif Ah

Dr. Cali Ciise, wuxuu tilmaamay mushkilada gobolka iyo duruufaha haysta, isagoo carabka ku dhuftay Urur goboleedka IGAD, in aannu ku guulaysan laga soo bilaabo 1986 ilaa xilligan inuu wax ka qabto mushiladdaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka, isla markaana ay guuldaraysteen is dhexgalka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha.

“shirkan oo kale waa in ay kasoo baxaan mawduucyo wax ka taraya arrimaha nabadgelyada iyo amniga, haddii aan la helin lagama hadli karo arrimaha dhaqaalaha iyo horumarka, sidaa awgeed waxa loo baahanyahay in la helo higgsi loo jeexo bulshada Soomaaliyeed, waana mid looga baahan yahay in dadka shirkan fadhiyaa ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa higsigaa.”

Dhinaca kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha looga baahan yahay shirarkan oo kale in ay kasoo baxaan, wuxuuna tusaale usoo qaadanaya Soomaaliya yidhi, “Shirka Maaha in ay aynu khudbado isu akhirino ee waa qorshe Soomaaliya loogu taliyaa kasoo baxo, waa in aynu wax ummadda anfacaya oo dhaxal gal ah ka tagnaa oo la helaa sidii Soomaaliya looga samayn lahaa deganaansho iyo doorashooyin.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, Dr. Cali Ciise, wuxuu sheegay in si taas loo helo ay kow ka tahay in ay shirka kasoo baxaan go’aan runta loogu sheegayo soddonka qof ee is bar-bar yaacaya, “waa in la yidhaahdo nama anfacdaan, waa in soddonkii sannadood wixii dhacayay aan dib loogu noqon Soomaali, waxa loo baahanyahay  qorshe Soomaaliya lagu dhiso.”ayuu yidhi, Dr. Cali Ciise.

Khudbada Dr. Cali Ciise oo dhamaystiran halkan ka Daawo.

Dr. Cali Ciise, ayaa xilligan ah guddoomiyaha arrimaha dhaqaalaha ee gollaha qaranka Soomaaliya, oo khudbad uu ka jeediyay shirka Madasha Aragti Wadaagga ee machadka Heritage ee ka qabsoomay Djibouti, @araweelotv.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com