Araweelo News Network.

Shirkadda Telesom kolay magdhaw cidi siin maysee waxaan u aragnaa raaligelintaa mid sax ah, Wasaaradda isgaadhsiinta

Hargeysa(ANN)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo gollaha deegaanka Hargeysa ah, ayaa raaligelin ka bixiyay tallaabadii sababtay hakadkii ku yimi Khamiistii qaar ka mid ah adeegyada ay bixiso shirkadda ugu weyn isgaadhsiinta casriga ee Telesom.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed  Mooge iyo masuuliyiinta dawladda Hoose oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda  iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan shirkadda Telesom, wuxuu Maayarka oo maanta warbaahinta la hadlay si cad u sheegay in ay sabab u ahaayeen ciladda ku timi adeegyada shirkadda qaarkoood, sidaa awgeed aannay ahayn sida dadka qaar u turjumayay in ay arrintaasi ahayd mid xagga shirkadda ka timi.

“Waxaan cadaynaynaa in dhibaatada shirkadda Telesom gaadhay aannay ahayn cilad farsamo ee ay ku timi qalabka dawladda hoose oo waxyeelo kasoo gaadhay xadhkaha hoos mara dhulka hoostiisa.” Ayuu yidhi, Maayarka Caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge.

Wuxuu sheegay in markii arrintaasi dhacday ee ay dad baddan si khaldan u turjumeen, waxaanse caddaynayaa in arrintaasi ka timi qalabka dawladda hooe, shacabkana waxaan u sheegaynaa in shirkadda dhibaatadu soo gaadhay innagoo dhisayna mid ka mid ah waddooyinka magaalada, ayuu yidhi, Maayarku.

Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in ay ku khasban yihiin in ay raaligelin ka siiyaan shirkadda wixii soo gaadhay, “marka xagga sharciga la eego waxa khasaaraha gaadhay shirkadda masuul ka ah dawladda Hoose, markaa mar haddii aynaan wax ka tari karayn dhibaatada soo gaadhay shirkadda Telesom, waxaynu ku khasbanahay in aan raaligelin ka bixino, shacbi ahaan iyo anagoo madaxdiinii ah waxa fiican in aynu shirkadda uga ducayno kana raaligelino dhibaatada soo gaadhay.”

Maayarka, ayaa intaa ku daray in marka la waddo dhsimaha ay dhacdo in dhibaato kasoo gaadho, shaqaallaha, ama xadhkaha Laydhka iyo kuwa shirkaddaha Isgaadhsiinta, wuxuuse xusay in dad badan oo shacabka ka mid ah ay si khaldan u turjumayaan dhibtaa.

“Dad baddan oo shacabka ka mid ah waxay dhibtaa u turjumayeen si khaldan,  shacabku waa inay oggaadaan in magaaladeena oo aynu dhisanayno khasaarahaasi soo gaadhay shirkadda, marka ay taas oo kale dhacdo waa inay shirkadda garab istaagaan” ayuu yidhi, wuxuuna sheegay in ay shirkaddu dedaal baddan ku bixisay si ay usoo celiso adeegayadii, isla markaana ay dawlad hoose ahaan barbar sitaageen si loo xaliyo mushkilada.

Sidoo kale, Xasan Aw Cali oo ah masuul ka socday wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa kulankaa ka sheegay in ay khasab ahayd in dawladda Hoose ka bixiso raaligelin, maadaama aannay arrintu ahayn mid ka timi xagga shirkadda, sidaa awgeed wuxuu sheegay in ay soo dhowaynayaan raaligelinta.

“Shirkadda Telesom kolay magdhaw cidi siin maysee waxaan u aragnaa raaligelintaa mid sax ah, dadweynuhuna fal calintii ay sameeyeen haw arkeen mid aannay shirkaddu samayn ee ka timi dhinac saddexaad.” Ayuu yidhi.

Dhinaca Shirkadda Telesom, Cabdiwahaab maax oo kulankaa ka hadlay, ayaa ka mahad celiyay sida ay dawladda hoose uga jawaabtay, isagoo sheegay in ay shirkad ahaan hore uga raali geliyeen macaamiisha arrintaa, sidaa awgeed ay mar labaad uga macad celinayaan sida ay macaamiishu ugu dulqaadatay markii ay dhibaatadu dhacday ee ay ugu samreen.

Muuqaalkan Ka Daawo

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com