Araweelo News Network.

“Dal kasta dhibaatadiisu waxay la xidhiidhaa taariikhdiisa, waxayna qayb ka tahay go’aanada siyaasadeed ee madaxda” Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti.

Djibouti (ANN)- Wasiirka arrimaha dibedda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ka dayriyay xaaladda gobolka geeska Afrika, wuxuuna ku sifeeyay dalalka ku sugan mandaqadu kuwo bukaan jiif ah.

Wasriika, ayaa sidaa ka sheegay khudbad uu ka jeediyay  shirka Madasha Aragti Wadaagga ee  uu qabanqaabiyay machadka Heritage, kaas oo Isniintii ay martigelisay Djibouti, iyadoo ay ka qaybgaleen boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka gobolka geeska Afrika ee qalalaasuhu naafeeyay.

 “Dhakhtarku markuu qofka Buka u yimaado ma yidhaahdo Xaaladaadda ka waran ayuu yidhaahdaa ee “Xannuunka ku hayaa waa maxay”,ma yidhaahdo, markaa dalalka maanta gobolkan ku sugan waa Bukaan Jiif, markaa Bulshada rayidka ah, aqoonyahanka iyo waxgaradka ayaa dawada noo tilmaami karaya.” Ayuu yidhi, Maxamed Cali Yuusuf oo sawir ka bixinaya mushkiladaha iyo qalalaasaha gobolka.

Mr. Yuusuf, wuxuu sheegay in dal kasta dhibaato gaar ah ay ka taagantahay, taas oo sida uu xusay ku lug leh taariikhda dalkaa, “Dal kasta dhibaatadiisa gaarka ah ayuu leeyahay, waxayna la xidhiidhaa taariikhdiisa, isla markaana ay ku salaysan tahay geedi-socodkiisa siyaasadeed, waxayna qayb ka tahay go’aanada siyaasadeed ee madaxda dalkaasi ay qaataan, wayse igu adagtahay in aan kiish keliya ku wada rido dhibaatooyinka gobolka ka jira.” Sababtoo ah waxaan ahay diblamaaasi siyaasada gobolka meel kaga jira, sidaa awgeed ma rabo in aan ku dhaco khalad, ayuu raaciyay.

Hase yeeshee mushkiladaha gobolka ayuu sheegay in ay xalin karaan Urur goboleedka IGAD, isagoo xusay in ay mushkilado baddan ooh ore xalkooda heleen, “mushkiladaha gobolka waxa xalin kara Ururka IGAD, waxaana loo baahanyahay in dib loo kiciyo Ururkaa si ay u keenaan xalka mushliladaha gobolka, Djiboutina diyaar ayay u tahay arrintaa.”ayuu yidhi. Wasiirka arrimaha dibedda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xaaladda dalalka Ethiopia, Suudaan iyo Soomaaliya, wuxuuna si cad u tilmaamay mawqifka Djibouti iyo arragtida doorkeeda ee lagu maarayn karo mushiladahaa.

Muuqaalkan ka dhegeyso khudbada Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com