Shirkadda Jarmalka ee Hawsha Balaadhinta Biyaha Hargeysa Gacanta Ku haysay oo joojisay shaqada kaddib Sarkaalkii u sareeyay oo dalka ka baxay iyo Xisbiga WADDANI oo Ka Halday Fashilka Mashruuca

Hargeysa(ANN)-Mashruuca Biyaha loogu ballaadhinayay Maagalada Caasimadda ee  Hargeysa oo gebi ahaanba istaagay, kaddib markii shirkaddii hawsha  gacanta hasha ku haysay  oo magaceegu ahaa LP, isla markaana laga lahaa dalka Jamrmalka ay joojisay.

Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa  Maxamed Cali Daarood, ayaa dhankiisa qiray in gebi ahaanba uu hakad galay mashruuca biyaha lagu balaadhinayay ee Hargeysa, kaas oo sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka SAHANTv, lu xaqiijiyay in sarkaalkii u sareeyay shirkadda Jarmalka ee wada mashruuca uu dalka ka baxay.

Todobaadkii hore ayay ahady markii Khadar  Ismaaciil Maxamed oo ah weriye ka tirsan Telefishanka SOMNEWS, soo bandhigay warbixin la xidhiidha mawduuca Biya ballaadhinta Hargeysa oo joogsaday, wuxuuna la kulmay in ka baddan 80 shaqaale ah oo ka cabanaya in muddo saddex bilood ah aannay wax mushahar ah qaadan, isla markaana shirkaddii shaqada waday oo laga lahaa dalka Jarmalka ay joojisay shaqadii.

Shaqaalaha u shaqaynayay shirkadda oo ah muwaadiniin Somaliland ah, ayaa sheegay in ay arrinta tabashadooda la socod siiyeen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood iyo Madaxda Hay’adda Shaqaalaha, balse aannay weli garanayn meel ay u raacaan lacagtooda ka maqan sadexda Bilood.

ALT: Araweelo News Network
Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga WADDANi, Bashiir Cumar Geelle, Image Araweelo News Network, December 2021.

Dhinaca kale, Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani Bashiir Cumar, ayaa ka hadlay arrinta mashruuca Biyaha Hargeysa ee istaagay, isla markaana Afartii Berkodood ee qorshuhu ahaa in laga dhiso Hargeysa mid mooye saddexdii kale aan la taaban,  isagoo dhinaca kale sheegay in dadka deeganka Geed-deeble oo laga joojiyay in ay Beeraha qotaan mudaddii hawshu socotay ay nasiidaro tahay in ay waayaan beerahooda wixii ay kala soo bixi lahaayeen, isla markaan aanay weli Hargeysi helin Biyo.

Cabshada shaqaaluhu ay naspp gaadhay, waxayna arrintan kusoo beegmay, iyadoo Safiirka MIdawga Yurub dhowaan booqday mashruuca, sidoo kale guddida dhaqaalaha ee gollaha wakiillada ayaa booqday ma garanayo sida ay arrintaasi u hoos martay, waxaan usoo jeedinayaa guddida dabagalka hantida qaranka ee gollaha in ay arrinta sababtay in mashruuca Biyaha Hargeysa istago ay baadhitaan dheer ku sameeyaan.”ayuu yidhi, xoghayaha Biyaha ee xisbiga Waddani, Bashiir Cumar Geelle.

Hase yeeshee Waraysiga uu bixiyay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood  ee lagu baahiyay Telefishanka SAHAN Khamiistii, , wuxuu ku qiray in ay jirto cabashada shaqaalaha, isagoo dhinaca kale sheegay in shirkadda laga leeyahay dalka Jarmalka ee hawsha Biyaha ka waday Haregysa laga joojiyay shaqadii, isla markaana ay xilligan raadinayaan shirkad kale oo la wareegta hawsha.

ALT: Araweelo News Network
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Image file Araweelo news Network.

Maareeyahu ma sheegin sababta mashruuca oo ay dawladda Jarmalku bixay lacagta ku baxaysa, isla markaana ay shirkadda hawsha waday ahayd mid laga leeyahay dalka Jarmalka ay u joojisay shaqada, balse wuxuu sheegay in Sarkaalkii u sareeyay shirkadda Jarmalka ee hawsha waday ay dalka ka saareen, isagoo dhinaca kale xusay in sannadkii 2017, saddexdii shirkadood ee waday mashruuca biyaha ee Geed-deeble laga wareejiyay, isla markaana ay hawshaa ku wareejiyeen shirkad Faransiis ah.

Masharuuca Biyaha Hargeysa ee Biya soo aarka iyo Biya ballaadhinta Caasimadda Hargeysa, ayaa soo bilaabmay dhawr sannadoo ka hor xilligii xukuumaaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, waxaana mashruucaa oo ka koobnaa laba qaybood oo kala ah Biya soo saarka Geed-deeble iyo Biya ballaadhinta  maalgelinayay Dalalka Midawga Yurub,  Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fun SDF) oo lagu shubo dhaqaale ay bixiyaan dalalka UK, Denemark iyo Netherlands.

Sidoo kale, waxa mashruuca biyaha sidoo kale gacan ka geystay Midawga Afrika, Baanka Aduunka iyo Hay’addo Caalami ah, waxaana la rumaysan yahay in malaayiin dollar lagu bixiyay, wallow aanu weli guulaysan, Maareeriyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa,  Ibraahim Siyaad oo xogwaran ka siinayay mashruuca Biyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Gollaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland dabaayaqadii Sep 2016, ayaa sheegay xilligaa mashruucu ku dhowyahay geba-gebo, isla markaana uu dhammaanayo si dhakhso ah oo sannadka 2017, Hargeysa si fiican Biyaha uga cabayso, laakiin siddeed sannadoo kaddib weli mashruuca Biyaha Hargeysa wuxuu u muuqdaa gacan uur-ku-jirta, wawllow hawl baddan la qabatay.

Sidaa awgeed shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa wada mawduuc baadhitaan oo la xidhiidha arrimaha ku gedaaman mashruucaa, waxayna dhowaan insha Allah soo bandhigiyaan duruufaha ku xeeran mashuuraca Biya Ballaadhinta Hargeysa iyo asaababaha sababay in shirkaddii Jarmalka ahayd ee hawsha waday joojiso, iyadoo aan dhamaystirin shaqadii, isla markaana uu dalka uga baxo sarkaalkii u sareeyay, iyadoo ay shaqaalaha ka shaqaynayay mashruuca muddo saddex bilood ah sheeganayaan inuu ka maqan yahay mushaharkoodii.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com