Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Doorashada dadban ee Soomaaliya, ayaa mar kale waajahday carqalado siyaasadeed oo mugdi gelinaya in ay ka qabsoonto dalka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay ka dhawaajiyay in culayso baddan uu waajahayo, kuwaas oo kaga imanaya Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in ay isaga ka go’antahay in la helo saaxad lagu tartamo oo lagu qanci karo, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay in dhawraan nidaamka.

Ra’iisal wasaare Rooble oo shalay kulan la yeeshay Golaha Wadatashiga Qaranka, kaddib markii uu warbixin ka dhegeystay guddoomiyaha guddida doorashooyinka, wuxuu sheegay in dib u dhacyada ku yimi jadwalka doorashooyinka iyo hufnaanta doorashada ay meesha ka saarayaan wadashaqaynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale kulankaa oo ay ka qayb qaateen xubno matalayay Midowga Murrashaxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur, waxay ku dalbadeen Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka, iyagoo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

Wadahadal iyo falanqayn dheer kadib, waxay xubnaha Gollaha Wadatashiga Qaranka isku raaceen in si kama dambays ah loo dardargeliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Gollaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.

Dhinaca kale, dalalka Marayanka iyo UK, ayaa dhowaan sheegay in ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen doorashada Soomaaliya.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com