Araweelo News Network.

#Ethiopia Oo Sheegtay In Saraakiil @TPLF ah La Dilay Kuwo Kalena Lasoo Qabtay

Addis Ababa (ANN)-Ciidamada Difaaca Qaranka dawladda Federaalka ee Ethiopia ayaa shaaciyay inay dileen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF).

 

Hawlagal ay ciidamadu ka fuliyeen gobolka Tigray, waxay sheegeen in ragga la dilay ay sidoo ka mid ahaayeen Afhayeenkii kooxda TPLF Sekoture Getachew iyo Daniel Assefa, madaxii hore ee xafiiska maaliyada ee Tigray.

 

Sidoo kale, waxay sheegeen in Zeray Asgedom iyo Abebe Asgedom, oo ahaa laba xubnood oo kale oo lafdhabar u ahaa kooxda TPLF, la dilay intii lagu jiray hawlgalka millateri. Sida ay sheegeen Ciidamada Ethiopia galinkii dambe ee Khamiista ay fuliyeen.

War uu soo saaray madaxa waaxda hawlgalka ciidamada difaaca, General Tesfaye Ayalew, ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada raggaa, isaga oo sheegay in mudadii lagu guda jiray hawlgalka la qabtay sagaal hoggaamiye oo kale oo ka tirsan kooxda TPLF, ayaa la qabtay ka dib hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidankiisa iyo laamaha amniga ee federaalka.

 

Hase yeeshee madaxa waaxda hawlgalka ciidamada difaaca, General Tesfaye Ayalew  masoo badhigin waxyaabo cadaynaya dilka afarta hoggaamiye ee TPLF, xilliga la dilay, goobta lagu dilay iyo inay dagaal dhexmaray Jabhada iyo ciidankiisa  ku dileen iyo in kale.

Saraakiisha TPLF, ee Sagaalka xubnood kale ee la xidhay waxaa ka mid ah Teklewoini Assefa, oo ahaa agaasimihii hore ee Relief Society of Tigray (REST), Solomon Kidane, madaxii hore ee xafiiska horumarinta magaalooyinka Tigray, Gebremedhin Tewolde, madaxii hore ee xafiiska ganacsiga ee Tigray iyo Woldegiorgis Desta, oo ahaa madaxii hore ee Xafiiska Gaadiidka ee Tigray.

Sidoo kale waxaa ka mid ah Abadi Zemo, Safiirkii hore ee Ethiopia u fadhiyey Suudaan, Kidusan Nega, afhayeenkii hore ee Golaha Dawlad Deegaanka Tigray, Tedros Hagos, madaxweynihii hore ee Akaadamiyada Hogaaminta Meles, Mihret Teklay, lataliyaha sharciga ee Golaha Dawlad Deegaanka Tigray, iyo Berhane Adem Mohammed, oo ah milkiilaha nidaamka ganacsiga iyo iibsiga.

Tan iyo markii duulaanku ka bilaabmay gibolka Tigray, waxa la dilay  askar oo aan tiradooda la cayimin, waxayna tiro aad u badan oo qalab millateri ah dawladda Federaalku sheegtay in ay dhaceen ciidamada TPLF, taas oo keentay in dowladda ay bilawdo hawlgal xooggan oo sharci fulin ah.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay hawlgalkan 28 November 2020, isaga oo sheegay in lasoo qabanayo hoggaanka kooxda TPLF iyo mintidiintooda, sidii markaa kaddib dib u dhiska iyo dhaqancelinta gobolka xasillooni looga abuuri lahaa, waxa kale oo uu sheegay in gobolka Tigray laga samaynayo qaab-dhismeedyo maamul ku-meel-gaadh ah oo loo sameeyo Tigray.

Duulaanka ayaa sababay in kummanaan qof ka qaxaan gobolka Tigray, kuwaas oo dhanka xadka Suudaan u cararay, iyadoo weli aannay weli xaaladda gobolka Tigray ahayn mid si fiican deganaansho uga jiro.