Araweelo News Network.

#Washington waxay taxday Tallaabooyin Deg-deg Ah Oo la faray in Ethiopia Qaado

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda #Ethiopia, ayaa jawaab cadha leh ka bixisay baaq dawladda Maraykankua oo si kulul ugu soo jeedisay oo ahaa in gobolka #Tigray laga saaro Ciidamadda Federaalka, kuwa #Eritrea  iyo Malayshiyaadka Amxaarada.

Antony Blinken , oo ah Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay tacadiyada ka socda gobolka Tigray ee Woqooyiga dalka Ethiopia.

Dalabka Maraykanka ee gobolka Tigray

Xoghayaha, ayaa ugu baaqay xukuumadda Abiy Ahmed ee Ethiopia in ay qaado talaabooyin lagu soo afjarayo colaadda dheeraatay ee gobolka ka socota.

AKHRI: Maraykanka Oo Warbixin Murrugo Ah Kasoo Saaray Dagaalka Gobolka Tigray Ee Ethiopia

“Waxaan si weyn u cambaaraynaynaa dilalka, barakacinta, xadgudubyada galmada iyo tacaddiyo kale ee ay dhinacyadu geysanayaan oo ay ka warrameen dhowr hay’addood,” ayuu yidhi, Antony Blinken.

Xukuumadda Washington, waxay sheegtay in Tallaabada koobaad ee muhiimka ah ay tahay n si degdeg ah ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada looga saaro gobolka.

“Tigray Tuulooyin Dadkii Ku Noolaa La Waayay ” Wabixinta Maraykanka

Markaa kaddib lagu xejiyo  xabbad-joojin ay dhaqangelinayaan dhammaan dhinacyada iyo in gargaarka si shuruud la’aan ah loo gaadhsiiyo shacabka gobolka Tigray, ayay raacisay.

Jawaabta Xukuumadda Ethiopia

Hase yeeshee dawlada oo ka cadhootay baaqa Washington, ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sidii looga gun gaadhi lahaa  tacaddiyada laga soo sheegayo gobolka Tigray.

Balse, waxay wax laga xumaado ku tilmaantay faragalinta qaawan ee uu Maraykanku ku hayo arrimaha gudaha ee Ethiopia. sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

“Isku-dayga uu Maraykanka kaga hadlayo arrimaha gudaha ee Ethiopia, gaar ahaan xooggaga gobolka Amxaarada ee lagu sheegay war saxaafadeedka ayaa ah wax laga xumaado,”ayay tidhi Ethiopia.

Xukuumadda Abiy Ahmed, ayaa sheegtay in Ethiopia ay xaq u leedahay goobta ay geyneyso ciidamadda dalkeeda si loo xaqiijiyo sharciga iyo kala dambeynta gudaha dalka.

Dhawaaqa dawladda Maraykanka ee ka cadhaysiiyay xukuumadda Abiy, ayaa kusoo beegmay maalin kaddib markii warbixin murrugo xanbaarsan oo ka hadlay tacadiyada iyo xasuuqa ka dhacay gobolka Tigray ay shaacisay Amnesty International.

Dawladda Maraykanka , ayaa hore ugu baaqday in gobolka laga saaro ciidamadda Eriteria maalmo yar kaddib markii uu Joe Biden Madaxweynaha cusub xukunka la wareegay.

Wuxuuna dhawaaqa xilligan ee dawladda Maraykanku noqonayaa ugu yaraan markii labaad  ay Eriteria ugu baaqdo in ay gobolka Tigray kala baxdo ciidamadda ka jooga, isla markaana maalyshiyaadka Amxaarada laga saaro halkaa.

Warbixin dawladda Maraykanku maalin ka hor soo saartay, ayaa si weyn loogu xaqiijiyay in sababta duulaanka gobolka ay ahayd sidii dadka Tigray looga saari lahaa meesha.

Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha Gargaarka

Haa’yaddaha Qaramada Midoobay iyo gargaarka, ayaa marar baddan ka dayriyay xaaladda gobolka, iyadoo xukuumadda Ethiopia muddo dhawr bilood oo dagaalku jka socday halkaa diidanayd in la helo waddooyin la mariyo nsahayda gargaarka.

Wallaw Xukuumadda Abiy iyo Hay’addaha Qaramada midoobay dhawr jeer ku heshiiyeen in la helo marinada gargaarka, balse saraakiisha midawga Yurub iyo kuwa Qaramada Miodobay waxay tilmaamayeen in weli la hayn dariiq si dhab ah loo mariyo sahayda hgargaarka.

AKHRI: Ethiopia Oo Weli Waajahaysa Cannaan Caalami Ah Iyo Cabsida Xaaladda Soomaaliya Ee Gobolka

Dhinaca kale, Xukuuamdda Abiy, ayaa marar baddan sheegay in lagu guulaystay duulaanka gobolka Tigray, balse hoggaanka fallaagada TPLF oo hadda ku dhuumaalaysanaya deegaanka ayaa wacad ku maray inay qaadayaan dagaallo jabhadayn ah.

Tan iyo markii ciidamadda Federaalka Ethiopia oo kaashanaya kuwa Eriteria iyo malayshiyaad duulaan ku qaadeen gobolka Tigray.

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

Waxa sii kordhayay walaaca dhanka bini’aadanimo , iyadoo ay soo baxayeen warbixino naxdin iyo murrugo xanbaarsan oo ka imanayay gobolka oo ku jira go’doon ku dhowaad Afartii bilood ee u danbeeyay.