Araweelo News Network.

 

#Ethiopia Oo Weli Waajahaysa Cannaan Caalami Ah Iyo Cabsida Xaaladda #Soomaaliya Ee Gobolka

 

 #Amnesty International Oo Ku Baaqday Baadhitaan Madax-banaanXasuuqa Gobolka #Tigray

By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Ethiopia, ayaa waajahaysa cannaan caalami ah oo dhalatay dagaalka gobolka Woqooyiga ee Tigray oo muddo shan bilood ku dhow ka socday halkaa.

Kumanaan qof, ayaa ku dhintay dagaalka oo u dhexeeya ciidamadda dawladda Ethiopia oo gacan ka helaya kuwa dalka ay collaada mudada dheer hore uga dhaxaysay ee Eritrea, isla markaana aannay ka madhnayn taageerada dalal kale oo shisheeye iyo malayshiyada jabhada xoraynta Tigray ee TPLF oo weli ku jira dhuumaalaysi dhulka Buuralayda ah.

Dagaalka, ayaa sidoo kale sababay gabood-falo xasuuq oo ka dhacay deegaanka, bililiqo iyo go’doomin, iyadoo  in ku dhowaad 50,000 qoxooti ku noqdaan dalka ay xadka ku muransan yihiin ee Suudaan oo dagaalka gobolka Tigray sababay in ciidamadda labada dal ee Ethioia iyo Suudaan isku dhacaan, kaddib markii ay Suudaan qabsatay dhulka Beeralayda ah ee Faqsha oo ah dhul beeralay ah oo muhiim ah.

 

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

 

Dhulkaa oo dheran xadka ay labada dal wadaagaan, ayaa ahmiyad weyn u leh dhanka Beeraha, waxayna xukuumadda Ethiopia sheegtay in Suudaan kusoo duushay dalkeeda, isla markaana ka bara-kicisay kumanaan qoys oo deegaanka faqsha ku lahaa Beero.

Hase yeeshee xukuumadda Suudaan, ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay eedaha ay labada dawladood warbaahinta isu marinayeen dhawrkii bilood ee u danbeeyay, waxayna ku dooday in dhulkaas ay iyadu leedahay oo aannu jirin dhul ay Ethiopia leedahay oo ay qabsatay.

 

Ka sokow xiisada dagaalka gobolka Tigray ka dhex abuuray labada dal ee Suudaan iyo Ethiopia oo horeba ugu muransanaa isticmaalka webiga Biyaha Niilka.

xukuumadda Ethiopia waxay waajahaysaa weli canbaarayn caalami ah oo kaga imanay beesha Caalamka oo ka dhalay dagaalka gobolka Tigray oo sababay in go’doon laga dhigo gebi ahaanba.

Khilaafka Hay’addaha Gargaarka Iyo Xukuumadda Ethiopia

Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha ayaa marar badan ku eedeeyay xukuumadda Ethiopia in ay xaaladda gobolka wax ka bedesho, iyadoo ay jiraan warbixino murugo xanbnaarsan oo sit eel teel ah ay usoo gudbiyeen hay’addaha xuququda Aadamaha iyo gargaarka.

Warbixinahaa oo sheegay in tacadiyo iyo gabood-falo waaweyn oo ay ku macneeyeen xasuuq, dil, dhac iyo kufsi ay ka dhaceen gobolka tan iyo markii ay ciidamadda Ethiopia sheegeen in ay gudaha u galeen magaalada caasimada u ah Tigray ee Mekelle November 2020.

Xukuumadda Ethiopia iyo saraakiisha gargaarka ee Hay’addaha qaramada midoobay oo ay weheliyaan hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha iyo diblamaasiyiin caalami ah oo ka socday beesha caalamka ayaa marar badan kala hadlay xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

Waxayna ugu baaqeen in gobolka laga saaro go’doominta, isla markaana lasoo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa sida Laydhka, Biyaha iyo isu socodka gaadiidka, isla markaana la helo marin dadka ku go’doonsan deegaamada gobolka Tigay loo mariyo sahay gargaar.

Wallaw ay xukuumadda dalka Ethiopia oo waahahaysa cadaadiska sii kordhaya ee beesha caalamka iyo qaramada midoobay ay aqbashay in sahay gargaar la gaadhsiiyo deegaamada gobolka Tigray.

Balse aqbalaada xukuumadda Ethiopia may noqon mid sidii la doonayay u fusha, waxayna arrintaasi mugi gelisay xidhiidhka beesha caalamka iyo xukuumadda Ethiopia.

Waxa jiray baaqyo arrimaaha daba socday oo xukuumadda Eritrea loogu baaqay in ay deg-deg ugala baxdo gobolka ciidamadda ka jooga.

warbixinaha naxdinta iyo murugada xanbaarsan ee ka imanaya gobolkaa Tigray dhawrkii bilood ee u danbeeyay ay noqdeen ciidamadda Eritrea kuwa tacadiyada iyo gabood-falada ugu xun ee laga soo sheegayo deegaanka gobolka Tigray lala xidhiidhay.

Toddobaadkii u danbeeyay, waxay midawga Yurub oo weli sii wada qayla dhaanta xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta halkaa, waxay ku canbaareeyeen xukuumadda Ethiopia in ay gobolka Tigray weli kasii wado dagaal go’doomin ah, waxayna ka digeen xaaladda sii xummaanay ee kusii socota macaluusha iyo hubinti la’aanta ka jirta gobolka.

Jawaabta Xukuumadda Ethiopia ee Gargaarka

Dhankeeda xukuumadda Ethiopia ayaa Arbacadii 24 Feberuary 2021, sheegtay in tiro badan oo ka mid ah hay’addaha caalamiga ah ee bani’aadamnimada la siiyay fursad ay ku galaan Tigray.

Gobolka ugu xigga dhanka woqooyiga dalka Ethiopia, waxaa weli ka socda hawlgal milatari oo ka dhan ah fallaagada TPLF, iyadoo collaadu sababtay malaayiin qof oo u baahan gargaar degdeg ah.

“In ka badan 135 shaqaale oo ka socda hay’addaha gargaarka ee labada dhinac iyo dhinacyo badan ayaa la siiyay fasax si ay ugu safraan ugana shaqeeyaan gobolka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Sidoo kale, xukuumadda Ethiopia, waxay sheegtay in sheekada jirta ee ah in qaybo badan oo gobolka kamid ah aan la geli karin aannay ahayn mid sax ah.

“ Dawlada federaalka oo kaashanaysa ururada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ayaa horumar la taaban karo ka samaysay gaadhsiinta gargaarka bini’aadanimo si loo daryeelo muwaadiniinteena ku sugan Tigray.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka.

“Laga bilaabo maanta, 3.1 milyan oo qof ayaa ka faa’iidaystay gargaarka bani’aadamnimo ee loo qeybiyay 34 degmo oo ka mid ah 36 ka mid ah gobolka.” Ayay tidhi, xukuumadda Ethiopia.

“Qaadhaanka dowladda ee ku aaddan gargaarka bani’aadamnimada waxaa lagu hayaa 70% halka bahwadaagta caalamiga ah qeybta kaalmada ay tahay 30%. ” ayay raacisay xukuumadda Ethiopia hadalkeeda.

 

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in gaadhsiinta waxyaabaha aan cuntada ahayn ka sokow ay sidoo kale socoto iyadoo ay taageerayaan 10 NGO-yo caalami ah, si loo hubiyo gaadhsiinta iyo ka jawaab celinta wax ku oolka ah.

Sidoo kale, waxay xusatay in la aasaasay 10 kooxood oo ku salaysan heerarka caalamiga ah.

Balse warbixintii u danbaysay ee ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International waxay ka daydisay xaaladda gobolka.

Baaqa Amnesty International

“Waxaan codsanaynaa in baadhitaan ay hogaamiso UN-ka lagu sameeyo dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Axum, iyo in dowladda Ethiopia ay siiso fursad buuxda oo aan caqabad ku ahayn gargaarka bani’aadanimo, xuquuqul insaanka, iyo ururada warbaahinta.” Ayaa lagu yidhi, warbixintaa oo la daacabay daabacay 26 Feberury 2021.

Amnesty International, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay hayso cadaymo muujinaya in gobolka Tigray ay ka dhaceen xasuuqyo bahalnimo ah, waxayna tusaale usoo qaateen magaalada Axum oo ay sheegeen la xasuuqay dad rayid ah intii u dhaxaysay 28-29 November 2020. 

“Boqolaal qof oo rayid ah oo reer Axum ah ayaa laga yaabaa inuu u dhigmo dambi ka dhan ah aadanaha” ayaa ciwaan looga dhigay warbixinta Amnesty International ee la daabacay 26 Feberury 2021.

Xaaladda Gobolka Ee Dagaalka Ethiopia Iyo Xiisadda Soamaaliya

Xaaladda sii xumaanay ee collaada gobolka Tigray oo hurisay xiisadda u dhaxaysa dalalka Ethiopia iyo Suudaan ee muranka deegaanka Faqsha oo ay weheliso xiisadda Isticmaalka Biyaha webiga, ayaa sababtay in collaada la aloosan gobolka Tigray ee Ethiopia noqoto mid saamayn ku yeelata xasiloooni daradii hore uga jirtay gobolka ee Soomaaliya xudunta u ahayd.

Dhawr bilood ka hor markii collaadu ka bilaabantay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, wuxuu durbadiiba saamayn ku yeeshay doorkii ay ciidamadda Ethiopia ku lahaayeen hawlgalada nabad ilaalinta ee gobolka.

Todobaadkan ciidamo Ethiopia ah oo ku sugnaa dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, ayaa diiday in ay ku kaabtan dalkooda, sidoo kale ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya, ayaa hore u diiday in ay ku laabtaan qaarkood dalka.

Koonfyrta Suudaan iyo Soomaaliya oo ay ciidamada Ethiopia qayb muhiim ah ka aahayeen hawgalka loogu yeedho AMISOM, ee ay safka hore kaga jireen Ethiopia iyo kuwa Ugandha.

Wallaaca laga muujiyay bilawgii xiisadda dagaalka Ethiopia ayaa ah, iyadoo laga cabsi qabo inuu noqdo mid sii riiq dheeraada, isla markaana raad xun ku yeesha amaanka mandqada.

Iyadoo ay jiraan arrimaha collaada Ethiopia ee kulaalay gobolka, ayaa mar kale toddobaadyadii u danbeeyay khilaafka kasoo cusboonaaday Soomaaliya kaddib muranka hoggaamiyaasha Soomaaliya ee doorashoooyinka.

Arrintaa, ayaa wer-wer iyo wallaac kusii siyaadiyay raja xumada dhanka amaanka ee awalba aan kalsoonida lagu qabin ee Soomaaliya.

Gunnaanad

Wallaw Ethiopia ay sheegtay in horumar laga sameeyay marinka sahayda gargaarka ee gobolka Tigray, balse taas ugama haysato markhaati Hay’addaha gargaarka iyo kuwa xuquuqda Aadamaha.

Sidaa awgeed Ethiopia waxay weli waajahaysa cannaan caalami ah, iyadoo ay dhinaca kale sii korodhay cabsida xaaladda Soomaaliya ee gobolka.

By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

E: Mail Jaamac132@gmail.com.