Araweelo News Network
 
alshababBaladweyne(ANN)Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar xooggan oo khasaare badan dhaliyey ku qaaday saldhig ciidammada Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka AMISOM ku leeyihiin degaanka Halgan oo ku yaal Gobolka Hiiraan ee badhtamaha Syoomaaliya subaxnimadii hore ee shalay.
Weerarka kadib dagaal aad u culus ayaa dhexmaray dagaalyahannada Al-shabaab iyo ciidammada Itoobiya ee ku sugnaa saldhigga degaanka Halgan, kaas oo ay ka dhasheen khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo ciidan iyo shacab ah.
Dagaalka ayaa ku bilowday weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidanka AMISOM, kadibna waxa halkaas ka bilaabmay dagaal aad u culus oo dhexmaray dagaalyahannada Al-shabaab iyo ciidammada Itoobiya ee ku sugnaa xeradaas, kaas oo ay ka dhasheen khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo ciidan iyo shacab ah.
Guddoomiyaha tuulada Halgan Mr. Guhaad Cabdi Warsame ayaa saxaafadda u sheegay in gaadiidka dagaalka ee Al-shabaab gudaha u galeen saldhigga ciidanka Itoobiya iyo magaalada oo dhan, kadibna dagaal adag halkaas ka bilaabmay, isaga oo intaa ku daray inuu arkay meydadka 95 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka fuliyey. Hase ahaatee, waxa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo khasaaraha ciidammada Itoobiyaanka ka soo gaadhay weerarkaas.
Dhinaca kale, Afhayeenka Hawl-gallada ee Al-shabaab Sheekh Cabdulcasiis Abu-muscab, ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen 43 askari oo ka tirsanaa ciidammada Itoobiya, tiro kale oo badanna ka dhaawaceen, kaddib markii ay hawlgal qorshayn ku qaadeen saldhig ciidankaasi degganaayeen oo ku yaal degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale, illaa hadda waxa la xaqiijiyey geerida tobaneeyo qof shacab ah iyo dhaawacyada in ka badan 20 ruux oo kale.
Weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa tan iyo markii ciidammada maamulka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab gacan-ku-heynta degaannada Gobolka Hiiraan, waxa uu sidoo kale sababay khasaare ballaadhan isugu jiro dhimasho iyo dhaawacyo dad badan oo rayid ah, kuwaas oo sida la sheegay ay ku habsadeen madaafiic iyo rasaas xooggan oo dhinacyada dagaallamay isweydaarsanayeen.
Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Ururka Midowga Afrika,  Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa si adag u cambaareysay weerarka Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidanka AMISOM ee degaanka Halgan, iyadoo sheegtay in weerarkaas ahaa mid fashilmay.
War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa shalay, ayaa lagu xusay in kooxda weerarka geysatay iska caabbin xooggan kala kulmeen ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ee degaankaas ku sugan, isla markaana lagu dilay boqollaal ka tirsanaa dagaalyahannada Al-shabaab.
Waxa kaloo bayaanka lagu sheegay in ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya qabsadeen hub fara badan ay isticmaalayeen xoogagga weerarka qaaday, waxaanay guddoomiye Dlamini-Zuma ku ammaantay ciidanka Itoobiya ee saldhiggaas ku sugnaa sida deg-degga ah ee ay uga jawaabeen weerarkaas.
“Weerarrada noocan oo kale ah waxay muujinayaan dabciga liita ee ururka Al-shabaab oo hadafkoodu yahay faafinta argagax iyo sii wadista qorshaheeda ay ku doonayso inay ku wiiqdo kalsoonida shacabka Soomaaliya. Waxay tani sii adkaynaysaa go’aankayaga ah in aan sii wadno dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab tan iyo inta Soomaaliya oo dhan laga xoreynayo argagaxisada,” ayay tidhi Dr. Nkosazana oo carrabka ku adkaysay in fashilinta weerarkaasi caddeyn u yahay awoodda ciidammada AMISOM u leeyihiin inay si saameyn leh uga jawaabi karaan halista argagaxisada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa tacsi u dirtay qoysaska askarta ku geeriyooday weerarkaas oo aanay tiradooda sheegin, iyadoo kuwa ku dhaawamcayna u rajaysay caafimaad dhaqso ah, waxaanay ku celisay inay sii wadi doonaan taageerada ururkoodu u fidiyo dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda si ay helaan nabad waarta.
Geesta kale, dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen weerar Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidammadoodu ku lahaayeen tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan subaxnimadii hore ee shalay.
Safaaradda Itoobiya ee ku taal magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay warbaahinta Soomaaliya inay ciidankoodu khasaare ballaadhan gaadhsiiyeen dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday.
“Weerarkaas waxa Al-shabaab lagaga dilay 120 dagaallamayashiii weerarka soo qaaday ka tirsan, sidoo kale waxa looga furtay tiro badan oo hub ah ay ka mid yihiin; AK-47 oo ka badan boqol qori, garnayllada garbaha laga rido iyo gaadiid dagaal,” Sidaas waxaa yidhi Kamaaludiin Mustafa oo ka tirsan Safaarada dawladda Itoobiya ee Muqdisho.
Safaaradda ayaa intaa ku dartay in Al-shabaab afar jiho ka weerareen ciidankooda, laakiin ciidammada AMISOM oo u diyaarsan ka-hortagga weerarrada noocaan oo kale ah fashiliyeen weerarkaas.
Sidoo kale, maamulka taagta daran ee Muqdisho ayaa ku dooday in la dilay 120 xubnood oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka ku qaaday xerada ciidanka Itoobiya ee degaanka Halgan. 
Wasiirrada Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha Soomaaliya oo wadajir shir-jaraa’id ugu qabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo sidii wax u dhaceen.
Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay weerarka kooxda Al-shabaab ku qaadeen fadhiisin ciidammada AMISOM ka joogeen degaanka Halgan uu fashilmay, jab xoog lehna ka soo gaadhay kooxda Al-shabaab oo uu tilmaamay in qorshahoodu ahaa inay khasaare weyn u geystaan ciidanka Itoobiya, laakiin ciidammadu dhirbaaxo culus ku dhufteen.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mr. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa isaguna xusay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 120 dagaalyahan oo Al-shabaab ah, lagana qabsaday hubkii ay wateen oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.
“Abbaaro 5:00 aroornimo ee saaka [shalay] ciidanka AMISOM ee Itooobiya fadhiisin ay ku lahaayeen degaanka Halgan waxa weerar qorshaysan ku soo qaaday xoogag ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo, kaddibna dagaal toos ah ayuu isu beddelay. Inta hadda naloo xaqiijiyey waxa dagaalka lagu dilay 120 dagaalyahan oo ka tirsanaa nabad-diidka. Waxaa sidoo kale la qabtay hubkii ay wateen. Dhanka ciidanka AMISOM & kuwa Soomaaliya waxa la caddeeyey in 10 askari ku dhinteen,” ayuu yidhi Wasiir Diini.
Waxa kaloo uu tibaaxay inay dagaalka ka dhacay tuulada Halgan ka qaybqaateen ciidanka dawladda Soomaaliya, kooxaha nabad-diidkana khasaarihii ugu ballaadhnaa ka soo gaadhay muddooyinkan.
Illaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidammada Itoobiya ku leeyihiin degaanka Halgan ee badhtamaha dalka Soomaaliya.