Araweelo News Network

musharaxJamaalHargeysa (ANN)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in isaga iyo garabkiisu mar kale dacwad u gudbinayaan Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa laga horjoogsaday inay shirweyne aan caadi ahayn ku qabsadaan Hargeysa, isla markaana aan ka qaybgalin shirweyne Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabtu xalaalaysay oo uu qabtay garabkii uu hoggaaminayey Faysal Cali-waraabe, kaas oo lagu laalay heshiiskii hore ay u wadagaleen labada dhinac oo ay qayb ka ahayd murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID, taa beddelkeedana murrashaxa jagada Madaxweyne xisbiga u matali doona loogu cumaamaday Guddoomiye Faysal.
Haddaba, Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in ay suurtogal tahay dacwad ay mar kale geeyaan Maxkamadda Sare oo ka dhan ah Faysal Cali-waraabe iyo Guddiga Diiwaangelinta Ururrada.
Isagoo arrintaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi, “Waxaannu la tashanaynaa qareennadayada, halkaa waxa ka soo bixi karaya in aannu mar kale saddex dacwadood oo kala gaar ah ku dacwayno, mid waa Faysal Cali-waraabe oo shakhsiyan kaligii ah inuu na khiyaameeyey oo uu yahay tuug beenaale ah oo weliba ku faanay oo markhaatiga aannu haysanaa waa afkiisa, dacwadda labaad waa hay’adihii dawladda ee sida sharci-darrada ah nooga hiiliyey ee shirkayagiina horistaagay, shirkiisiina (Faysal) u fasaxay ee booliska u diray, dacwadda saddexaad waxa weeye xukunkii maxkamadda oo sideedii loo fulin, maxkamaddu waxay tidhi shirweyne aan caadi ahayn ha la qabto oo labada garabna ha wada qabanqaabiyaan, hana yimaadaan ergooyinkii shirweynihii 2012-kii, waxaannu haynaa ergooyinka joogay in aanay ahayn kuwii 2012, waxaannu haynaa in aan laga shaqaysiin shantii xubnood ee guddiga aannu lahayn.
Saddexdaa kiisba way noo bannaanyihiin in aannu ku noqonno Maxkamadda Sare, markaa Maxkamadda Sare ha is-qaawiso ama yaanay is-qaawin bal markaasi ayaa la arki, arrintaasi taladeedana dib baanu isugu noqonaynaa.”
Waxa kaloo uu naqdiyey Guddiga Diiwaangelinta Ururrada oo uu ku eedeeyey inay sifo qaldan u mareen sharciyeynta shirka uu qabsaday garabka Faysal, “Guddiga Diiwaangelinta oo labadii shir ee labadayada garab ku kala baaqeen ku sheegtay sharci-darro, ayaa haddana waxa ayaan-darro ah in Guddiga Diiwaangelintu iyadoo wax allaale iyo waxay ku salanaysaa aanay jirin intay Tv-yada soo fadhiisteen tidhi shirkii Faysal sharci buu ahaa, caalamka lama arag dad shir aanay joogin iyagu oo weliba 24 saacadood ka hor yidhaahdeen waa sharci-darro ay haddana yidhaahdaan sharci buu ahaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Waxa kaloo uu cambaareeyey tallaabo ciidanka boolisku kaga horgoosadeen isaga iyo garabkiisa xafiiska xisbiga UCID ee Hargeysa shalay, waxaannu arrimahan ku tilmaamay dulmi iyo iimaan la’aan wayn oo ka socota Somaliland, isagana loogu badheedhay.
“Weli maanu hadhin, khilaafkii UCID-na weli muu dhammaan, Faysal Cali-waraabe wixii halkaa lagu soo dhoodhoobay (go’aamadii ka soo baxay shirkii UCID ee Faysal) been qaawan bay ahayd, Faysal inuu mar saddexaad murrashax noqdo waa xaaraan oo sharciga xisbiga iyo ka Qaranka midna uma ogola,” ayuu hadalkiisa raaciyey Jamaal Cali Xuseen.