Araweelo News Network

protesters

trump-not-mypresidentWashington (ANN)- Olole lagu doonayo in maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha cusub la doortay Maraykanka Donald Trump iyo mudaharaadyo lagaga soo horjeedo, ayaa durba ka bilaabay dalkaasi maalin uu kadib guushii uu kaga adkaaday haweenaydii la tartamaysay Hillary Clinton.
Saacado yar uun kadib markii la shaaciyey guusha lama filaanka ah ee Trump ku noqday Madaxweynihii 45-aad ee Maraykanka, waxa markiiba bilaabay baaqyo iyo dhaqdhaqaaqyo dad badani ku doonayaan in xilka lagaga qaado si aannu u sii xukumin waddanka, waxaanna arrintani ka bilaabtay su’aalo dadku ku raadinayaan ‘qaabka xilka looga qaadi karo Madaxweyne’ oo ay ka baadhayeen internetka, taas oo waqti kooban gudihii dad 4,850 qof ahi ka baadheen mashiinka wax laga raadiyo internetka ee GOOGLE. Sidoo kalena, mid ka mid ah toddoba codsi (petition) xil-ka-qaadista Trump ah oo Internetka lagu baahiyey waxa saacado yar gudahood ku saxeexay 13,322 qof.
Tiro aqoonyahanno ama barofaseero ku kala sugan Maraykan iyo dalal kaleba, ayaa dabada ka riixaya xil-ka-qaadis lagu sameeyo Madaxweynaha cusub, taas oo iyaduna sii xoojisay dhaqdhaqaaqan, iyagoo sheegaya inay jiraan kiisas culus oo xilka lagaga tuuri karo Trump, kana horjoogsanaya inuu la wareego shaqada kursiga ugu sarreeya dalkaasi.
“Maaha waqti la deganaado, waa xilli ay tahay in la tiriyo wax u muuqda inuu khatar aad u wayn ku yahay dhinaca taariikhda Maraykanka.” Sidaa waxa yidhi Simon Schama oo ah aqoonyahan ku takhasusay taariikhda oo u dhashay Ingiriiska.
Sidoo kale, barafasoor ku takhasusay Sharciga oo la yidhaa Christopher Peterson, kana tirsan Jaamacadda Utah ee Maraykanka, ayaa sheegay inuu hayo caddaymo lagu maxkamadayn karo Trump oo ah dambiyo wax-isdabamarin ah iyo khiyaamo, kuwaas oo dambi culus ka ah sharciga Qaranka iyo ka heer Federaalba.
Prof. Peterson waxa uu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Maraykanku uu leeyahay Jaamacad aan sharciyeysnayn oo la yidhaa Trump University, taas oo ardayda u dhigta habka ugu fudud ee loo taajiri karo, balse dadka lagaga qaado lacag dhan $35,000 (shan iyo soddon kun dollar) si ay xubin uga noqdaan jaamacadda.
Donald Trump ayaa hortagi doona maxkamad muddo saddex toddbaad ah gudahood ah ka hor intaan loo caleemo-saarin xilka Madaxweynenimo 20-ka bisha January 2017, si wax looga waydiiyo dacwad hore looga gudbiyey jaamacaddiisa sannadkii 2010-kii.
Prof. Peterson waxa uu u soo jeediyey aqalka Wakiillada Maraykanka (Congress) inuu maamuus-ka-xayuubin ku sameeyo Trump, “Waddanka Maraykanka waa sharci-darro in ganacsiga loo isticmaalo qoraal ama hadalo been-abuur ah si loogu qanciyo macaamiisha inay iibsadaan alaab ama adeeg. Waxaanay caddayntu muujinaysaa in jaamacadda Trump ay isticmaashay hannaan habaysan oo wakiillo been-abuur ah si ay ugu khiyaamayso kumanaan qoys inay maalgalinayso, kaa oo ah barmaamij lagu doodi karo in aannu jirin,” ayuu yidhi Prof. Peterson.
Maamuus-ka-xayuubin waa sida loogu dacwayn karayo dambiyada halista ee ka dhanka ah madaxweyne xilka haya ama sarkaal sare oo kasta dalka Maraykanka, iyadoo wax-isdabamarinta iyo khiyaamaduna ka mid yihiin dambiyada waawayn ee gaadhsiisan in masuul xilka laga xayuubiyo.
Sida uu dhigayo dastuurka Maraykanku aqalka Wakiillada ayaa u codayn kara maamuus-ka-xayuubin shaqada lagaga eryo masuuliyiinta, laakiin cidda meel marin karta ama diidi kartaa waa aqalka Senate-ka.
Dhinaca kale, kumanaan ka mid ah shacabka dalka Maraykanka, ayaa dhigay bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha cusub Donald Trump, waxaanay dadkaasi oo sita boodhadh ay ku cambaaraynayaan doorashadiisa iyo inuu yahay cunsuri aan xukumi karin dalka ay socod ku mareen jidadka magaalooyinka waawayn ee dalkaasi shalay.
Dad aad u badan ayaa buuxiyey waddada Fifth Avenue ee magaalada New York, taas oo ka soo horjeedda fooqa uu leeyahay Madaxweynaha cusub ee la yidhaa Trump Tower, halkaasi oo uu hadda ku noolyahay, waxay ku dhawaaqayeen ‘Jaceylka ayaa ka guuleysta Naceybka.’
Bannaan-baxyaal kale ayaa isugu tagay banaanka Aqalka Cad ee Maraykanka oo dhowaan noqon doona guriga cusub ee Trump, iyadoo meel aan halkaas ka fogeyn waddada Pennsylvania Aveneu ee huteelka Trump uu ku yaallo uu ka dhacay isu soo bax kale.
Magaalooyinka Bariga Maraykanka ee Philadelphia, Miami iyo Boston, kuwa dhanka galbeedka sida Los Angeles, San Francisco, Portland iyo Seattle iyo magaalooyin badhtamaha ku yaal oo ay ka mid yihiin Minneapolis iyo St. Paul, Omaha iyo Kansas City, ayaa dhammaantood waxa ka dhacay mudaharaadyo waawayn oo ka dhan ah doorashada Donald Trump, iyadoo meelaha qaarkood uu xidhay isu-socodkii gaadiidku, halka dadka qaarkoodna ku baaqayeen in xilka laga qaado Trump oo aannu u qalmin.
Haseyeeshee, Madaxweynaha cusub ee la doortay Donald Trump iyo cid kale oo ka tirsan xisbigiisa toona kamay hadal dibad-baxyadan lagaga soo horjeedo.