mwalaaleeye
Qore: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye)
Salaanta islaamka ka dib, nebigeena Maxamed CSW waxuu xadiis inoogu sheegay macnahiisu ahaa “Diintu waa nasteexo..una tahay Ilaahay, Rusushiisa, Kutubtiisa, madaxda islaamka, iyo guud ahaan dadka islaamka..” walaalayaal markay sidaa tahay, masuuliyada qof kastoo innaga mid ah saaran, waa inuu naftiisa iyo ummada inta kale gaadhsiiyo waxii dantooda ah ee diinteenu inna fartay.
Ilaahay aayad quraan ah waxuu inoogu sheegay macnaheedu tahay, “Hadii ay ku toosaan DARIIQA, Waxaan u shubaynaa Biyo Macaan..”, walaalayaal waa shardi ku xidhan helitaanka raxmaadka ilaahay ee ROOBKA, oo maanta, maalin aynu uga baahi badanahay, dhibaatooyinka abaaraha ee ummadeena haysta awgeed aanay jirin, balse isweydiintu waxay tahay ma buuxinay shuruuda ku xidhan helitaankooda? Xaqiiqdii waa MAYA, Ilayn haddaynu buuxino ballanqaadka Ilaahay ma baaqdeene!
Walaalayaal, Ilaahay waxuu inoo sheegay inaan iska ilaalino fitnada shaydaanka iyo kuwa ku shaqeysto ee gaalada, oo marnaba ogolayn inaan raacno dariiqa xaq ee Ilaahay inoo soo dejiyey ee kitaabkiisa inoogu cadeeyey. Maanta ummadaha islaamku, ama ummadeena Somaliland waxaynu nahay ummad islaam ah oo gudata waajibaad kala duwan oo Ilaahay ku adoonsaday, balse ma isweydiinay inaynu dhamaystirnay waajibaadka ilaahay innagu adoonsaday mise waxbaa innaga dhiman?
Xaqiiqdii haddaynaan isyeelyeelayn, wax baa innaga dhiman, weliba halkii ay u dhimanaysay diinteena islaamku ayaa innaga dhiman raacitaankeeda, oo ah isku xukunka KITAABKA Ilaahay. Dadka aan islaamka ahayn ama gaaladu maanta dhibaato umma aragto tukashada salaada, soonka bisha ramadaan, gudasha waajibaadka xajka, la bixitaanka gadhka, ama ficilo kaloo diinteena ah, balse murugadoodaa ugu weyn iyo halista ay indhaha ku hayaan waa in ummada islaamka meel ka mid ah laga dabakho isku xukunka kitaabka Alle, markaa ayey barri iyo galbeed dhawaaqoodu isku yeedhayaa, oo la dhaleecaynayaa ummadaa aan wax khalad ah samayn, balse lagu colaadinayo maxaad u raacdeen oo isugu xukumaysaan kitaabkii Ilaahay idiin soo dejiyey.
Bal u fiirsada, inta aynaan isku xukumayn kitaabka Alle, dhamaan Gaaladu waa saaxiibadeen, ama innama diidana, laakiin, markay maqlaan gacan-ku-dhiiglayaal ayaa la qisaasay, markaa ayey qeyladooda bilaabayaan, maxaa yeelay waxay ka werwersan yihiin iyaga iyo sheydaanka ku shaqeystaba adeecida hadalka Ilaahay, oo hore iyagu u diideen?
Waxaan kaga baxayaa diinteenu wax walba way inoo caddeysay oo guul aduunyada iyo aakhiro aynu ku gaadhayno, iyo waxa guuldarada labada daarood inna gayeysiinaya, maanta haddaynu diyaar u nahay oo dhab innaga tahay baryada Roob-doonta aynu Ilaahay weydiisanayno, horta aynu buuxino shuruudaha ku xidhan, Ilaahay Baan ku Dhaartee, hadii aynu niyad saafi ah maanta Ilaahay ugu wada ballanqaadno inaan isku xukuno oo kaga dhabayno hadalkeena, ficilkeedana la nimaadno, iska daaya Raxmaadkiisa Roobka uu inoo dhubee, suxulada ayeynu ka leefi doonaa nicmooyinkiisa kala duwan, haba ku jiro Ictiraafka niyadeena ku weyne, haddaba, waxaan Ilaahay hortiisa ka qirayaa inaan diyaar u ahay ku dhaqanka iyo isku xukunka kitaabkiisa, uguna nasteexaynaaa qof kastoo islaam ah kana mid ah ummada Somaliland iyo guud ahaan ummada islaamka caalamka, iyo madaxdoodaba inay kaga dhabeeyaan adeecida Ilaahay iyo ku dhaqanka diintooda Islaamka, si aynu dhamaanteen aduun iyo aakhiraba ugu gaadhno kheyr dhamaantii, Ilaahow naga aqbal, dhamaan dunuubteenana naga cafi adigaa awoodee, Aamiin.