Araweelo News Network

faysal UCIDLaascaanood(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay tabashooyinkii ka taagnaa degaannada Gobolka Sool ay qayb ka ahaayeen caqabadaha ku gudban in dalka Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa ka helo beesha caalamka.
Eng. Faysal oo hadal ka jeediyey xaflad lagu daah-furay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka bilaabmaysa Gobolka Sool iyo Buuhoodle oo lagu qabtay magaalada Laascaanood shalay, waxa uu sheegay in hadda la gaadhay waqtigii dalka Somaliland si buuxda u dhammaystirmi lahaa, kadib markii bulshada degaannadaasi ku qanceen inay diiwaangelinta ka qaybgalaan, diyaarna u noqdeen inay ka qaybgalaan hannaanka doorashooyinka Somaliland.
“Laba farxadood ayeynu ku jirnaa oo ay ta koowaad tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo inoo dhammaanaysa, kana bilaabmaysa Gobolka Sool oo ah kii u dambeeyey lixda gobol ee Somaliland, farxadda labaadna waa Somaliland oo inoo dhammaystirmaysa. Somaliland ma dhammaystirnayn (markii hore) oo gidaar ayeynu garaacaynay markii aynu lahayn hala na ictiraafo oo Sool ayaa maqnayd, markaa maanta ayeynu ka hadli karnaa ictiraafkii haddii Ilaahay yidhaa, waxana kaw ka ah ictiraafka in dhulkaagu yahay nabad, dadkuna midaysan yihiin, dal iyo dad kala maqanna lama ictiraafi karo,” ayuu yidhi hoggaamiyaha xisbiga UCID.
Waxa kaloo uu isbarbardhig ku sameeyey sida ay dadweynaha reer Sool, gaar ahaan Laascaanood u arkayeen diiwaangelintii laga sameeyo Somaliland sannadkii 2009-kii iyo midda hadda ka socota.
“Waxa aan immi Laascaanood sannadkii 2009 oo ay diiwaangelintan oo kale ka socotay dalka, maalintaas hore aflagaadooyin badan ayaa nagaga yimi magaalada oo dumarku ha u badnaadeene, maantana mashxaraddii ka soo bilaabantay Guumays waxa aannu ugu soo galnay Laascaanood. Anigu mar kasta waxa aan odhan jiray waar gobta lagama baqdo oo waa markii afraad ee aan dhex seexdo Laascaanood, qolo uu ka mid yahay Muuse Biixi-nna maanta ayaa ugu horraysa, codkana waxa aad bixin doontaan sidii loo soo kala horreeyey,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in guul laga gaadhay gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo uu dhigay degaanka Adhi-caddeeye, halkaasoo wadahadal uga qabsoomay hal-doorka bulshada ku dhaqan Gobolka Sool (beelaha Dhulbahante), isagoo xusay in gogosha ugu dambaysay ee tabashooyinka jira oo dhan lagu afjari doono la dhigayo magaalada Burco 25 October 2016, haddii Ilaahay yidhaa.
“Halkaas (Burco) ayeynu dib-u-heshiisiin buuxda ku samayn doonnaa oo waxa aynu ka soo bilaabaynaa sidii la ahaa sannadkii 1991-kii, taas ayeynu wax ku noqon doonnaa, annaguna haddii aannu nahay mucaaridka kama naxno wanaagga ay waddo xukuumadda markaas talada haysaa oo hareerta ayaannu ka galnaa, waanuna la dhammaystiraynaa Madaxweynaha iyo xisbigiisa, qabyada ka hadhana insha Allaah annaga ayaa dhammaystiri doona, waanna arrin qaran,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.