Araweelo News Network

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ballan ku qaaday in aannu shir dambe oo beeleed ka dhacayn dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taas beddelkeedana waxa uu sheegay inuu shirweyne qaran isagu qaban doono.
Eng. Faysal oo hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ummadda Somaliland xaal iyo raalligelin ka siiyey hadallo ka soo yeedhay salaadiinta Hargeysa, isagoo Madaxweyne Muuse Biixi-na ka dalbay inuu tallaabo degdeg ah ka qaado suldaanka guud ee deegaanka uu ka soo jeedo.

“Shir dambe oo qabiil in aannu ka dhacayn Somaliland ballan ayaannu idiinku u qaadayaa walaalayaal, haddii ay noqoto qabyaaladna caaqilnimo iyo suldaannimo waan idiin sheegayaaye aniga ayaa chief-caaqil ah.
Marka hore waxaan idinka xaal-marinayaa oo aan raalligelin ka bixinayaa niman salaadiin sheeganaya waxay ku hadlayeen maalmahan dambe. Suldaankii ka hadlayey Burco intuu Hargeysa ka tagey ee qaranka iyo dadka Somaliland kala qaybiyey ee Jeegaanta ku kala sheegay iyo wax kale iyo kii maalintii dhoweyd ka hadlayey ee masiibada dadka colaadda ah ee ka dhacay Darar-weyne ee ummadda oo dhan ka naxday dabka ku sii shidayey ee dawladdii ku kala dhex jirtay dusha ka saaray inay colaad waddo. Xaal baannu ka marinaynaa reer Somaliland,” ayuu yidhi Eng. Faysal.

Waxa uu intaa sii raaciyey; “Labadaas nin [labada suldaan] ka hore ee tagey Burco isagu waa ku sime ee ma aha suldaan, waxayna ilmaadeer yihiin Madaxweynaha Muuse Biixi, kan kale ee sheeganayey ee lahaa ‘Wax baa la laayeyna,’ annaga ayaa ilmaadeer ah. Horta, annagu kaayaga arrinkiisa waannu ku jirnay, waanuna ka tashaynaynaa si dhaqso ah, magacayaga inuu baabi’iyo oo magaca Somaliland iyo dalkaba ku baabi’iyo oo mar hore dagaalna ku geliyey oo mar dambena dagaal ku galiyo u dulqaadan mayno, waanuna tashanaynaa. Waxaan Madaxweyne Muuse leeyahay, ninkan [Suldaan Xasan] sidii Qadaafi u socda ee sanka taagaya, adna tallaabadiisa ka qaad, oo ninkii lahaa saldannada amma ha yimaaddo ammaba ku miyir-qababa ha u dhiibto.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale sheegay inay qaban doonaan shir heer qaran ah, balse aan marnaba la ogolaan doonin shir-beeleed lagu qabto gudaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Walaalayaal, shir qaran baannu qaban doonnaa, laakiin shir qabiil xaaraan baannu ka dhigeynaa insha Allaahu tacaalaa. Waannu ku wada soconnaa in aannu shir qabiil dhicin, kuwa leh waxaannu sameynaynaa shir-qabiil ma dhacayo ayaannu leenahay shir Hargeysa ah ayaannu qabanaynaa haddii aannu doonayno, maxaa naga dhexeeya ninka Laas-qoray jooga haddii aannu Soomaali ahayn? Waxa uu naga dhexeeyaa ka aannu isku Hargeysa nahay.”
“Sidii dadka waalan in loo fikiro ma’ahee, nin yar oo aan shaqeysan oo cummaamad qaatay oo doonaya inuu lacag ku helo, qabiil iyo mashruuc uu sameysto annaga nama matalo, annaga ayaa metelna dadkayaga oo u siyaasiyiin ah; haddii ay noqoto dee qabyaalad iyo caaqilnimo iyo suldaanimana, anigaa chief-caaqil ah waan idin sheegayaaye,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe.