By: Mustafe Dheereeye

Warbaahinta kala duwan iyo wariyayaasha kuwa u dhuun-daloola hababka kala duwan ee warbaahinta iyo siyaabaha kala duwan ee loo faafiyo muqaallada, qoraalada, codadka iyo arrimaha la halmaala oo qoraalkani khuseeyo waxaannu ku baraarujinaynaa masuuliyad dhinacyada kala duwan ee saamaynta ku leh dadyowga loo warramayo iyo kuwa laga warramayo. Qof walba ama dadka wararka tabiya waxay masuul ka yihiin qallinka, kamaradda iyo hannaan kasta oo aad war iyo xog ku soo gudbiso, una dirto xarumaha warbaahineed iyo baraha bulshadu ku xidhiidho.
Ummadaha kala duwan ee ina aaminay ee wararka u ooman iyo kuwa aan ka warramayno ee codkooda doonaya in aynu gaadhsiino meelihii ay ugu talogaleen, waxa ay xaq innoogu leeyihiin in aynu masuuliyad iska saaro sirtooda iyo siyaabihii ay ugu talogaleen farriimahooda. Dhinaca xog tabiyahana waxa looga fadhiyaa warar xaqiiqda ku qotoma oo sugan oo ay ku xisaabtamaan.
Qofka warkiisu fidmo ama dagaalo kiciyo ee keena dhimasho bilow ilaa dhammaad wax walba oo sababtaasi keento danbigaas iyo fidnadaasi ka dhalatay Ilaahay (SWT) isaga ayuu kala xisaabtamayaa, waanu ku ciqaabayaa.
Dhammaan masuuliyiinta warbaahinaha, waxaan ka codsanayaa in aanay duubin, baahin ama aanay si uun uga qaybqaadan wararka dhiillada ah ee kicinta ah ama kala qaybinaya bulshada, kuwooda qaar ka mid ah baahiyeyna waa inay ka saaraan barahooda Internet-ka.
Allaah korreeye waxa uu inoo sheegay qofka qof si kas ah u dila in lagu abaalmarin doono naarta Jahannaba, kuna waari doono naartaasi weligii, isla markaana uu Alle aad ugu cadhoon doono, SUBXAANNALLAAH, haddaba, maxaad u malayn haddii muuqaal, qoraal ama hadal aad baahisay dad lagu laayo dhimashana uu sababo.
Qolada qurbaha joogta ee dawladaha ay la joogaan ee qaxootinimada siiyey ay noloshoodii iyo baahiyahoodii dammaanad qaadeen, waxa aan leeyahay carruurtiina quruxda badan haddii aad nolol u hesheen miyaad garanwayday in carruuraha hooyooyinkooda ay u dhiig-baxaan umusha, iyagoo loo waayo dhiig-joojin in aad habeen walba idinkoo raaxaysanaya baraha bulshada ka soo guubaabisaan colaad, si uu aabbihii dagaal ugu qaado reerka ay jaarka yihiin ee koombada bariiska ah ay kala amaahdaan. Tollaayeeda iyo ka kacaayda aad dibadaha ka soo afuufaysaan waa nabsi idiin dhitaysan oo ubadkiina iyo qoyskiinaba saamayn doonta.
Waxa kale oo iyagana lala xisaabtami doonaa huuhaalaha isagu aan dagaalka gelin ee dadyawga walaalaha ah isku jabiya ee warbaahinta ka xiiqsan si dhallinyarada isku dugsiga ah loo kala kaxeeyo.
Waxaan qormadan ku soo gabogebaynayaa in aynaan baahin warar cuqdad iyo cunfiba huwan oo ay dadkeena ku kicinayaan kuwa caadaystay dhiigga ummadda.
Mustafe Maxamed Nuur (Mustafe Dheereeye)