W/Q. Barkhad-ladiif M. Cumar

Qofka hal-abuurka ahi xil  kasta oo loo dhiibo isaga macno u sameeya, isla markaana qiimo aanu markii hore lahayn u sameeya, dadka qaar ma yaqaanaan sida wax cusub loogu soo kordhiyo booska la geeyo oo sidii loogu dhiibay baa lagaga qaaddaa, isagoo aan wax isbeddel ah ka samayn xiitaa haddii uu booskaasi ama jagadaasi ahaa mid saamayn leh oo macno ballaadhan bulshada u leh isaga ka qaadda qiimihii uu lahaa oo la seexda.
Qofka bani’aadanka ah, waxa uu noolaha kale kaga duwan yahay inuu caqliga ka shaqaysiiyo oo uu maskaxdiisa maalo oo duruufaha noloshiisa ku lammaan u fikiro sidii uu u xalin lahaa. Dadka saameynta leh ama isbeddelka ku sameeya noloshooda waxay leeyihiin laba shay oo kala ah inay hal-abuur leeyihiin ama dhegaystaan tallooyinka isbeddelka leh iyo inuuu leeyahay go’aankii ama dhiiranaantii uu wax kaga qaban lahaa taladaasi uu helay.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waa wasaarad ballaadhan, laakiin dadku intooda badan waxay u arkaan wasaarad bisha Ramadaan iyo masaajidada uun xukunta, waxa aad arkaysaa dad had iyo jeer yaraysta saameynta ay leedahay wasaaradaasi, sababtu wax kale maaha dadka joogo ayaan macno u samayn oo masaajid la furayo iyo maalinta bisha ramaadaan iyo ciidda uun la arkaa, taas ayey dadka dhaliilaa ka ficil qaateen.
Sida aan aaminsanahay, wasaaradaasi haddii dad hal-abuur leh ama mufakir ahi joogi lahaayeen, waxay la meeqaam ahaan lahayd haddii aanay ka sareyseen-ba Wasaaradda Maaliyadda ama Arrimaha Gudaha oo ah wasaaradaha ugu waaweyn baaxad ahaan iyo dhaqaale ahaanba dalka Somaliland.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxay maamusha bulsho boqolkiiba boqol islaam ah, waxay maamushaa meelaha bulshadu ku xidhan tahay ee cibaadada, waxaannu nahay bulsho diinta iyo sadaqadda bixinteedda ku fiican, waxay maamusha kumanaanka masaajid oo waddanka ku yaal oo imaamyadoodu ku xidhan tahay saameynta ay bulshada ku dhex leeyihiin aanay jirin cid ku leh, waayo shanta wakhtiba qof kasta wuxuu ku tukadaa masaajidka jaarkiisa, dadkuna badankoodu masaajido ku xidhan yihiin, waxa hoos taga culimada oo awood aan la dafiri karin ku dhex leh bulshada, weedhoodana aad loo dhegaysto.
Sidee bay wasaaradani faqriga u dabar jari kartaa?
Haddii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta samayso waaxda sadaqada iyo Sekeda oo loo dhiibo wadaado bulshaddu ixtiraam iyo qadarin u hayso oo aan laga shakiyeen inay ammaanada loo dhiibo lunsadaan, waxay dabar jari lahaayeen faqriga. Tusaale ahaan xaafad walba waxa ku yaalla masaajid, haddii wasaaradda ay hoos yimaadaan soo diyaarsato qorshe dadka foqoradda ah wax laga qaban karo muddo gaaban ayeynu gaajada cidhib tiri lahayn, haddii Ilaahay ina waafajiyo. Xaafad wal oo masaajid ku yaal waxa loo qoondeyn lahaa lacag Jimcaha laga ururiyo oo loogu tallogalay xaafadaha jaarka ah ee danyarta ah, waxa sidoo kale la diwaangalin lahaa masaajid walba qoysaska ku hareeraysan inta danyar ee la jaar ah, ka dibna bishii maalmaha Jimcaha oo kaliya ayaa dadka ku tukanaya lacago sadaqad ah oo dadka danyarta ee jaarka loogu tallogalay laga ururin lahaa, iyadoo bulshada loo sheegayo in masaajid walba qadar go’an lagu xukumo masaajid walba si jaarkiisa inta aan dabka loo shidin loogu quudiyo, waxaana la samayn lahaa masaajid walba inta laga soo ururiyo in dadka foqorada ah ganacsi loogu sameeyo si nolosha qoyskooda u dabarto.
Qorshaha labaad, Ganacsatada laga maalgaliyey masaajidka waxa sannadkiiba iyagana lagu xukumi lahaa Sekedii ganacsigooda ku waajibtay, qoys kasta oo ganacsi loo furo marka sannadkii sekedii ku waajibtay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka qaado waxa soo bixi lahaa lacag faro badan, waxaana shaqadaasi ama waaxdaasi ka hawlgali lahaa dhallinyaro shaqo loogu samayn lahaa.
Faa’iidadda ku jirta in qoysaskaasi ganacsi loo maalgaliyo iyo in ganacsigooda Sekeda looga qaaddo:
In lacagta laga ururinayo masaajidada qoysaska jaarkooda ganacsi loogu maalgalinayaa waxay tahay haddii biil loogu dhigo dadkii way is dhiganayaan, waxayna sugayaan uun in wax la siiyo, haseyeeshee marka meherad loo sameeyo qofkii isaga shaqaysanaya oo xooggiisa maalaya.
Qoysaskaasi Wasaaraddu u maalgalisay ganacsiga waxa loo sheegayaa in sannadka marka ay gaadhaan Sekedii ku waajibtay ay u dhiibaan Wasaaradda Awqaafta, waayo waxa la tusayaa in hantidan lagu maalgaliyey ay tahay hanti muslimiintii jaarkoodu ku caawiyey, sidaas darteed iyaguna waa inay Sekedooda ku wareejiyaan muslimiin kale ee u baahan, waxaana meesha laga saarayaa ganacsatadii Sekeda reerahooda siin jirtey, wakhtigan aynu ku jirno Sekedii waa la qabiileeyey, iyadoo jaarkaagu u baahan yahay ayaa masaafo ka fog cid aad isku dhow tihiin joogto u xawilaysaa, laakiin mar haddii ay dawladdu hawshan waddo waa in ganacsatadii ay maalgaliyeen tusaan in Sekedii ku waajibtay ganacsigooda ku wareejinayaan Wasaaradda Awqaafta, iyaduna ay u taalla cidda xaqa u leh ee ay siinayaan.
Ta labaad, lacagta laga ururinayo masaajidada boqolkiiba toban (10%) waxa loo dhigayaa masaajidka si loogu daboolo wixii kharash ah ee uu u baahan yahay, inta soo hadhayna bil walba lacagta laga ururiyo qoysaska jaarkiisa ah ee danyarta ah ee diiwaangashan ayaa bil walba ganacsi loogu maalgalin lahaa.
Lacagta ka soo baxday maalgashiga lagu sameeyey kumanaanka masaajid ee Somaliland ka dhisan, waxa loo qorshayn lahaa in Miyiga iyo beeraha lagu maalgaliyo, haddii wasaaradda Diinta arrimahaasi fahanto oo ay dhaqaajiso waxa hubaal ah in wadankaba laga waayo foqoro ama qoysas fiqiir ah.
Qorshaha fogna waxay Wasaaraddu u dajisan lahayd in marka la dabar gooyo fakhriga ay Wasaaraddu samayso hay’ad lagu ururiyo Sekooyinka iyo sadaqada oo noqota mid caalami ah oo dalalka caalamka gaadhsiiya caawimooyinkii ka yimid shacabka Somaliland gaadhsiiya dalalka dhibaatooyinka iyo faqrigu ka jiraan ee muslimiinta ah, waxaana noqon lahayn dalkii Afrikaanka ee ugu horeeyey ee dalal kale caawimooyinka gaadhsiiya.
Dadka qaar baa laga yaabaa inay ku doodaan arrimahaasi wax dhici kara maaha, inay arrintaasi fudud tahay waxa ku cadaynaya maalin dhoweyd oo Jimco ahayd, waxaan ku tukanayey masaajid ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee caasimadda Hargeysa oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Cismaan, waxa masaajidka ka kacay wadaadkii Masaajidka oo dadkii ku tukanayey u sheegay inay masaajidka joogaan culimo ka yimid deegaanka Ceegaag ee gobolka Sool, kuwaas oo u yimid masaajid la doonayo in halkaasi laga dhiso oo lacagta ku baxaysa lagu qiyaasay afartan kun oo doolar, waxaannu sheegay in saddex masaajid u qaybiyeen lacagta ku baxaysa masaajidkaasi, waxaana masaajidkii aan ku tukanayey lagu xukumay in laga doonayo $17,000 dollar (Toddoba iyo toban kun doolar), waxaana nusasaac gudihii lagu ururiyey lacag ka badan intii laga rabay oo ku dhow soddon kun oo doollar oo wadaadkii xidhiidhinayey waxa uu ku bilaabay yaa alla dartii kun doollar u bixinaya markiiba dad faro badan ayaa is qoray oo ku yaboohay, daqiiqado gudahood ayaa lacag faro badan lagu soo xareeyey Ilaahay dartii loo bixinayey. Sidoo kale maalin kale masaajid aan ku tukanayey waxa laga ururinayey lacag lagu dhisayo masaajid ku yaalla Yurub.
Waxaan is waydiiyey lacagtaasi masajidka loo ururinayo ee laga yaabo in masajidkan laga ururiyey xaafado u dhow in aanay saddexda wakhti hal wakhti helaan, waxay naftaydu is waydiisay masaajid la dhisayo iyo bani’aadan Gaajo u dhimanaya iyagama tollow khayr badan, caqliyadayda yar waxay ii sheegtay in nafta oo la badbaadiya ka wanaagsan tahay masajidkaasi hada la dhisayo, marka lacagtaasi masaajidka loo ururiyey haddii qoysaska ka ag dhow masaajidkan lacagta laga ururiyey lagu caawin lahaa qoysaska bakhtiyeya ayaa ka ajar iyo khayr badan masaajid la dhisayo, waxa laga yaabaa in dadkaasi lacagta bixinaya in aanu qofna ka war hayn jaarkiisa waxay ku nool yihiin iyo nolosha ay ku jiraan, waxa jira boqolaal qoys oo maanta dabku u bakhtiisan yahay, halka laga yaabo guriga ku xiganna la daadiyo cuntadoodii markii cidi cuni wayday, sadaqaduna waxay ku fiican tahay in aad ka bilowdo jaarkaaga, mar haddii aanad jaarkaaga aanad ka war hayn noloshooda siday tahay waxba ka ogayn sadaqo fog oo aad bixisa waxa ka fiican ta jaarkaaga oo aad ku bixiso.
Waxay ahayd in haddii lacag la ururinayo iyo haddii qaadhaan la bixinayo ay Wasaaraddu la socoto ama la ogaysiiyo oo dawladda uga wakiil noqoto arrimahaasi qaadhaanka iyo sadaqada la bixinayo.
Guntii iyo gabogabadii Wasaaraddu haddii ay siyaasad ay hawlahan oo dhan ku fulinayso dajiso waxa hubaal ah in dhallinyaro badan shaqo-abuur u samayn lahayd, shacabkana ka saari lahayd faqriga, wasaaraduna noqon lahayd mid ballaadhan.
Sidoo kale, waxa iyana meeshii ka bixi lahayd dadkii aan jaarkoodda ka war hayn ee ay ku adkayd inay ogaadaan jaararkooda xaaladda ay ku nool yihiin in marka masaajidka laga diiwaangaliyo qoysaska jaarka la ah ee masaajid walba loogu baaqo in labixiyo xaqii jaar nimada si jaararka danyarta ah loo caawin lahaa qofkii markii hore ku adkayd inuu ogaado xaalka jaarka waxa u fududanaysa in masaajidka ku bixiyo oo waajibkii ka saarna jaarka ee uu markii hore dayacay ka fududaanayso, mar haddii uu masaajidkii uu ku xidhna ku bixinayo xaqii jaarka.
Markaa Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaannu ka sugaynaa barnaamijkaasi inay hirgaliso oo masajidadka hoos yimaad ku amarta qorshahan lagu cawinayo jaarkoodda si masaajid walba dadka foqorada ah ee la jaarka ah ganacsi ugu abuuri lahaa dadkaasi, haddii taasi dhacdo Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxay noqon lahayd mid ka dhaqaale badan wasaarad walba waa haddii ay fahansantay waajibka dalka iyo dadkaba ka saaraan.

 

barkhadladiif@hotmail.com.