Araweelo News Network

cirrolastHargeysa(ANN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanay Somaliland ka maarmi karin macaamilka ay la leedahay dalalka beesha caalamka.
Guddoomiye Cirro oo waraysi siiyey telefishanka HCTV shalay, waxa uu tilmaamay in aanay beesha caalamku dhinaca doorashooyinka oo qudha ka caawin Somaliland, balse ay jiraan mashaariic dhaqaale badan ku baxo ka fuliyaan dalka.
“Runtii beesha caalamka innagama caawiso doorashooyinka oo qudha. Waxa laga yaabaa in shacbiga la jaho-habaabiyo oo la yidhaa $8 milyan oo doollar ayey innagu caawinayeen beesha caalamku, laakiin waxaynu ka warqabnaa in beesha caalamku ay kaalmooyin badan iyo sanduuqyo badan oo uu ka mid yahay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo laga yaabo inay hadda boqollaal milyan oo doollar ku soo dhacaan, waxayna ka timaad beesha caalamka.
Mashaariic badan oo ka socda waddanka oo dawlado bixiyaan iyo kuwo si dadban ay u bixyaan oo laga yaabo in mashaariicdaas dhaqaalaha ku baxayaa uu ka badan yahay miisaaniyadda Somaliland oo ah $300 milyan oo doollar oo aan toos ahayn ay soo gasho Somaliland, waxaanan qabaa in Somaliland u baahan tahay beesha caalamka. Doorashooyinka oo qudha ugama baahna, waxayna u baahan tahay xidhiidhkooda, waxay uga baahan tahay ictiraaf, arrimaha diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, arrimaha gobolka iyo arrimaha caalamiga ahba way uga baahan tahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
“Xaq ayey u leeyihiin inay muujiyaan saluugooda, laakiin waxa loo baahan yahay in si wanaagsan loola macaamilo, haddii wax lagu diiddan yahayna waa loo sheegi karaa oo qaran madaxbannaan ayeynu nahay, balse qaramadu kama maarmaan beesha caalamka, mana jiro dal maanta ka maarma beesha caalamka.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha WADDANI ayaa xusay in dhawaan la soo gunaanadi doono wadahadalka u socda xisbigooda iyo siyaasiyiinta la baxay Isbahaysiga KULMIYE oo ay kulan ballaadhan wada yeesheen shalay.
“Kulanka aannu wada yeelannay xisbiga WADDANI iyo xubnaha isbahaysigu wuxuu ka mid ahaa wadahadallo iyo kulamadii noo socday, waxogaa ayaa la kala maqnaa, markaa wadahadalkii hore noogu socday ayuun baa halkii ka bilaabmay, waxaanan rajaynaynaa inuu noo soo gunaanadmo hadda haddii Ilaahay yidhaa.
Ajanduhu waa sidii la isku kaashan lahaa xisbiga WADDANI iyo isbahaysigu oo si guud ah, waxaanan filaynaa in aannu yeelano kulan kale oo degdeg ah labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda, insha Allaah…Ragga ku jira isbahaysigana waa la wada garanayaa oo waa siyaasiyiin waaweyn oo miisaan ku leh guud ahaan Somaliland, laakiin ka tirsanaa xisbiga KULMIYE, waxaanan is leeyahay ragga halkaas ku jiraa wax badan ayey ka tari doonaa miisaanka WADDANI, taageerada xisbiga iyo doorashooyinkaba,” ayuu yidhi Cirro.
Waxa kale oo uu ka hadlay heshiiskii ay isla qaateen guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee ahaa inay ku qancaan go’aanka Madaxweynuhu ka gaadho khilaafka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, waxaannu yidhi; “Heshiiska waan hayaa oo qodobka labaad ee heshiisku wuxuu u qoran yahay sidan; ‘waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hoggaansamaan go’aanka Madaxweynuhu ka gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland.’ Markaa ma jirin go’aan Madaxweynuhu ka soo saaray saami-qaybsiga, Madaxweynuhuna wuxuu soo saaray kala qaadista labada doorasho, markaa horta ma jirin wax ballan ah oo aannu ka baxnay, laakiin waxaan is leeyahay haddii la eegayo ballamo laga baxay; Muuse Biixi ayaa ka baxay oo haddii la baadho ilaa waqtigii halganka in la soo helayo boqolaal ballamood oo uu ka baxay ilaa halgankii ilaa intii uu xilalka ka qabtay Somaliland.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga UCID, waxaannu yidhi; “UCID waannu ka tirsanaan jirnay oo runtii marka si rasmi ah loo eego iskumaannu deyin in aannu si rasmi ah u dhexdhexaadinno masuuliyiinta xisbigaas, laakiin cidda aannu aragnaba garabka uu doono ha noqdee waannu kula talinaynay in khilaafka la dhigo oo la raadiyo xal aannu ku burburin xisbiga UCID. Waxa aan qabaa in soo bixitaanka xisbiga UCID uu murrashax Jamaal Cali Xuseen door weyn ku lahaa in xisbigaasi soo baxo doorashadii Golayaasha Degaanka.”
Waxa kale oo uu tilmaamay inay wax ka jiraan eedaymaha murrashaxa Jamaal Cali Xuseen u jeediyo xukuumadda KULMIYE ee khuseeya inay farogelin ku hayaan arrimaha xisbiga UCID, waxaannu yidhi; “waxa aan ku talin lahaa in xukuumadda, KULMIYE iyo cid kaleba aanay xaq u lahayn inay farogeliso arrimaha xisbiga UCID.”