Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE

Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE

London(ANN)Waftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland ayaa gaadhay magaalada LONDON ee xarrunta wadanka UK.halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay kadib markii ay mudo afar cisho ah hawlo shaqo u joogeen wadanka Imaaraatka Carabta.
sodhowayntawefdigamadaxweynahaeeuk
Madaxwaynaha Somaliland Mudan Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo oo uu qayb ka ahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhowaynta ballaadhan ee lagu qaabilay, iyadoo aanay u kala hadhin jaaliyadda somaliland ee ku dhaqan wadanka ingiriiska iyo masuuliyiintooda.

wefdigamadaxwetnahaeeuk1

soo dhowaynta waxa si weyn uga dhex muuqday xubnaha golaha wasiirada ee iyagu hore usii joogay halkaasi,madaxda xisbiga kulmiye ee UK iyo sidoo kale maamulka xisbi xaakimka KULMIYE ee magaalada CARDIFF,oo uu hor kacayo gudoomiyahooga Md. CALI MAXAMED XAAJI XASAN(cali ciise)

Madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato masuuliyiinta dawlada Ingiriiska iyadoo la sheegayo inay ka wada hadli doonaan arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu madaxwayne Siilaanyo la kulmi doono Jaaliyada Somaliland ee ku nool Dalka Ingiriiska