Araweelo News Network

gaafoowMuqdisho(ANN)Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Jeneral Cabdillaahi Gaafow, ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka joojiyey ilaa 1,500 (kun iyo shan boqol) xubnood oo isagu jirta saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidammada hay’addiisa iyo kuwa sirdoonka, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay gabeen waajibaadkii shaqo ee ay u xilsaarnaayeen.
Saraakiisha shaqada laga ceydhiyey waxa ka mid ah Taliyihii Nabad-sugidda ee Gobolka Banaadir, Cabdixakiin Farey iyo xubno kale oo xilal kala duwan ka hayey hay’addaas.
Gen.Gaafow ayaa la sheegay inuu shaqo-ka-joojinta saraakiisha iyo ciidanka tirada badan ee ka tirsanaa hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dawladda Soomaaliya sabab uga dhigay in ay ku fashilmeen wax-ka-qabashada amniga ee magaalada Muqdisho, isagoo wacad ku maray in uu furi doono bog cusub tayada shaqada hay’addiisa.
Waxa kaloo uu ku eedeeyey dhammaan askarta iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka ee shaqada laga joojiyey inay ku guuldarraysteen ka-hortagidda weerarrada dagaalyahannada Al-shabaab ka fuliyaan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo qaraxii ugu dambeeyey la eegtay makhaayad lagu cunteeyo oo ku dhow xabsiga Godka Jilacow ee Nabad-sugidda maalintii Axadda.
Taliye Gaafow waxa waxa uu sheegay inuu damacsan yahay inuu dib u soo nooleeyo hoggaanka hay’adaha ammaanka, sidaa daraadeedna xubnaha shaqada laga fadhiisiyey lagu beddeli saraakiil iyo askar cusub hawlkar ah oo uu ku dooday inay ka adkaan doonaan kooxda Al-shabaab.
Xoogagga Al-shabaab ayaa weerarro khasaare kala duwan dhaliyey ka fuliyey maalmihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho.