“Haddii aynaan qaban doorashadii Madaxtooyadda, waxaynu dhabarka ka tooganaynaa dadkii qadiyadeena wadday , Muusena waxaan leeyahay,,,,,,,” Faysal Cali Waraabe

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku tilmaamay mid aan ku filayn doodda Baarlamaanka Britain in aannay ahayn mid ku filan qadiyadda Somaliland, balse wuxuu sheegay wallow uu hanbalyaynayo dooddda in shacbiga Biritian Somaliland uga baahantahay hiil intaa ka weyn.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, wuxuu tilmaamay in dadka Somaliland abaal weyn ku leeyihiin oo ay kala qaybgaleen dagaaladii koowaad iyo labaad oo ay dadkii geesiyaasha ahaa ee u hiilayay ahaayeen Somaliland, sidaa awgeed ay ka sugayaan shacbiga iyo dawladda Britain taageero intaa baddan iyo hiil.

Dhinaca kale, wuxuu amaanay qurabajooga Somaliland, isagoo wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd ku amaanay jawaabtii uu ka bixiyay arrinta Soomaaliya”Soomaaliya dawlad kama jirto waa meel musuq-maasuq ah oo lacagta aduunka lagu cunno.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID.

Haseyeeshee Guddoomiye Faysal, wuxuu si weyn u dhaliilay Madaxweyne Biixi, isagoo sheegay in Afartii sannadood ee uu xilka hayay inuu dalka aannu wax horumar ah keenin ee uu niyadjab, kala qaybin iyo qabyaalad waxa aan ahayn.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa usoo jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, in uu danta qaranka ka horaysiiyo dantiisa, isla markaana qabto doorashadda Madaxtooyadda si dalka loo badbaagiyo.

Wuxuu sheegay in xeerkii murranka dhaliyay oo ku tilmaamay mid fidno ahaa ay maxkaamaddu laashay, isla markaana xeerka lagu shaqaynaaya ee ay adeecsan yihiin uu yahay Xeer L/r 14. 2011.

“Beesha Caalamku way inoo imanaysaa, waxaan kaa codsanayaa in dalka wadajirkii lagu waday aad kusoo noqoto, wanaaga dibedda ee aduunku inoo soo jeestay ha ka horgeyn xumaan oo ka daa dhalinyaradda hubaysan ee Xaafaddaha.” ayuu yidhi.

Haddii aynaan qaban doorashadii Madaxtooyadda, waxaynu dhabarka ka tooganaynaa dadkii qadiyadeena wadday oo doodda Baarlamaanka Britain waday iyo kuwo kale oo soo socdaaba.” ayuu raaciyay Guddoomiyaha UCID.

Muuqaalkan Ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com