Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Fri, Aug 23rd, 2019

Hargeysa: Xafiisyo laga qaato Baasaboorka Soomaaliya iyo Shirkadda Bixisa

Share This
Tags
Ma imika ayaad ogaateen, waligayo waanu bixinaynay baasaaboorka, walibana waanu sii wadaynaa…” Shirkadda Skyway Travel Agency

Hargeysa (ANN)- Magaalada Hargeysa, waxa dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka furnaa xafiis si joogto ah u bixiya baasaboorka Soomaaliya oo ay hawsha bixintiisa wakiil ka tahay, isla markaana ay ku kaliyeysatay mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqeeya adeegyada Socdaalka iyo Safarka duullimaadka diyaaradaha.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u madnuucday in dalka gudihiisa lagu bixiyo ama laga qaato baasaboorka Soomaaliya, iyadoo amar ka soo baxay hay’adaha Ammaanka iyo Socdaalku horaantii sannadkii 2017, lagu mamnuucay ku safarka baasaboorka Soomaaliya ee ay ku qorantahay inuu ka soo baxay magaalo ka mid ah Somaliland.

Baadhitaan ay sameeyeen suxufiyiin ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan, ayaa lagu ogaaday inay jiraan xafiisyo ka furan gudaha magaalada Hargeysa oo lagu bixiyo baasaaboorka Soomaaliya, taas oo ay qandaraaska bixintiisa soo qaadatay shirkad lagu magacaabo Skyway Travel, Tourism and Cargo oo ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada socdaalka iyo Tigidhada diyaaradaha.

Xafiiska Shirkadda Skyway Travel ee Badhtamaha Hargeysa

Labada Xafiis oo si gaar ah u qaabilsan bixinta Baasaboorka Soomaaliya, ayaa laga furay Degmooyinka Gacan-Liibaax iyo Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo midkood oo ay shaqadu caadi uga socoto booqasho ku tageen suxufiyiinta baadhitan arrintan isu-xilsaaray iyagoo iska dhigay inay yihiin dad doonaya in loo sameeyo baasaboorka Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan jiritaankeeda, iyagoo iska dhigay inay doonayaan baasaaboorka Soomaaliya, waxaanay shaqaalihii goobta ka hawl-galayey weydiiyeen suxufiyiinta cidda la socotay ama u soo tilmaantay goobta xafiisku ka samaysan yahay oo ah guri ku yaalla xaafadda Badda Cas ee magaalada Hargeysa. “Yaa idin soo tilmaamay, ma waxa jirta cid idinla socotay, ma gaadhibaad wadateen,” ayuu weydiiyey mid ka mid ah shaqaalaha goobta ka hawl-galyey oo markaas u muuqday inuu yahay qofkii masuulka ka ahaa xafiiska. “Maya ee annagaa nimi oo baska ayaanu kaga degnay laamiga, intaasna waanu soo lugeynayo,” ayuu ugu jawaabay suxufiyiinta midkood.

Mid ka mid ah Guryaha Xafiisyada u ah ee lagu farsameeyo Baasaboorka Soomaaliya

Suxufiyiintani waxa ay sheegeen inay goobta ugu tageen qaar ka mid ah Ardayda Shaqo-qaran oo dhawaan imtixaanka u galay Shaqaale ay qaadanayso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo Wershad shidaalka Sifaysa ka hirgelinaysa magaalada Hargeysa, kuwaas oo intii ku soo baxday imtixaanka loo ballan-qaaday in aqoon-kororsi iyo waxbarasho loogu qaadayo dalka Shiinaha, sidaas awgeedna looga baahan yahay inay soo qaataan baasaaboor ay ku safraan.

Lama oga in masuuliyiin ka tirsan ama shaqsiyaad ka ag-dhow xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi qayb ka yihiin arrintan, haseyeeshee waxa muuqata inay xukuumadda Somaliland wax ka ogtahay ama la socotay hawl-galka xafiisyadani iyo Shirkadda Skyway Travel ka wadaan gudaha caasimadda maadaama  ardayda Shaqo-Qaran ee ku soo baxay shaqaaleynta shirkadda laga leeyahay Shiinaha oo dalka dibaddiisa waxbarasho iyo tabobar muddo kooban ah ugu qaadaysa, kuwaas oo lagu xidhay inay soo qaataan Baasaaboorka Soomaaliya.

Haseyeeshee, Masuul ka tirsan Shirkadda Skyway Travel oo lagu magacaabo Cabdiraxkiim Maxamed Cilmi oo suxufiyiintu waxa ka weydiiyeen hawsha uu xafiiskoodu hayo, ayaa si jees-jees ah ugu jawaabay su’aal laga weydiiyey doorka ay shirkad ahaan ku leeyihiin, isagoo sheegay inay muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jireen hawshan iyaguna qandaraas ku soo qaateen bixinta baasaaboorka Somaliya, isla markaana ay sii wadayaan hawsha.

“Ma imika ayaad ogaateen, waligayo waanu bixinaynay baasaaboorka, walibana waanu sii wadaynaa, waxaad doontaan sheega oo soo qora,” Sidaa waxa yidhi Cabdiraxiim Maxamed Cilmi oo ka tirsan shirkadda Skyway Travel Agency.

Fadeexadaha kale ee ka soo baxay baadhista ay saxaafaddu samaysay, waxa ka soo baxay in xafiisyada ay masuulka ka tahay shirkadda Skyway Travel dadka ka qaadaan lacag xad-dhaaf ah oo gaadhaysa $300 (Saddex Boqol oo Dollar) qof kasta oo danaya inuu helo baasaaboorka Soomaaliya oo markii hore loo doonan jiray magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland halkaas oo lagaga qaadi jiray lacag aan ka badnayd $100 (boqol Dollar).

Shacabka Somaliland, ayaa inta badan baahida helitaanka Baasaaboorka Soomaaliya waxay kor u kacdaa xilliga Xajka maadaama oo dowladdu Sucuudigu aanay Aqoonsanayn Baasaboorka Somaliland.  

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah xukuumaddiisa oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Sucuudiga oo u tageen gudashada waajibaadka Xajka, ayaa sheegay inay dalkaas ku ugu safreen baasaboorka Somaliland, kaddib markii ay marti-qaad ka heleen dowladda Sucuudiga oo markii dambe ogolaatay inay baasaboorka Somaliland, kaddib markii ay ku gacan-saydheen inay ku socdaalaan baasaaboorka Soomaaliya oo dalkaasi aqoonsan yahay.

Geesta kale, Qaar ka mid ah muwaadniinta Somaliland ee xafiisyada hore uga qaadatay baasaboorka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay isla markaana su’aalo iska weydiiyey sababta kalliftay in Xukuumaddu ogolaato xafiisyada hawshadan qaabilsan ee laga furay caasimadda Hargeysa, waxaanay qaarkood aragtidooda ku soo gudbiyeen baraha bulshada iyagoo soo bandhigay baasaaboorka iyo goobaha ay ka qaateen ee ku yaalla caasimadda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa fadeexad ka taagan tahay cidda u xil-saartahay shirkadda SkyTravel inay ka wakiil ka noqoto bixinta baasaaboorka iyo Xafiisyada ka furan magaalada Hargeysa, ayaa ah fadeexad qaawan oo dul-hogaynaysa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ka hor-imanaysa go’aan ay hore wada-jir u soo saareen Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Duulista hawada oo ay wehliyaan ciidanka socdaalka, kuwaas oo amar ku siiyay shirkadaha diyaaradaha iyo Wakaaladaha in aanay tigid u jari karin qof kasta oo ku safraya baasaboor ay ku qaran tahay in laga bixiyey gudaha Somaliland.

Source: Somalilandpost.

Muuqaalkan Hoose ka daawo Muwaadin fashiliyey goobaha ay ku yaallaan xafiisyada laga bixiyo baasaaboorka Soomaaliiya

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

#8Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp