Araweelo News Network.

Maxaa Laga Filan Karaa Maxkamadda?

Nairobi(ANN)-Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa la filayaa in ay Isniinta 5-ta bishan September, oo ku beegan maalinta bari ah ku dhawaaqdo go’aanka dacwada ka dhalatay natiijada doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya ka qabsoontay August 9, 2022.

Laxidhiidha: Raila Odinga Oo Sheegay In Kooxo musuqmaasuqi Doonayaan In Ay Gacanta Ku Dhigaan Dawladda Kenya

Dhawaaqa go’aanka laga sugayo maxkamadda sare, ayaa ah dacwadda uu Raila Odinga oo lagaga adkaaday tartankii doorashada Madaxweyneha ee Kenya, ka gudbiyay natiijada loogu dhwaaqay William Ruto oo ah ninka tartanka adag dhexmaray Odinga ee natiijada codbxinta loogu dhawaaqay.

Lama ogga go’aanka Maxakmadda sare inuu noqonayo mid wax ka beddela natiijada doorashada ee guushu ku raacday siyaasiga William Ruto oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Madaxweynaha xilka kasii degaya, sidaa awgeed waxa jirta cabsi laga qabo qalalaase hadheeya dalka Kenya marka ay Maxkamadda sare shaaciso natiijadda go’aanka dacwadda.

Dalalka reer galbeedka gaar ahaan Britain ayaa ka digay in dadka u safraan deegaanka saldhiga ugu weyn u ah taageerayaasha Odinga ee Kisumu iyo guuda ahaanba dalka, waxayna  Britan sidaa ku sheegtay bayaan digniin ah oo kasoo safaaradda ay ku leedahay Kenya, sidoo kale dadka Maraykanka ee ay saaxiibada yihiin ayay uga digtay safarada, gaar ahaan kuwa deegaanka Kisumu oo si gaar ah farta loogu fiiqay, balse waxa digniintaa ka cadhooday maamulka gobolka Kisumu, waxayna ku doodeen in aannay jirin wax cabsi ah oo ka taagan halkaa.

Murrashaxa laga guulaystay Odinga waa markii shannaad ee guuldaro uu waajaho tartanka doorashooyin sannadihii u danbeeyay uu ku doonayay inuu xukunka gacanta ku dhigo, waxayna dhammaan natiijooyinka doorashooyinka Kenya noqdeen kuwo dhiig baddan ku daatay, kaddib markii laysku khilaafay natiijooyinka.

Odinga ayaa dhowaan markii la shaaciyay natiijada sheegay in kooxo musuqmaasuq ah ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan talada dalka Keneya, wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu toddobaadkii hore warbaahinta la hadlay, kaddib markii uu sheegay in ay maxakamadda u gudbiyeen dacwad la xidhiidha natiijada doorashada.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya, William Ruto oo isagu ku guulaystay doorashada, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu difaaco guushii uu ka gaadhay doorashada, isagoo si badheedha u sheegay xilligaa inuu maxkamadda ka difaacayo guushiisa.

Natiijada doorashada oo dib u dhac ku yimi ayaa ugu danbayntii guddida doorashooyinka oo ku kala qaybsamay shaaciyeen  in guusha Wlliam Ruto oo si dirqi ah kaga adkaaday ninka la tartamayay ee Raila Odinga, uu helay 50.5% codadkii la dhiibtay, sida ku cad natiijada rasmiga ah.

Kenya ayaa marar baddan doorashooyinku ku yeesheen saamayn xun, iyadoo doorashadan ugu danbaysaygacan ka hadal iyo eeddaymo la xidhiidha ku shubasho codadka uu ku tilmaamay  Mr Odinga, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada, wuxuu sheegay in aannu aqbalayn oo marayo dariiqyada sharciga.

Kenya waa dal uu ragaadiyay musuq-maasuq, wallow ay dalal baddan oo Afrika ah marka loo eego samaynay koboc dhaqaale iyo dumuqraadiyad marka la gaadho doorashooyinka natiijadoodu sababaan khasaare ballaadhan oo naf iyo maalba leh, taas oo doorashada xilligana aannay waxba ka duwanyn in qalalaasihii marar baddan dhacay uu dhaco oo dhiig baddan ku daato, waxaase la dhawrayaa natiijada maalinta beri ee Isniinta sida Kenya doorashadeeda madaxtinimo kusoo dhammaato, taas la saadaalinayo in aannay guusha Ruto waxba ka beddelayn, balse waxa si weyn loogu dheg-taagayaa go’aanka kasoo bixi doona Maxakamadda sare oo noqday mid wadnaha farta lagaga hayo, iyadoo aan la ogayn sida ay xaaladdu noqonayso marka ay Maxkamadda sare soo saarto go’aanka dacwadda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com