Araweelo News Network.

Xoghayaha Gollaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Ka Hadlay Ujeeddada Kulanka Qaatay Saacaddaha Iyo Ajandaha Fadhiga Loogu Baaqay Xildhibaanada

Hargeysa(ANN)- Shirgudoonka Gollaha Wakiillada ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Guddoomoyayaasha tobbanka guddi hoosaad ee gollaha wakiillada Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankaa oo maanta ka qabsoomay xarunta gollaha wakiillada, ayaa lagaga hadlay arrimo la xidhiidha ajandaha kal-fadhiga gollaha, waxaana shirgudoonka ku weheliyay Guddoomiyayaasha tobbanka guddi hoosaad iyo xogahayaha guud ee gollaha.

Xoghayaha Guud ee Gollaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo ka hadlaya waxyaabaha lagu faaqiday kulanka, Image Araweelo News Network, 4 September 2022.

Arrimaha lagaga hadlay kulankaa iyo ujeeddada nuxurka kasoo baxay,  waxa warbaahinta u sharaxay Xoghayaha Guud ee Gollaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo sheegay in kulanka ay ka qaybgaleen Guddoomiyayaasha Guddida Hawlaha Gollaha Wakiillada oo ka kooban tobbanka guddi hoosaad ee gollaha shirgudoonka, shirgudoonka iyo xoghayaha gollaha.

“Shirgudoonka ayaa soo diyaariyay ajandihii kal-fadhiga, si guddi walba ajandaha lasoo hordhigay shaqadoodu uga muuqato, iyaguna dhankooda ugu daraan wixii ay hayaan, ama uga waramaan xeerarka ay hayaan.” Ayuu yidhi, Xogahayuhu.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay guddiyadu dhankooda kulankaa kaga waramayeen masuuliyiinta la doonayo in ay golle weynaha hor yimaadaan, wuxuuna xusay in ajanddihii shirgudoonku soo dhigay kulankaa iyo waxyaabaha ay guddiyadu kusoo dareen laysla qaatay sidaana lagu hordhigayo fadhiga golle weynaha.

Xogahaye Cabdirisaaq, ayaa sheegay in kalfadhiga 4aad ee gollaha maalinta Isniinta ee 5 September 2022, ka furmayo hoolka fadhiyada ee xarunta gollaha wakiillada, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay xildhibaanada in ay subaxnimada hore kasoo xaadiraan fadhigaa si ajandaha loo hordhigo.

“Hore ayaan u shaacinay in kal-fadhigii Afraad furmayo Isniinta 5 September, 2022, waxaan mar kale ku wargelinayanaa xildhibaanada inay kasoo xaadiraan kal-fadhiga oo ay xilli hore yimaadaan.” Ayuu yidhi, Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Dhinaca kale, kal-fadhiga Afraad ee gollaha oo la filayo inuu maalinta Isniinta ka furmo xarunta gollaha wakiillada ee Magaaladda Hargeysa, ayaa kusoo beegmay xilli uu weli dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay murranka doorashooyinka, kaas oo isku dayo dhawr ah oo Ergooyin  iskood isu xilqaamay ku doonayeen in ay dhinacyada xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka isu soo jiidan ku guuldaraysteen, kuwaas oo ay ugu danbaysay Ergadii ganacsatada oo ku taliyay in labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Ururrada Siyaasada lays raaciyo, balse xukuumaddu markiiba ganafka ku dhufatay, iyadoo weliba weedho deel-qaaf iyo canabaarayn ah ay warbaahinta u mariyeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Arrimaha khilaafka siyaasadeed ee doorashooyinka ayaan la ogayn in qabyadooda dhanka shuruucda iyo dhamaytirkooda hay’addaha maamulaya sida xubnaha guddida doorashooyinka kal-fadhiga lagu qabya-tirayo.

Sidoo kale, lama ogga in soo jeedintii ganacsatadu sheegeen in loo gudbinayo gollayaasha sharciga ee ay doonayeen in ay xal u noqdaan lagu soo qaadayo fadhiga gollaha iyo in ay gollaha wakiilladu qayb ka noqon doonaan furdaaminta khilaafka dhawrka soo jiitamayay ee murranka doorashada Madaxtooyadda iyo Ururrada, iyadoo muddada sharci ee xilka Madaxweynaha iyo muddada sharci ee Axsaabtu ku dhow yihiin gebagebo sida ay dhigayaan Dastuurka iyo xeerarka dalku, balse kal-fadhiga Afraad ee gollaha wakiillada, ayaa noqnaya mid ay ku xeeran yihiin dufuuraha inta baddan dhinaca sharciga iyo qabyada arrimahaa la xidhiidha ee murranka siyaasadeed oo aan weli xalka loo helin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com