Araweelo News Network.

Hargeysa (ANN) – Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Habeen hore Sabtidii oo ku beegan 2 September 2022, ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 Munaasibadda oo ahayd mid lagu gardaadiyay Buugga ‘Hayaankii Hilowga Arwaaxda’, oo uu qoray Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ka mid ahaa Haldoorka iyo haleeyayada Saxaafadda Madaxa-banaan ee Somaliland, isla markaana ahaa macalin naftiisa iyo nolloshiisa usoo huray xilli adag sannado baddan sidii uu kaalin muhuum ah uga qaadan lahaa xoriyadda saxaafadda iyo waxbarashada gaarka ah.

Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, ayaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday 6 August 2014, isagoo xilligaa  ahaa Aasaasaha iyo Maareeyaha Wargeys Maalinle ahaa oo magaciisu ahaa Ogaal, kasoo kasoo bixi jiray Hargeysa.

Laxidhiidha: Suxfiga Ruug-cadaaga Ahaa Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir Oo Ku Geeriyooday Hargeysa Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay

Sidoo kale, wuxuu Marxuumku kasoo qaatay door muhiim ah warbaabhinta kala duwan ee madaxa-babaan oo xilligaa ku jirtay halgan adag, duruufo waayaha la xidhiidhay iyo kacaa-kuf, isagoo kasoo shaqeeyay Wargeyskii jamhuuriya oo ahaa maalinle kasoo baxa Hargeysa  iyo Telefishan magaciisu ahaa Somaliland Spac, kaas oo uu muddo dheer uu ka ahaa soo saare Barnaamijyo kal duwan.

 Marxuum Cabdiweli, wuxuu ahaa Qoraa iyo muturjum ku xeel-dheer turjumaada iyo qoraalkaba oo illaahay hibo u siiyay, waxaana siddeed sannadood kaddib geeridiisa lagu soo bandhigay Hargeysa Buugga uu qoray ee ‘Hayaankii Hilowga Arwaaxda’ oo si taxane ah ugu soo bixi jiray xilligaa Jaraa’idka maalinlaha ah.

‘Hayaankii Hilowga Arwaaxda’, waa Buug xambaarsan dhacdooyin Taariikheed, sheekooyin mahadho ah iyo tusaaayaal ku xidhiidhsan marxaladaha kala gedisan ee nollosha waxyaabo baddan oo la kulmay, kaas oo noqday dhaxalka uu dadkiisa iyo dalkiisa uga tegey.

Munaasibadda lagu soo bandhigay Buugga, waxa ka qaybgalay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Hal-doorka Suxufiyiinta, Diblumaasiyiin, Xildhibaanno iyo Marti-sharaf kale oo tiro baddan, kuwaas oo hadalo ka jeediyay.

.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Cali Yuusuf (Koore) oo ugu horrayn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Saxaafadda Somaliland marxalado baddan soo martay, marka Taariikhda dib loo eegana ay horumar wanaagsan samaysay, waxaanu Wasiirku halkaa kaga dhawaaqay in Wasaarad ahaan  ay iibsanayaan 100 Buug oo ka mid ah Buugga ‘Hayaanka Hilowga Arwaaxda’.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo isaguna goobta ka hadlay ayaa yidhi “Allah ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaambiir, si wanaagsan baan u aqaanay, wuxuu ahaa nin Af-gaaban, laakiin Qalinkiisa iyo qoraalkiisu aad u Af-dheer yihiin..”

Wasiir Cali-mareexaan wuxuu wax ka tilmaamay farriinta uu buuggu xambaarsan yahay “Markaad buugga akhrido, cimro ayaa kaaga kordhaysa, sidaa darteed aad baan u bogaadinayaa Muuse Faarax Jaambiir iyo Safiir Barkhad Maxamuud Kaariye, dedaalka ay buuggan daabacaaddiisa geliyeen..” ayuu yidhi Wasiir Cali Xasan Maxamed.

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Itoobiya Dr. Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ahaa Weriyeyaashii wax ka bartay islamarkaana la soo shaqeeyay Allah ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaambiir, oo isaguna ka hadlay Madasha buugga lagu daah-furay, ayaa ka warramay shakhsiyaddii Marxuumka, doorkii uu ugu jiray bulshadiisa iyo Taariikhda uu ka tagay “Cabdiweli wuxuu ahaa Qof ballaadhan oo iskaga dab qaaday saddexda Mihnadood, Macalinnimo, Suxufinimo, Annagana Mujaahidkayaga ayuu ahaa markii uu dalka kusoo laabtay..” ayuu yidhi, wuxuu ka codsay dadka madasha fadhiyay in in Marxuumka loo duceeyo.

Guddoomiyaha Ururka Hablaha Suxufiyiinta ah ee Somaliland (WIJA) ayaa iyaduna sheegtay “Allah ha u naxariistee Cabdiweli Taariikh buu ka tagay, Macalina wuu ahaa, xafladda ayayna ka muuqataa inuu guulaystay, aqoontiisiina Iilka lama gelin oo taariikh buu ka tagay..” ayay tidhi.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed, ayaa isaguna yidhi “Waa inaynu buuggaa qaadano, oo aynu Hay’ad Hay’ad iyo Qof Qof u qaadano oo aynu akhrino..”

Munaasibadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxa iyaguna ka hadlay Wasiir kuxigeeno, Agaasimayaal, kuwaas oo Bogaadiyay Buugga la soo bandhigay, isla markaana waxay Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiirna Allah uga baryeen inuu u naxariisto.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com