wasiirada arrimaha Dibadda Somalia iyo ImaraadkaDubai(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga Somalia Dr. Abdusalam Omer Hadliye ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed al Nahyan, waxaana goobjoog ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdulqaadir Sheikhey Al-Hatimi.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta cilaaqaadka labada dal, isla markaasna ay sheegeen in labada dal uu cilaaqaad wallaaltinimo ah oo fog oo taariikh leh uu ka dhaxeeyo, iyadoo dawlada Imaraadku balanqaaday inay wax baddan la qabanayso dawlada Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews