Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Xaaladaha Abaaraha ee daba Dheeraaday iyo Biyo la’aanta baahsan ee Soo Foodsaartay Qoysaska reer guuraaga ah ee Ku Dhaqan Deegaamada Bariga Somaliland Ayaa Meeshii Ugu Darnayd Maraysa Waqti Xaadirkan

Hooyo Saynab Ayaanle Cartan Oo ka mid ahayd dadka kusoo barakacay deegaanka Kiridh oo 40km dhinaca Galbeed kaga Toosan magaalada caynaba ayaa Lasoo sheegayaa inay u Dhimatay Biyo La’aan Xili Ay Foolanaysay iyadoo naloo xaqiijiyay inay Umul Aroortay Xaaskiisii

Sida uu noo Xaqiijiyay Xildhibaan Khadar Cabdi Yuusuf oo lagu Naanayso JEESTO waxaa uu Intaas ku daray in Odaygii Qoyskaas oo la odhan Jiray Qaasin Yuusuf Axmed Kaasi oo ku Maqnaa Dhinaca Magaalada Caynaba Halkaasi oo uu u Doontay siduu wax uun uga soo Heli lahaa raashin lagu qaybinayay Magaaladaasi ayaa Markii uu Gudida Abaaraha ee Deegaankaasi ay u Tawaabi waayeen ay Sababtay Inuu Isaga Soo Huleelo Kadib markuu soo gaadhay Xaaskiisii oo Dhimatayna uu Isaguna Xaaladaha uu Ku Sugan Yahay Aawadeed Xadhig Isku Deldelay Waxaana uu yidhi Xildhibaan Khadar jeesto oo Arintaasi Ka hadlayaa

“Waxaan kuu Sheegayaa Meeshii Caynaba Xaalad adag Ayaa ka taagan Waxaana Dhacday in Ninkaasi Marxuumka ah ee Qaasin Yuusuf Axmed Alle ha u Naxariistee uu Mudo Dhan 7 Maalmood Taagnaa Raashin oo sugayay si Uu Wuxuun uga Helo Raashin Ay Gudida Abaaraha ee gobolkaasi Ku Qaybinayeen Saldhiga Booliska Degmada caynaba Hortiisa Balse Marxuumka looga Dhaartay in galaan Bariis ah looga Daro,Walaal waxaan kuu sheegayaa Gudidii Abaaraha ee Dadka Masaakiinta ah wax loogu dhiibay waxay gaadheen in Nin Waliba Ninkiisa Xiga uu Waraabiyo oo raashinka Siiyo Dadkii aan Gudida Abaaraha Gobolka Cid ugu Jirin Waa Baqtiyeen ,Xukuumadiina Waaba aad aragtaan dee Halka ay wax la Marayso,Xaaladaha bariga Ka taagan way adag yihiin dadkanina Waxba Ma Baryi Karaan,Soomaaliduna waxay dhahdaa nimaan hadlin Hooyadiina wax ma siiso,hadii ay Aamuseen oo Xishoodeen Isla markaana Qarsadeen Dhibaatada Haysata waxaa Dawladii Wakiilka ka Ahayd u haysataa Inaanay Waxba u Baahnayn,Aakhirona Xisaab Baa Taala,Nin Walibana manta Wuxuu Umadaas masaakiinta ah ee Islaamka Ah gashado Ayuu Alle Xagiisa ka Helayaa ,Waxaan kaloo ku Leeyahay hadii Galbeedka Somaliland Shirar iyo Kaambayn Olole Siyaasadeed laga Yagleelayo Anaga Shacabkayagii Baqtiga Ayaa u Xalaal Ah,Waana Dhito u Taal Nin Walibana Siduu Noola Dhaqmo” Ayuu Hadalkiisa kusoo Koobay Xildhibaan Khadar Cabdi Yuusuf(Khadar Jeesto oo khadka telefoonka Ugu Waramay Weriye Maxamed Aadan Dirir

Sidoo kale Hooyo Nimco XIrsi Maxamed oo ahayd Hooyo haysatay 12 Caruur ah, ayaa ugu dhimatay Haraad iyo Macaluul Maalin Ka hor Duleedka deegaanka Ceeryaan oo Koonfur kaga beegan Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, iyadoo deegaamadaa oo aanay tan iyo markii Abaaruhu bilaabeen wax taakulo ah aanay gaadhsiin guddida Abaaraha ee heer Qaran Iyo kuwa Gobolka, Isla markaana ay xaaladu maalinba maalinta Ka danbaysa kasii darayso.

Guud ahaan a waxa Jira duruufo qalafsan iyo Biyo La’aan, iyadoo macaluusha ay sababtay Abaaraha Dabadheeraaday ee Ka Aloosan Gobolada Dalka, balse Xaalada gobolada Bariga ayaa noqday kuwo aad u limita, iyadoo guddida Abaaraha Lagu dhaliilo habacsanaan iyo Maamul xumo lugaha la gashay musuqmaasuq iyo khilaaf dhex dooda ah.