Araweelo News Network.

Brussels (ANN)-Dalalka Yurub iyo Maraykan, ayaa waajahaya dhibaatooyin macaluul ah, iyadoo laga cabsiqabo Abaaro kusoo waajahan iyo Biyo la’aan.

 Xilligan inta baddan dalalka Qaarada Yurub waxaa la soo deristay mowjado kulayl oo soo noqnoqday toddobaadyadii la soo dhaafay. Taasina waxay si aad ah u saamaysay dhaqaalaha, haddii ay noqoto isu socodka webiyada oo yaraatay iyo Beeraha oo qallalay ama dabka ay adkaatay in la bakhtiiyo.

Dhammaan waxyaabaha aan la arag qiyaastii in ka baddan 70 sannadood ka hor ee cimilada kulul iyo webiyada gudhay ayaa lagu macneeyay in ay yihiin dhadhanka kulaylku ku keeni karo qaaradda sannadaha soo socda.

Waxyaabaha layaabka ah ee lagu arkay qaarada Yurub, gaar ahaan Koonfurta Yurub ayaa noqday webiyada oo markii ay gudheen ay soo baxeen dhagxaan ay ku xardhan yihiin qoraalo lagu sheegayo in marka la arko calaamadahan ay soo socoto macaluul iyo gaajo dara, waxayna qoraalada lagu sharaxay dhagxaantu ahaayeen kuwo awoowayaashood ugu muujinayaan digniin marka ay sidan oo kale Webiyadu gudhaan.

Dalalka Yurub ayaa ah kuwo u nugul yihiin isbeddelka cimilada, sida lagu muujiyay Khariidad ka socota Sanduuqa Duur-joogta Adduunka oo tilmaamay khatarta biyo-la’aanta ee Yurub ee ah halista  30-ka sano ee soo socda.

Sida ay khuburada Taariikhdu sheegayaan dhibaatooyinkan gaajada ah ayaa ka dhacay Qaaradda Yurub Qarnigii 13aad. Waxaana la Qoray warbixino iyo Qoraallo lagu kaydiyey taariikhda.

Sidoo kale khuburada ayaa si cad u sheegay in 47% Qaaradda Yurub ay halis ugu jirto inay wajahdo Abaaro daran iyo duruufo nloleed oo adag. khuburada ayaa sheegay in ciidda beerashada ku habboon ee Qaaradda ay Qallashay 17% arrintaasina  ay sabab u tahay abaarta daran ee ku dhufatay Qaaradda Yurub.

Marka loo eego warbixinaha iyo daraasaadka World wildlife fund, tirada dadka reer Yurub ee ku nool gobollada biyo-la’aanta ayaa sii kordhaya, sida ay sheegtay  Sanduuqa Duurjoogta Adduunka ee (World Wildlife Fund (WWF), waxa khatartu ku kordhi doonta dalalka Spain, Italia  iyo meelo kale oo ku teedsan badda Mediterranean-ka, waana dhibaato aad looga werweray sida ay sheegtay warbixintu.

Sidoo kale, Sida laga soo xigtay WWF, tirada dadka ku nool gobollada biyo-yaraanta ee Yurub waxay kordhin doontaa 50 boqolkiiba marka la gaadho 2050.

Khatarta abaartu waxay u badan tahay inay sii korodho, oo ay la socoto saamaynteeda. Taasi waa war ku xun beeralayda. Halkan Jarmalka waxay isha ku hayaan dalag ka liita sidii caadiga ahayd, ayaa lagu yidhi, qayb ka mid ah warbixinta.

Heerkulka sare iyo heerarka roobka hooseeya ayaa ah qayb ka mid ah dhibaatada, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa dhibaatada isbedelka cimiladu noqday mid si weyn loo dareemay, iyadoo ay gudheen , ama qalaleen Webiyo aan hore loo arag in ay sidan oo kale u qalalaan, iyadoo gobolka California,  Arizona and  iyo Nevada, ayaa noqday meelaha biyo la’aanta daran waajahay, kaddiib cimilada is bedeshay ee dunida.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com