Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Telefishanada Somaliland ayaa canbaareeyay xadhiga xukuumaddu kula kacday Telefishanka Codka Bariga Afrika (CBA) oo ka mid ah Telefishanada Somaliland laga leeyahay ee ka hawlgala dalka, isla markaana xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa.

Qoraal ay soo saareen Telefishanada Somaliland ee ku midoobay Ururka SIBA, ayaa lagu sheegay in sharcidaro lagu xidhay xarunta Telefishanka CBA, kaas oo xukuumaddu albaabada u laabtay, kaddib markii wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore qoraal uu soo saaray ku sheegay in gebi ahaan lagala noqday Telefishanka Codka Bariga Afrika ee CBA ruqsadii sharci.

Bayaanka ay ku canbaareeyeen Ururka Telefishanada Somaliland tallaabadaa xukuumaddu kula kacday CBA oo maanta kasoo baxay xafiiska SIBA, ayaa u qornaa sidan:-

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com